Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga dagaallanka fikirka xagjirka

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka Sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la-dagaallanka Musuq-maasuqa ee u dhexeeya hey’adaha kor-joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhinaca kale ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka, gaar ahaan xasillinta iyo guulaha laga gaaray xoreynta goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....