Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa’iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

“Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta ah, iyadoo aan loo eegin sababaha ka dambeeya.

Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.

Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariistee.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...