Home Blog Page 319

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia

0

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jamaac “Huruuse” oo Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galaya shirkadda Todobaatan iyo Sideedaad ee Golaha Loo-dhan yahay ee Jimciyadda Quruumaha Ka-dhexeyso #UNGA78 ayaa kulan laba-geesood ah oo heerkiisu sareeyo Magaaladda New York kula qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Ivica Dačić.

Labadda Wasiir ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka laba-gedood ka ah ee ka dhexeeya Labada dal iyo sidii loo taabagelin lahaa iskaashiga xagga tacliinta, farsamada iyo ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Ugu Dambayn labadda Wasiir ayaa ku ballamay qaabeynta qariidadda iskaashiga labada dal iyo in ay derdergeliyaan Mashaariicda horumarineed ee wadaaga ah, si labada dal iyo shucuubtooda loogu jaheyn lahaa wax wadaqabsi.
Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qotto dheer oo soo bilowday dabayaaqadii 1960kii; waxaana uu yahay mid ku dhisan wax-wada qabsi, iskaashi iyo is-ixtiraam Gobannimada, Madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo iskaashi Caalamiga ah XFS oo kulan laba-geesood ah la yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Serbia.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga ayaa sheegay in loo baahanyahay in la furo doodaha ku saabsan Dib-u-habaynta Maaliyadda ee Yoolasha Horumarka Joogatada ah

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beene-Beene), ayaa sheegay in loo baahanyahay in la furo doodaha ku saabsan Dib-u-habaynta Maaliyadda ee Yoolasha Horumarka Joogatada ah (SDGs), xoojinta shabakada badbaadada maaliyadeed ee caalamiga ah; Horumarinta iskaashiga cashuuraha caalamiga ah iyo Uruurinta dhaqalaaha gudaha.

Qodobadan waxa ay ka mid ahaayeen khudbad uu Wasiirka maanta Ka jeediyay kulan heer sare ah oo dhinac socday kalfadhiga guud ee Qaramada Midoobay oo ku saabsanaa Maalgelinta Horumarinta kaasoo ujeeddadiisu tahay in la bixiyo talooyin siyaasadeed iyo hagitaan ku aaddan hirgelinta ajendaha waxqabad ee Addis Ababa.

Hirgelinta Ajendaha Addis Ababa ayaa ah Qaab-dhismeed ay Qaramada Midoobay ugu talagashay in lagu uruuriyo dhaqaalaha si loogu guuleysto yoolalka hurumarka joogtada ah iyo sidoo kale in la ogaado horumarka lagu talaabsaday iyo caqabadaha soo baxaya lana abaabulo waxqabadyo dheeraad ah.

guddoomiyaha golah shacabka iyo wafdi oo hogaaminaayo oo kulan la qaatey madaxweynaha jfs

0

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdixaashi Cabdullahi iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray magalaada Dhuusamareeb ayaa waxay Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb kulan kula qaateen Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo bilooyinkii u dambeeyay Dhuusamareeb u joogay hagida howlagalda lagu ciribtiraayo Khawaarijta, ayaa guddonka uga warbixiyay guulaha ay gaareen Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu tilmamay in dhawaan guulo waaweyn laga gaari doono Khawaariijta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo marka hore Madaxweynaha ku bogaadiyay doorkiisa hogaamineed ee la dagaalanka Khawaarijta ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed leeyihiin hal cadow oo caqabad ku ah jiritaankooda, isla-markaana ay tahay in laga ciribtiro guud ahaan dalka. Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka JFS oo ah matalayaasha shacabka ay si buuxda u garab taaganyihiin Ciidanka Xooga Dalka.

Wasiiro ,Xildhibaano, Ganacsato iyo maamulka Degmada ayaa ka qeyb galay Xarig jarka Garoonka diyaaradaha Degmada Hobyo

0

Wasiiro ,Xildhibaano, Ganacsato iyo maamulka Degmada ayaa ka qeyb galay Xarig jarka Dibu dayactir lagu sameeyay Garoonka diyaaradaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

Garoonka oo bilihii la soo dhaafay u xayirnaa burbur iyo waxyeelo soo gaartay ayaa waxaa dayactiray Ganacsade Liibaan Ahmed Hassan oo ka mid ah Ganacsatada deegaanka.

Wasiirka Kalluumaysiga XFS Axmed Xasan Aadan,wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala, Senator Duniyo ,Xildhibaan Dhabancad, Wasiir ku xigeenka Howlaha guud XFS iyo masuuliyiin kale ayaa dhammaantood dhiiri galiyey dib u dhiska garoonka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo kulan la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al-Rumaithi.

Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga jawaabo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo khawaarijta, in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay’adaha dhigeenna ee dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo aaddan.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo marin doono hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.

 

Guddoonka Labada Golle Ee Baarlmaan oo gaaray Dhuusamaareeb

0

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaano labada gole ka tirsan ayaa goordhow gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid,Dhuusamareeb waxaa hore muddo laba bilood ku dhaw ku sugnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay ra’iisul wasaare ku kigeenka dalka Itoobiya

0

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha uu ka soconayo shirka guud ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York waxa uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen, oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Inta u socday kulanka ay yeesheen labada masuul ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii  loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood  ee Soomaliya iyo Itoobiya ee soo jireenka ah,iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u kulamo kala duwaan la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda ka soo qaybgashay shirka Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaaladda New York.

 

Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo gaaray degmada Hobyo

0

Wafdi ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka JFS ,Ganacsato iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa afaafka degmo xeebeedka Hobyo ku soo dhoweeyay Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan magaalada Hobyo.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay Wasiirka Kalluumaysiga Axmed Xasan waxaana socdaalka ku wehliyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Shiikh Yuusuf Al-caddaala, la taliyaha Madaxweynaha dalka, Sakariye Xasan Gaashaan, Senator Duniyo, Xildhibaan Saabbir Nuur Shuure ,Cabdisalaan Xaaji Dhabancad iyo Ganacsade Liibaan Axmed Xasan.

Mas’uuliyiinta ayaa la filayaa inay xarig jaraan mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Degmada Hobyo.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 dalka 𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝗵-𝗳𝘂ra𝘆 𝗺𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 ka𝘀𝗼𝗼 k𝗮𝗯𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 X𝗮𝘀𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo wax wayn ka tari doona ka jawaab celinta xasaradaha deg-degga ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal-gelineed ee Xarunta Qaran ee howl-gallada gurmadka deg-degga ah, waxana qayb ka noqoneysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SODMA).

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.

Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.

Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo furay Imtixaan loo gelayo garsoorka dalka

0

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta furay imtixaan garsooreyaal iyo xeer ilaaliyenimo oo loo qaadanayo maxkamadda gobolka iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

Tartameyaasha soo codsaday jagooyinkan oo gaadhayey 1500 oo qof, ayaa maanta waxa nasiib u yeeshay inay imtixaankan u fadhiistaan 487 qof, waxaana laga doonayaa inay ka soo baxaan 30 Garsoore oo ka hawlgeli doona Maxkamadaha gobalka Banaadir, iyo 30 Xeer Ilaaliye oo iyagu na ka hawlgeli doona Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Garsoorka iyo caddaaladda ay la mid yihiin jihaadka loogu jiro in dalka lagaga xorreeyo khawaarijta, dadka guuleystana ay kaalintooda ka qaadan doonaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ” Dadka ku soo baxa Imtixaankaan ee ku guuleysta waxaa ay ka qeyb noqon doonaan Jihaadka loogu jiro dib u soo celinta sharafka ummadda Soomaaliyeed ee Madaxweynaha Qaranku Tuutaha u xiran yahay”

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in uu hadafkoodu yahay in ay Soomaaliya hesho garsoor hufan, madax bannaan, dhexdhexaad ah, bulshadana caddaalad ugu adeega, si taasi loo gaaro-na loo baahan yahay dadkii howshaasi gudan lahaa.

Wuxuu sheegay in ujeeddooyinkoodu ay ka mid tahay in dadka xirfadleyda sharcigu ay fursado siman ka helaan jagooyinka ka bannaanaada Garsoorka dalka.