Home Blog Page 319

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiiboyinka qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Abdulle oo ay Wehlinayaan Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa Xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cabdirisaaq cali Ibraahim iyo madaxa Social pillar ka ee qorshaha isbadalka Qaran ee “National Transformation Plan” oo maanta booqasho ku yimid hay’adda SoDMA.

kulanka ayaa looga hadlay qorshaha isbadalka Qaranka oo uu daadihinaayo Xaafiiska RW iyo doorka SoDMA ku leedahay si gaar ah, Yaraynta Khatartaha ka shaan Musiibada ee qorshaha Isbadalka Qaran NTP iyo sida hay’adda SoDMA u qaadan laheed doorkeed muhiim ka ah.

Madaxda ka socotay xaafiiska RW ayaa warbixin ka siiyay madaxda hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qorshaha isbadalka Qaranka,kaasi oo looguurayo marka uu dhamaado qorshihii hormarinta qaranka 9aad.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka koonfur Afrika oo kulan la qaatay Madaxda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalkaas

Safiirka Soomaaliya ee Dalka KoonfurAfrika Mudane Maxamed Sheekh Isaaq,Ayaa kulan la qaatay Madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika( Somali Community Board ).

Kulan ka ayaa ka Dhacay Xafiiska Safiirka uu ku leeyahay Safaaradda ee Magaalada Pretoria, waxaana laga wada hadlay iskaashi Dhexmara jaaliyadda iyo Safaaradda, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka heesta Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Dalka Koonfur Afrika.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika, Ayaa Muddooyinkaan waday kulamo uu layeelanaayo Qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda si uu wax badan uga ogaado xaaladda dhabta ah ee bulshada ku dhaqan Koofur Afrika.

Dalka koofur Afrika ayaa ah dal ay Soomaalibadan ka xamashaan,dhibbaatoyin badanna loogu geesto, Ganacsatada halkaas ku leh ganacsiyada kala duwan.

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u diray Degmada Ruunirgood

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, ayaa Gawaari sida Shixnado gargaar ah waxa ay u dirtay degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellada dhexe.

Gaadiidkaan ayaa wada gargaar ka qeybahiisa kala duwan sida,Cuntooyinka nolosha aadanaha muhiimka u ah.waxa ay hay’adda ugu talagashay in la gaarsiiyo Shacabka degmadaas iyo degaannada ku xeeran ee maalmo ka hor Khawaarijta laga xorreeyey.

Gargaarkaan oo ay wadaan in ka badan 10 Gaari , waxaa Muqdisho ka sagootiyey guddoomiyaha Hay’adda ’adda Maareynta Musiiboyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Hay’adda SoDMA ayaa u xilsaaran dowladda Inay kaalmo,Gaarsiiso dadka u baahan oo iskugu jira barakacayaal,Agoon,Dadka baahiyaha gaarka qaba, Dadka ay abaaruhu soo barakiciyeen,Qoosaska danta yar ee aan awoodin inay dabka shitaan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Arbaco, 12-ka June 2024

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Arbaco, 12-ka June 2024
1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Norway kula hadlayey magaalada Oslo ayaa ka warbixiyay xaaladaha siyaasadda, dagaalka Khawaarijta, arrimaha dastuurka iyo dib u dhiska dalka.
2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Oslo kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Mudane Jonas Gahr Støre, iyagoo ka wadahadley xoojinta iskaashiga labada da.
3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah u shir u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo ka furmay magaalada Oslo.
4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qasriga boqortooyada ee Oslo kulan kula qaatay Boqorka Norway, Boqor Harald V, iyo dhaxal suge Haakon Magnus.
5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay mideynayso dhammaan tababarrada kala duwan ee Ciidanka Qalabka Sida ee ay inaga caawiyaan dowladaha saaxiibka na la ah.
6- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray kulan lagu soo bandhigayeey warbixin dhammaystiran oo ku saabsan qiimaynta khasaarahii ka dhashay fatahaadihii iyo daadadkii El-Niño ee sannadkii hore.
7- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan magaalada Kismaayo ee Jubbaland ay ku yeesheen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Jubaland.
8- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta lagu dilay dagaalka ka dhacay degmada Ceel dheer ee gobolka Galgaduud.
9- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macalim Maxamuud ayaa kulan fogaan arag ah la yeeshay Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada, kulankaas oo bilow u ah bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee Dastuurka KMG ee lagu sameynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.
10- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa kulan magaalada Geneva kula kulmay Agaasimaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah Mudane Gilbert F. Houngbo.
11- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daahfuray dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey Taliska Qeybta Guud ee Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka.
12- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa meelmariyey qodobbo la xiriiray dib-u-eegista Xeer-nidaamiyaha Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Heshiis Is-afgarad oo dhanka Iskaashiga Siyaasadda ah oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Norway.
13- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS. Marwo Fardowsa Osmaan Cigaal ayaa Xafiiska Wasaaradda ku qaabishay Safiirka Dowladda Talyaaniga Ee Soomaaliya Ambassador, Pier Mario Dacco’ Coppi.
14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Jihaynta Nidaamka Maareynta Maaliyadda,Kheyraadka iyo xubnaha deeq bixiyayaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.
15- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Mudane Towfiiq Binu Fowsaan.
16- Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiraxamaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa soo dhaweeyay dib-u-bilaabista mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, kuwaas oo maamulka Puntland hakiyay laakiin hadda ogolaaday in dib loo bilaabo.
17- Wasiirka Isgaarsiinta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aaden Macalin Cali (Soomaali) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah magaalada Nairobi uga furay shirka xoojinta Mashruuca Iskuxirka Digitalka ee Bariga Afrika.
18- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo Mudane Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa shir guddoomiyay shir ay yeesheen xubnaha guddiga oo looga hadlayey diyaargarowga xuska maalmaha qaran.
19- Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee Waqooyiga Galgaduud.
20- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa helay meydad hor leh oo Khawaarijta Al Shabab looga dilay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
21- Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyeey 19 eedeysane oo loo heysto in ay baraha bulshada ku faafiyeen hadallo kicin bulsho ah iyo falal kaloo dhaqankeenna lid ku ah.
==============DHAMMAAD==============

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Wednesday, 12th June, 2024

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing
Mogadishu, Wednesday, 12th June, 2024
1- President Hassan Sheikh Mohamud, who was speaking to the Somali community in Norway in Oslo, gave a briefing on the political situation, the war against the Kharijites Al Shabab, constitutional issues and the reconstruction of the country.
2- The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Dr. Hassan Sheikh Mohamud, held a meeting in Oslo with the Prime Minister of the Kingdom of Norway, Mr. Jonas Gahr Støre, as they discussed the strengthening of cooperation between the two countries.
3- The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, and the Prime Minister of the Kingdom of Norway, Jonas Gahr Støre, jointly chaired the International Peace Forum, Oslo Forum, which opened in Oslo.
4- The President of the Federal Republic of Somalia, Mr. Hassan Sheikh Mohamud, held a meeting with the King of Norway, King Harald V, and Crown Prince Haakon Magnus at the royal palace in Oslo.
5- Prime Minister Hamsa Abdi Barre said that the Somali government is uniting all the different trainings of the Armed Forces that are being helped by our friendly governments.
6- The Deputy Prime Minister of Somalia, Mr. Salah Ahmed Jama, opened a meeting to present a complete report on the assessment of the damage caused by the floods and floods of El Niño last year.
7- The Speaker of the People’s Assembly of the Federal Parliament of Somalia, H.E. Sheikh Adan Mohamed Nor Madobe, chaired a meeting of the Standing Committee of the People’s Assembly and the Standing Committee of the Jubaland State Assembly in Kismayo, Jubbaland.
8- The Federal Government of Somalia has said that almost 50 members of the Kharijites Al Shabab were killed in the war in El Dheer district of Galgaduud region.
9- The Minister of Justice and Constitutional Affairs of Somalia, H.E. Hassan Maalim Mohamud, held a virtual meeting with the Ministers of the Constitution of the Federal Member States to launch consultations on how to undertake the review of five chapters of the Draft Constitution.
10- The Minister of Labor and Social Affairs of Somalia, Mr. Mohamed Elmi Ibrahim, met in Geneva with the Director General of the International Labor Organization, Mr. Gilbert F. Houngbo.
11- The Minister of Internal Security of Somalia, Mr. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartag) participated in an event to unveil the reconstruction and modernization of the Command of the Road Security/Safety Police.
12- The Somali Cabinet has passed provisions related to the revision of the Regulations on Identification and Public Registration and a Memorandum of Understanding on Political Cooperation between the countries of Somalia and Norway.
13- Minister of Transport and Civil Aviation of Somalia H.E. Fardowsa Osman Egal met with the Italian Ambassador to Somalia, Pier Mario Dacco’ Coppi.
14- The Minister of Finance of Somalia, Mr. Bihi Iman Ige chaired the meeting of the Steering Committee of the Financial Management System, Resources and the members of donors in cooperation with the Government of Somalia.
15- The Minister of Endowments and Religious Affairs of Somalia Mr. Mukhtar Robow Ali Abu Mansoor had a meeting with the Minister of Hajj and Umrah of the Kingdom of Saudi Arabia Mr. Tawfiq Binu Fawsaan.
16- The Minister of Planning of Somalia, Mr. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah (Beenebeene), welcomed the resumption of development projects in Puntland State.
17- The Minister of Communications of Somalia, Mr. Mohamed Aden Macalin Ali and the head of the World Bank in Somalia, Kristina Svensson, jointly opened a conference to strengthen the East African Digital Network Project in Nairobi.
18- The Minister of Internal Affairs of Somalia and the Chairman of the Commemoration Committee for Independence Days on June 26 and July 1, Mr. Ali Yusuf Ali-Hoosh, chaired a meeting of committee members to discuss preparations for the commemoration of national days.
19- The Ministry of Internal Security of Somalia has called rival warring clans in North of Galgudud to stop the fighting and initiate peace talks.
20- The Somali National Army has found more dead bodies of Kharijites Al Shabab who have been badly defeated in Eldheer district of Galgaduud region.
21- The National Prosecutor’s Office has referred 19 accused persons to the Banadir Regional Court for spreading hatred, incitement and other anti-social acts on social media.
==============END===========

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa Muqdisho ku yeeashay

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Xafiiska Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa magaalada Muqdisho ku yeeashay kulan looga hadlayay horumarka laga gaaray dagaalka Khawaarijta, dhimista ciidamada ATMIS iyo dib u habeynta ammaanka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed oo ka warbixiyay horumarka baaxadda leh ee laga gaaray howlgaladda ciidamada Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay dalka kaga xoreynayaan argagixisada ayaa dhanka kale tilmaamay muhiimada xiligan ay leedahay xoojinta taageerada UNSOM.
Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) James Swan ayaa dhankiisa Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay sida naf hurnimada leh ee ay uga go’antahay in ay dalkooda ka xoreeyaan kooxaha Argagixisada ah ee dhibaatada ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariska la ah.

Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ayaa gaaray Degmada Maxaas

Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.

Masuuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha XFS ayaa Furay ansixinta qorshaha 5-at Sanno ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Muqdisho 12, June, 2024: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta furay shirka ansixinta qorshaha shanta sano ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doona mudo laba maalmood ah, ayaa aad loogu lafoguri doonaa qorshaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee shanta sano ee soo socota, sidii loo horumarin lahaa adeegyadda ay shacabka u hayso, ilaalinta xogta shakhsiga iyo amniga qaranka.

Wasiirka Amniga ayaa ku amaanay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka, dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen shaqada, isla markaana ay sii laba jiraan, isagoo intaas ku daray in hay’adu ku tallaabsatay isbedel iyo horumar lataaban karo oo ay ku dabooshay baahiyaha socdaal iyo adeegga baasaboor bixinta dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO RA’IISUL WASAARAHA NORWAY OO SHIR GUDDOOMIYAY MADASHA NABADDA EE OSLO.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO RA’IISUL WASAARAHA NORWAY OO SHIR GUDDOOMIYAY MADASHA NABADDA EE OSLO.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway, Jonas Gahr Støre, ayaa si wadajir ah maanta u guddoomiyay Madasha Caalamiga ah ee Nabadda ee Oslo Forum oo maanta ka furmay magaalada Oslo.

Madashan oo la aasaasey sannadkii 2003, ayaa waxaa lagu casuumaa ama ka soo qeybgala hoggaamiyeyaasha caalamka, dhexdhexexaadiyeyaasha colaadaha, qeybaha isku haya khilaafaadka iyo khubaro kala duwan oo halkaasi ku dersa mashaakilaadka ka jira caalamka, isla markaana taageera wadahadal iyo in la abuuro hannaan nabadda lagu gaari karo.

Madashan ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Norway iyo Hay’adda Wadatashiga ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddomiyay kulan ay isugu yimaadeen labada heer ee DFS iyo deeq bixiyeyaasha caalamka

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen labada heer ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Nairobi, 11 June 2024: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga jihaynta nidaamka maaraynta Maaliyadda iyo Kheyraadka guud iyo xubnaha deeq bixiyeyaasha ee wadashaqaynta la leh Dowladda Soomaaliya.
Shirkaan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta iyo taageerada hey’adaha caalamiga ah iyo dalalka saaxiibada la ah Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo kala shaqeeya horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo qorshayaasha dib-u-habeynta hey’ahada dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa shirkaan goobjoog ahaa dhammaan xubno matalayay Dowlad-Goboleedyada Dalka, gaar ahaan xubno ka socday Wasaaradaha Maaliyadda oo isugu jiray Wasiiro, Agaasimeyaal iyo La-taliyayaal.