Home Blog Page 317

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan xuska dhalashada Nebiga CSW

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan raadkii Nebiga CSW iyo dhaqankiisa suubban, wuxuuna mar kale ugu digay in ay ka fogaadaan sharta khawaarijta iyo qalloocinta sunnada Rasuulka SCW.

 

Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka

0

Maanta oo kale qeybo badan oo ka mid ah dunida waxaa si weyn looga xusaa dhalashada Nabigeenna Muxammad CSW, sidokale waxaa shaqooyinka fasax ka ah inta badan Shaqaalaha ka howl gala dalalka Muslimiinta ah munaasabaddan awgeed.

Munaasabadda dhlashada Nabigeenna, ayaa si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida, wiyadoo lagu weyneynaayo isu soo baxyo iyo xaflado kala duwan.

Maalinta oo ay taariikhduna ku beegan tahay 12-ka Bisha Rabiical Awal (Mowliid) 1445-ta Hijriyada, kuna aaddan 27/9/2023,  waxaa lagu wadaa in Magalooyin dalka ay ka dhacaan Munaasabado  waaweyn oo lagu xusayo dhalashada Nabigeenna  Muxamed SCW, sidokale waxaa fasax ah dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

 

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay gobolka Bakool

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka howlgal lagu beeegsanayo Khawaarijta ka fuliyey deegaanada Bariga iyo Galbeed degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Howlgalka ayaa lagu burburiyay goobo Khawaarijtu ay baad uga qaadeysay dadka Shacabka ah ee degaannadaas.

Howlgalka waxaa horkacayey taliyaha ururka 47aad, Guutada 8aad, Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Axmed Maxamed Nuur Dhagey.

Ciraaq:In ka badan boqol ruux oo ku dhintay xaflad aroos

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacday Gobolka Nineweh ee waqooyiga Ciraaq.

Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jiraan xaalad aan degganeyn ,iyadoo kuwa uu soo gaaray  dhaawaca daran loo qaaday isbitaallada leh agabka daryeelka gaarka ah.

Guddoomiyaha gobolka Nineweh ayaa sheegay in tirada khasaaraha aan la xaqiijin Karin,isagoo intaa raaciyay In qalabka dhismaha ee loo adeegsaday hoolka xafladda ay sababeen in si degdeg ah uu danku u faafo.

Difaaca madaniga ah ee Ciraaq ayaa sheegay in warbixinadii ugu horeeyay ay muujinayaan in dabkaasi uu sababay isticmaalka Bululeyrka ama baaruudda rashka intii lagu jiray dabaaldega xafladaasi arooska ah.

 

Turkiga oo dardar gelinaya mashaariicda horumarineed ee uu dalka ka wado

0

Madaxha hay’adda TIKA qaybteeda Soomaaliya , Ilhami TURUS ayaa sheegay in ay xoojinayaan maalgashiga iyo horumarinta dalka Soomaaliya sida Beeraha, Tammarta, Kalluumeysiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqalaaha.

Ilhami TURUS, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Muqdisho kula qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane, Cabdirashiid Jire Qalinle.

Mudane, Ilhami TURUS ayaa Wasiir Qalinle warbixin ka siiyay mashaariicda ay TIKA ka waddo dalka iyo Istaraajiyadda cusub ee Hay’adda sidii loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Waxay labada dhinac isla meel-dhigeen in sida ugu dhaqsiyaha badan adeegyada muhiimka sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada kale ee dowladda loo gaarsiiyo goobaha laga xoreeyay Khawaariijta.

Hay’adda dowlada Turkiga u qaabbilsan horumarinta mashaariicda ee TIKA ayaa door wyn ka ciyaartay garab qabashada umadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiir Cabdirashiid Jire uga mahad celiyay sidii ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed markii ay dalka ka dhacday abaartii 2011-kii.

 

Sweden oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhiyi doona dalkeenna Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore ee dalkeenna u joogay.

Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden oo ku dhisan iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi.

Waddanka Sweden wuxuu ka mid yahay waddamada ay ku nool yihiin oo marti geliyey mid ka mid ah Jaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ee ugu ballaaran.

 

Ciidanka Qalabka Sida oo Gobalka Galgaduud ku dilay 3 dhagar-qabe

0

Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaraan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxdaas oo sideed dhagarqabe ka koobneed ay ku baacsadeen dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle, isla markaana ay ku guuleystaleen inay dilaan seddax ka mid ah, halka mid kale ay nolosha ku qabteen.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka, hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydka iyo maxbuuska Khawaarijta.

 

Safiirka Sucuudiga u fadhiya Falastiin oo gaaray Daanta Galbeed

0

Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayo Safiirka Sucuudiga u fadhiya Falastiin, oo ay weheliyaan Wakiilka Hay’adda Labada Masjid ee Barakeysan iyo Qunsulka Guud ee Magaalada Quddus, ayaa maanta oo Talaado ah gaaray Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin.

Danjire Naa’if Al-Sedari, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in maanta uu booqday qeybo ka mid ah dhulka reer Falastiin.

War ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda  Falastiiniyiinta ayaa lagu soo dhoweeyay booqashada safiirka Sacuudiga uu ku tagay Daanta Galbeed, waxaana booqashada Danjiraha Sacuudiga lagu sheegay imid lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Falastiin iyo Sacuudi Carabiya.

Wasaaraddu ayaa qoraalkeeda ku bogaadisay mowqifka walaaltinimo iyo taageeridda ay Boqortooyada Sucuudiga la garab jogaan  dadka reer Falastiin

 

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed gaarsiiyay Isbitaalka Madiina

0

-Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo Maanta booqasho ku tagay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa booqashada ka dib wuxuu Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalka ku wareejiyay 375,000 oo dollar, taas oo hordhac u ah deeq loogu tala galay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-deg-degga ah ee isbitaal Madiina oo uu dhagax dhigay Ra’isulwasaaraha XFS.

Xaruntan ayaa loogu tala galay in lagula tacaalo muwaddiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeellooba Musiibooyinka ka dhaca dalka, si loo helo xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg-degga ah ee soo bixi kara xilli kasta.

Deeqdan lacageed ayaa waxaa ka mahad celiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa boqday qeybaha isbitaalka iyo dhaawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ay keentay, kuwaas oo ku wax yeelloobay qarixii ka dhacay magaalada Baladweyne.

 

Ciidanka Xoogga dalka oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsanaa khawaarijta

0

Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe Cusmaan Maxamuud Barre oo ah 17 sano jir ka tirsanaa Khawaarijta sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS, Axmed Macallim Fiqi.

Dhagarqabe Cusmaan ayaa qaabbilsanaa inuu sahmiyo waddooyinka qaraxyada lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere.

Khawaarijta oo quus taagan ayaa billaabay in ay adeegsadaan caruurta yaryar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada.