Home Blog Page 317

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidda Carafo

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay fadliga ay leeyihiin maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo, waxa uuna ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed inay is cafiyaan oo ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirks Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay kuxigeenka Ergeyga gaarka ah QM ee Soomaaliya

0

-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Raisedon Zenenga, ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo joogteyn lahaa wadashaqeynta labada dhinac, isla markaana la isaga kaashan lahaa xoojinta amniga dalka, gaar ahaan midka Caasimadda.

inta uu socday kulankaan waxaa lagu soo qaaday u diyaargarowga bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo marxaladaha kala guurka ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Maxamed Nuur Sheegow (Maad Dheere) oo ahaa Taliyihii Guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo saraakiil kale oo ku shahiiday qarax miino oo khawaarijtu ugu maleegtay inta u dhaxeysa degmooyinka Awdiinle Iyo Berdaale ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Gaashaanle Maad Dheere iyo saraakiishii kale ee qaraxaas ku shahiiday Alle uga baryay in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka baxeena uu samir iyo iimaan ka siiyo, sidoo kale intii ku dhaawacantayna uu caafimaad deg deg ah siiyo.

 

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo kulan la qaatay Hoggaanada Ciidanka

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta kulan looga hadlayay dardar galinta howlgallada la qaatay hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha hoggaannada isagoo ku amray in la kordhiyo howlgallada cadowga looga xoreynayo dalka.

 

 

Wafdi ka socda Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay kuxigeenka Duqa magaalada Hague

0

-Wafdi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo safar shaqo ku jooga Magaalada The Hague (Denhaag) ee xarunta siyaasadda dalka Holland, ayaa waxa ay kulan la qaateen Kuxigeenka Duqa Magaaladaasi Mudane Nur Icar.

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’adaha Caalamiga Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Xasan Maxamed iyo Kuxigeenka Duqa Magaalada The Hague Mudane Nur Icar ayaa ka wada hadlay Arrimo ay ka mid yihiin; Xal-u-helida Bulaacadaha, Maareynta Qashinga, Iskaashiga Labada Magaalo ee dhinacyada Qorsheynta iyo kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Rwanda uga qayb galay qalin jabinta Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa dalka Rwanda uga qeybgalay Xaflad ay ku qalinjabinayeen Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliyed.

Saraakiishaan ayaa bartay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda Xasaradaha, waxana ay qateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda.

Tirada saraakiisha qalinjabisay ayaa dhan 34 sarkaal, waxana qeyb ka ahaa saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Africa

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SWITZERLAND KAGA QEYB-GALAY SHIRKA NABADDA IYO GANACSIGA

Luzern, Juun 14. 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan arrimaha nabadda, amniga caalamiga ah iyo ganacsiga. Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay khubaro ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay’adda Nabadda Adduunka Interpeace iyo Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Madaxweynaha ayaa iftiimiyay dadaallada socda ee dhismaha nabadda Soomaaliya, taas oo ku salaysan aragtidiisa “Soomaaliya Heshiis ah, dunidana heshiis la ah”, waxa uuna xusay caqabadaha gudaha iyo dibedda ee weli saameynta taban ku leh dadaalladaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda in ay xoojiso dib u heshiisiinta iyo dadaallada lagu xasilinayo deegaannada laga xoreeyey argagixisada, kuwaas oo baahi weyn u qaba adeegyada aas-aasiga iyo isdhexgalka bulsho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey hay’adaha iyo ururada ka soo qayb galay kulankan, doorka ay ka qaadanayaan nabadda Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka, waxa uuna la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta nabadda, daris-wanaagga iyo horumarka gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka tacsiyeeyay geeriddii ku timid Marxuumad Ikraam Cabdullaahi

 

                       انا لله وانا اليه راجعون           

Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha, Guddoomiyayaasha Degmooyinka, Xafiiska Sports-ka, Madaxda xafiisyada iyo Dhammaan Shaqaale weynaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Madaxdaas kala duwan waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada, Asxaabtii iyo bahda Gobalka Banaadir, ayagoo ka tacsiyeynaya geerida ku timid Allaha u naxariisto Marwo Ikraan Abdullahi Maxamed (Xooshey), Guddoomiyahii Kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir oo ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.

Marxuumad Ikraan waxa ay eheyd gabar karti badan islamarkaana si hagar la’aan ah ugu soo shaqeysay dalkeeda, ayadoo kaalin mug leh ku lahayd horumarka Cayaaraha iyo isdhexgalka bulshada ee Gobolka Banaadir.

Qabrigeeda Allaha u waasaciyo, Dhammaan Ehelka, Qaraabada iyo Asxaabta ay ka geeriyootayna Samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

انا لله وانا اليه راجعون

Agaasimaha guud ee HSJ oo daah furay qorshaha Shanta sano ee soo socoto

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay qorshaha Istaraatiijiyadda hay’adda ee 5-ta sano ee soo socota.

Agaasimaha oo ka hadlay munaasabadda daah furka, ayaa uga mahadceliyay dhammaan madaxda iyo qaybaha kala duwan ee Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha,bahwadaagta hey’adda, sida mugga leh oo ay uga qayb qaateen dhammeystirka diyaarinta qorshahan, isagoo goobta uga dhawaaqay in la dhaqan gelin doono Istaraatiijiyaddaan, loona isticmaali doono hagidda dhammaan howlaha horumarinta iyo adeeg bixinta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, si la jaanqaadaysa halbeegga caalamiga ah.

Istiraatiijiyadda la daah furay waxa ay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha adeegsan doontaa muddo 5 sano ah oo ka billabata 2024. Diyaarinta istiraatiijiyadda ayaa qaadatay muddo ku dhaw 5 billood, mudadaas oo diyaarintu soo martay heerar kala duwan sida kulamo wadatashi ahaa, talo gelin lala yeeshay madaxda iyo qaybaha kale duwan ee ay ka kooban tahay Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha, kulamadaas ayaa ka kala dhacay xarumaha laamaha iyo Gobolka Benaadir.

Xujeyda Soomaaliyeed oo loo daabulayo deegaanka Miina 

Maanta oo ay ku beegan tahay maalinta 8aad ee Bisha Dulxij oo loo yaqaano (Yowmu Tarwiya) maalinta Aroorka, ayaa Malaayiin xujey ah oo adduunka iskaga yimid ay degayaan deegaanka Mina, Xujeyda Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka loo daabulayaa Mina.

Ilaa 230 Bus oo kiiba loo qorsheeyey inuu qaado 50 Xaaji, ayaa lagu daabulayaa xujeyda saakay, iyadoo qeybtii ugu horreysay ay xalay gelinkii dambe ilaa Waaberigii saaka ay degeen goobihii loo diyaariyey.

Tirada xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan,ayaa ah 11,500 xaaji, iyadoo marka lagu daro xubnaha bicisada ay noqonayaan 11,715 oo intooda badan ay yihiin Culimo iyo mas’uuliyiinta Dowladda.