Home Blog Page 282

Guddoomiyaha SoDMA oo Xarunta NEOC kulan kula qaatay Safiirka Soomaaliya ee Sucuudiga

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ku qaabilay xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg degga ah ee NEOC, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Danjire Aweys Xaaji.

Shirkaan waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii Danjire Aweys u daba-gal diblomaasiyadeed ugu sameyn lahaa ballan-qaadyo ay hore dalka ugu yabooheen Xarunta King Salmaan iyo Sa’udi Fun.

Balan-qaadyadaas ayaa la xariiray mashaariic hormarineed iyo gargaar oo ay ku jiraan dhismaha xarumaha gargaarka deg degga ah ee maamul gobolleedyada, ceelal biyood, bakhaarrada gargaarka, qalab caafimaad, dab-damisyo iyo Aambalaasyo, kuwaaso oo qaarkood la soo ansixiyay walina soo gaarin hay’adda SoDMA.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir uga qaybgalay dalka Uganda

0

Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga qayb galay shir looga hadlayay horumarinta hoggaaminta caalamiga ah, kaasoo ay soo qaban qaabisay Xarunta Horumarinta Hogaaminta ee ka tirsan Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda.

Shirkaas, ayaa waxaa ka qayb galay 40 aqoonyahan ee Shahaadada PHD ka diyaariya Jaamacadda Qaramada Midoobey ee U Peace ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa horay deeqdaan waxbarasho ugu deeqay qaar ka mid ah barayaasha wax ka dhiga Jaamacaha iyo aqoonyahanada ka tirsan hay’adaha dawladda.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cabdiladiif Maxamuud Cali.

Golaha Wasiirrada oo Meelmariyeen Heshiis Iskaashi Dhaqaala ah oo dhaxmara Dowladdaha Soomaaliya iyo Shiinaha 

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Wasiirka Gashaandhigga “Cadowgeena gudaha iyo dibadaba waa inaan u diyaar garownaa”.

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac),ayaa tagay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo tababaro uga socday Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka oo khudbad dhiirrigelin ah u jeediyay ciidamada, ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”

Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, isagoo sheegay in uu ku yimid dareen ah in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka hortagi kara, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka.

Wasiirka, ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka kaalinta weyn ay ka qaadatay dhismaha ciidanka oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo kaalmada kale ee ay siiso dowladda.

Wasiirka Cayaaraha XFS oo ka qeygalay Shirka Istaraatiijiyadda Dhallinyarada ee Jaamacadda Carabta 

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Bare Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay meertada 47aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkaan oo ah mid ay isugu yimaadeen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha, dhallinyarada iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta, ayaa lagu daah-furaayay Istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee UNSCR2250.

Wasiirka, ayaa hadaljeedintiisa kaga warbixiyay sida ay dowladda Soomaaliya mas’uuliyad isaga saartay sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed door muhiim ugu yeelan lahaayeen howlaha nabad-dhiska dalka, isagoo tusaalo usoo qaatay sida ay Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed muhiimad buuxda u siineyso barnaamijkaan.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka waramay sida ay Soomaaliya u fulineyso qaraarkaan caalamiga ah maadaama ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ay bilaawday hannaanka dhaqangelinta qaraarkaan caalamiga ah.

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo kulan la yeeshay Safiirrada Turkiga iyo Sucuudiga u fadhiya dalkaas

0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa booqasho ugu tagay Safiirka Dalka Turkiga u fadhiya Dalka Jamhuuriyadda Carabta Masar Danjire Salih Mutllu SEN.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal,sidoo kale Danjire Salih Mutlu ayaa hambalyeeyey Danjire Awaare.

Dhinaca kale danjire Awaare, ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta Danjire Cabdulcasiis Almadar oo booqasho sharafeed ugu yimid Safiirka.

Labada Danjire ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Dal ee soojireenka ah .Sidoo kale labada Danjire waxay isla soo qaadeen arrimaha kor u qaadista wada shaqaynta Carbeed .

 

Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay Bar Hubin ah

0

Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, kuwaasi oo ku eedeysan dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan, ayaa markii dambe isku beddeshay in hub la isku adeegsado, Waxaana Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex martay Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” Dil Toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse halka Cadnaan Muuse Maxamed uu Garsoorku amray in Xoriyadiisa la siiyo.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay Dooda Canshuuraha 

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 18-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhameystirka ka doodista soo jeedinta (mooshinka) Xildhibaanada ee ku saabsan arrimaha canshuuraha Iibka iyo cabashada ganacsatada.

Dooda Xildhibaanada oo soo socotay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabku yeeshay ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana dooda ka qeyb galay oo aragtooda ka dhiibtay soo jeedinta canshuuraha iibka 85-Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda loo xilsaaray iney Golaha Shacabka kusoo celiyaan arrimaha ay ka doodeen Xildhibaanada iyo cabashada ganacsatada.

“Guddiyada shaqo adag ayay hayaan waxaa inoo maqan saddex guddi, maanta Guddiga Maaliyadda ayaa arrintan dooda canshuuraha u saareynaa muddo kooban waa in Golaha Shacabka warbixin faahfaahsan usoo gudbiyaan, wixii sharciga waafaqsan iyo arrintaan culeyskeeda waxa keenay”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in warbixinta Guddiga Maaliyadda ka dib ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya go’aan rasmi ah soo saari doono.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo furay Shirka Madasha Garsoorka dalka

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka, Mudane Bashe Yusuf Axmed, ayaa si rasmi ah u furay Shirka madasha garsoorayaasha.

Madashan ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa dooddo xiiso leh iyo aragtiyo qiimo leh oo kor u qaadi doona hannaanka garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka haflay madashan ayaa yiri” Dambiyada ka dhaca dunida waa kuwa sii hormaraya marka waa in Garsoorkeena uu bartaa sidii uu ula Jaanqaadi lahaa fahamka Xeerarkeena iyo dambiyada nagu cusub”

Madashaan ayaa ah tii shanaad oo loo qabto Garsoorayaasha dalka,ayadoo uu ujeedka yahay in leesla fahmo hadba sida ay wax isku badalaan, Meshii shalay la taagnaa lama taagno,Taasna waa in lagu baraarugsanadaa.Caddaalada waa lama hurraan in laga shaqeeyo iyo sinnaanta.

Duqa Muqdisho oo xaraga ka jaray kawaanka Hilibka Dharkeenley 

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa xaeiga ka jaray Kawaanka Hilibka Suuqa Dhamme Yaasiin Cartan ee Degmada Dharkeenley.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dib-u-dhiska lagu sameeyay Kawaanka uu qeyb ka yahay Qorshaha lagu horumarinaayo suuq-yada iyo Ganacsiga Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Yuusuf Maxamuud Cali, masuuliyiin ka socday hay’adda FAO oo ka qeyb qaatay dhismaha kawaanka, Agaasimaha waaxda Suuqyada Dowladda Hoose ee Xamar iyo qeybaha kala gedisan bulshada Degmada Dharkeenley.