Home Blog Page 282

‘Soomaaliya hal Albaab ayay leedahay’ (WARBIXIN}

0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga ku wehelinaya shirkan ayaa u soo bandhigay Hoggaamiyeyaasha IGAD iyo diblumaasiyiinta Gobolka xadugudbka Itoobiya ay ku sameysay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo dhibaatada ay ku yeelanayso xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika. Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoojiyey qaraarkii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku laaleen is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, kaas oo khilaafsan heshiisyada labada dal, mabaad’ida aas-aasiga ah ee Midowga Afrika, xeerarka heer IGAD iyo heer caalamba.

Madaxda Urur-Goboleedka IGAD oo dhagaystay mowqifka adag ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aaddan faro-gelinta Dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah Madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna, waxayna Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya bogaadinaysaa bayaanka wadajirka ah ee Shir-madaxeedka IGAD oo lagu sheegay sida ay u ilaalinayaan madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Soomaaliya, shacab iyo dhulba, heshiis kastana ay aas-aas u tahay ogolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa meel uga soo wada jeestay xadgudubka dowladda Ethiopia ay ku sameysay madax banaanida dhuleed ee JFS, waxaana uu ahaa Shir Madaxeedkii 42-aad ee  Ururka Goboleedka IGAD oo shalay ka qabsoomay Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa Laga soo saaray War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban, waxayna isku raacay in lama taabtaan ay tahay Madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxda ayaa soo jeediyey in Heshiis walba oo Soomaaliya lala galayo uu soo maro dowladda Federaalka Soomaaliya.

Urur goboleedka IGAD ee uu shirka uga socday magaalada Kampala ee wadanka Ugandha ayaa gabagabadii laga soo saaray War-saxaafaded, waxaana lagu yiri:-

1.“Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2.IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

3.Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah”.

“Soomaaliya hal albaab ayay leedahay waana Dawladda Federaalka ah, midnimada, wadajirka iyo Madaxbanaanideeduna waa lama taabtaan”, waa sida ay qireen Madaxda IGAD.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen  hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin, shirkaasi ayaa ka qabsoomay wadanka Ugandha. “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka”, sidaana waxaa yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah ee uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas, waxaana lagu wadaa in Labada Madaxweyne ay ka arrinsan doonan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Haddaba si loo daafaco Badda dheer ee ku teedsan Soomaaliya oo ay soo damacday Itoobiya ayaa waxaa socda sidii dib loo howlgali lahaa ciidanka Badda, si ay u ilaaliyaan xeebaha Soomaaliya ayay Khubarada arrimaha badaha ee Qaramada Midoobay ay dhowaan kulan la yeeshay dhiggooda Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya. “Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay la shaqeyso Kooxda Shaqada ee Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah si kor loogu qaado howl-gudashada iyo sugidda biyaha Soomaaliya iyo aagga dhaqaale ee gaarka ah”, sidaasi waxaa lagu qoray bogga ay ku leedahay baraha bulshada.

“Ka dib dadaalka Madaxda Qaranka, Soomaaliya waxay taageero buuxda ka heysataa dhammaan Ururada Caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Wadamada Islaamka ah. Sidaas oo kale waxaa si aan leexleexasho lahayn taageero noogu muujiyay dalalka dunida ee saamaynta badan kuwaas oo ay hugaaminayaan kuwa leh Codka Diidmada Qayaxan (Veto), sidaasina waxaa bartiisa bulshada ku qoray Wasiir-ku xigeenka Warfaafinta mudane Cbadiraxmaa Yuusuf Cadaala, wuxuna ku micneeyay in si dhamaystiran looga guulaystay in Adduunku fahmay duulaanka Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed, kaasi oo wajahaya go’doon Diblamaasiyadeed, meel cidlo ahna uga haray Dunida oo dhan.

“Shalay warka ka soo baxay Jaamacadda Carabta wuxuu ahaa Mid lagu qoray luuqad iftiiminaysa ama adag waxa uu filan karo Horjooge Abiy, intaasi kuma ekaan ee Dalalka Carbeed Mid Mid ayay Wasaaradahooda arrimaha dibaddu u soo saarayaan Bayaanaad muujinaya taageeradooda waxaana ugu dambeeyay, Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Masar oo dhawaan ku celiyay aragtidooda ka dib kulankoodii.Waxaa ka horeeyay kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanku uu ficilka Abiy ku tilmaamay mid halis galinaya deganaashaha Adduunka oo taageeraya Argagixisada isla markaana aan sinna loo aqbali Karin” mudane cadaala ayaa si adag u yiri.

Gudaha Dalka waxaa fariin isku mid ah diray dhammaan Heerarka kala duwan ee Hay’adaha Dawladda, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada iyo Shacabka Soomaliyeed oo ay ugu horeeyaan shacabka Gobolada waqooyi. Gudaha Dalka Ethiopia waxaa ka socda dood ballaaran oo inta badan Qawmiyadaha Ethiopia ay ku diidan yihiin falka qar iska tuurnimada ah ee Abiy, iyaga oo u arka in uu fashilka Gudaha ku qarinayo Duullaan aan guuli ka muuqan oo uu ku aado Soomaaliya. “Dadkeenna waxaa nala gudboon in aan ka shaqayno labo arrimood oo kala ah, in aan sii xoojino midnimadeenna iskama  caabino dicaayadaha raqiiska ah ee Abiy isla markaana diyaar u ahaano marxaladda xigta”. “Ninkii Haftay ee Hungurigu qaaday maxaa u haray oo la dhihi lahaa”, waa Muuse Biixiye.

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ayaa Abaal marinno guddoonsiiyey Afar Mas’uul

0

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayaa Abaal marinno ay ku muteysteen sidii ay Bulshada ugu adeegeen sannadkii 2023 guddoonsiiyey Afar Mas’uul oo kala ah, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Hay’adda duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda Waxbarashada Maxamed Caabi Xasan.

Guddiga ayaa sidoo kale Abaal mariyey Aadan macallin Maxamed Gudoomiyaha Kormeerka Shaqaalaha Anshaxa iyo Abaalmarinta Ee Guddiga taas oo uu ku muteystay Hogaaminta hufan, iskudubaridka shaqada Guddihoosaadka Kormeerka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS: Somaliland waxay ka mid tahay Soomaliya mana geli karto heshiis Caalami ah

0

-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo wareysi siiyey Idaacadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT ayaa ka hadlay damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso qayb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya,ugu horayn Ra”iisul wasaare xigeenka ayaa la weydiiyey in Somaliland xaq u leedahay inay dhul ka kireyso Itoobiya iyo in kale,ayaa sheegay inaysan xaq u lahayn inay galaan heshiisyo caalami ah, sababtoo ah waxay qayb ka yihiin Soomaaliya.

“Kowdii Jannaayo ee sanadkan ka hor, Soomaaliya waxay ku mashquulsaneyd hagaajinta dhaqaalaheeda, la dagaalanka Al-Shabaab, soo afjarida dayn cafinta oo muddo toban sano ah nagu qaadatay, iyadoo ku guuleysatey in aan bilowno dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dib u soo celineysa xiriirkeeda Xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana qayb ka ah barnaamijka siyaasadeed ee madaxweynaheenna iyo xukuumadda hadda jirta ee uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaa lagu wargeliyaa qof Soomaali ah oo nabad kula nool naftiisa iyo caalamka intiisa kale, ayuu yiri Mudane Saalax. .

Waxa uu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan Is-afgaradka ay tahay khatar lama filaan ah oo ka imaanaysa Itoobiya, taasina ay walaac weyn ku tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, saameyn weynna ku yeelan doonto shacabka ku nool Geeska Afrika.

“Waqtigan wuxuu ku dhowaa waqtigii xoogga la saari lahaa wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, cunno yarida, horumarinta dhaqaalaha, isdhexgalka dhaqaalaha, wanaagga bulshooyinkeena, waa wax lala yaabo in xilligan hal waddan uu isku dayo inuu galo dhulka la isku daray. Dalka soo gala iyaga oo ku andacoonaya in ay u baahan yihiin in ay helaan badda, xaqiiqdii Itoobiya waxa ay ka heli kartaa bad ama dekado ku yaalla Jabuuti, Soomaaliya, Kenya iyo Ereteriya, wax dekad ah oo la heli karo ma yara, Laakiin tani waa mid aad u badheedh ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna saamayn weyn ku yeelan kartaa, mandaqada Geeska Afrika,” ayuu yidhi DPM Saalax.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in arrintan ay dhalin karto isku dhacyo sababtoo ah ‘dhaqanka mas’uuliyad darrada ah’ ee madaxda Itoobiya.

Sidoo kale, Saalax oo wax laga weydiiyay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in asalkooda laga soo billaabi karo markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya, balse wixii xilligaas ka dambeeyay ay dowladdu dadaal u gashay dagaallada kooxda xagjirka ah looga ciribtirayo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgalin doonno Degmada Wadajir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgalin doonno Degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar.

Munaasabadda dhagax dhiga Dugsigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Safiir Kuxigeenka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Armaan Ardoga, Maamulka Degmada Wadajir iyo xubna ka socday hey’adda SAFA oo fulinta mashruucan qeyb ka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in barashada Farsama Gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu Dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhiiragalin doonno howlaha Farsamada gacanta.

NISA oo hawlgal ku dishay Toddoba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta

0

Ciidanka Haya’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay Toddoba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:-

1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.

2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.

3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka.

Dhagar qabayaasha kale ee howlgalka lagu laayay ayaa ahaa maleeshiyaad ay wateen horjoogayaashaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan casho sharaf ah la qaatay maamulka dugsiga gabdhaha Agoonta

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere ee uu gacanta ku haayo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan oo ahaa is-xog wareysi iyo kala war-qaadasho, ayaa sidoo kale lagu dhiira-gelinaayay Gabdhaha gaaray heerka Jaamacadeed ee xarunta Agoonta Gabdhaha Boondheere, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta G/Banaadir, Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Gabdhaha Agoonta Boondheere Maamo Nuurto Maxamed Caddow. Waxaa uuna kafaalad qaaday Nolosha iyo Waxbarashada gabadha ugu da’da yar xaruntaasi oo walidkeed ay ku geeriyoodeen Qaraxii Zoobe.

Madaxweyne Xasan”Cawaaqib xumada ka dhalan karta heshiiska is-afgaradka ah waxa ay fursad siinaysa argagixisada”

0

-Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen  hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ”

madaxweynaha jfs oo gaarey dalka masar

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ku baaqay in loo midoobo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka

0

Hadii aannan Khawaarijta ka adkaan oo laga tirtirin dalka majirto hormar aan gaari karno, waana in aan u midownaa soo afjaridda kooxaha Al-Shabaab ,sidaasi waxaa yiri yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.

Taliyaha  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro khawaarijta ay ku sababeem wadashaqeynta bulshada iyo ciidanka dowladda oo wadajir ah.

Taliye Sulub Axmed ayaa xusay in howlgalada lagu sugayo amniga ee caasimadda iyo gobolada kale ee dalka ay marayaan meel fiican,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in lala yimaado dadaal intaa ka badan oo lagu xoreynayo dalka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa soo jeediyay in loo howlgalo dhameystirka kooxaha khawaarijta,isla markaana la qabto ama la soo sheego cid kasta oo wiiqeysa amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Israel oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

0

Ciidamada Israa’iil ay weeraro iyo duqeymo ka fuliyeen goobo ku dhow cisbitaalka Khan Younis’s Nasser ,halkaasi oo ay ka carareen kumanaan ruux,sida,sida uu ku waramay dhakhtar ka shaqeeya halkaasi.

Muddo todobaad ah waxaa go’an isgaarsiinta, taas oo adkeynaysa in Marinka Gaza laga helo xog sababo la xiriira weerarada iyo suqeymaha  israa’iil oo weli halkaasi ka sii socda.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaq ku saabsan dhismaha dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ay soo jeediyen Mareykanka.

Ninkaasi  ayaa Mareykanka u sheegay in uu ka soo horjeedo dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin marka ay soo afjaraan colaadda Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in weli ay taageero buuxa u hayaan Israel,inkastoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu diiday mowqifka Mareykanka ee dhismaha dowlad Falastiin ah.

Ugu yaraan 24,620 qof ayaa la dilay, 61,830 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7dii.