Wasiirka Gaashaandhigga oo ka qeybgalay xafladda qalinjebiyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Safaaradda Turkiga

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka qeyb galayay xafladda qalinjebiyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu maryo meel sare kaddib markii labada Dowladood ay kordhiyeen cilaaqaadka ka dhaxeeya ee dhinacyada Waxbarashada, Militariga, Ganacsiga, Teknoolajiyadda & kuwo kale ayuu sheegay in ay xoogga saareen Dowladaha Soomaaliya & Turkiga si aanay looga daba harin dunid kale ee horumarka ka sameysay dhinacyadaan.

Dowladda iyo Shacabka Turkiga ayuu ku ammaanay doorka ay ka qaadanayaan sare u qaadista Waxbarashada Ardayda Soomaaliyeed, waxa uu rajeeyay in Xukuumadaha Muqdisho & Ankara ay ka shaqeyn doonnaan xoojinta iskaashigooda saldhigtay sida uu hadalka u dhigay.

“Xiriirka Labada Dal waxa uu ka gudbay heerar kala duwan oo maanta uu marayo heer istaraatiijig ah oo aan is weydaarsaneyso dhaqaalaha, Amniga & Culuumta kala duwan ee Teknoolajiyadda, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Turkiga sida ay ugu hiilisay Dadka Soomaaliyeed”ayuu wasiirka Gaashaandhigga

Munaasabada ayaa waxa ka qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka socotay dowladda soomaaliya iyo tan Turkiga,waxaana xafladda lagu abaalmariyay dhalinyara soomaaliyeed oo wax ku soo baratay Dalka Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...