Home Blog Page 281

Madaxweynaha JFS oo diggiin u diray kuwa Maalgaliyaan Argagixisada 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada.

Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee NAMLC, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladu ka gaartay ladagaalanka maalgalinta kooxaha aragagixisada.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta argagixisada, waxaana kasoo baxay go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta argagixisada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga, in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyey in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeyneysa dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Soomaaliya oo ka taageerayso Turkiga Martin-galinta Shirweynaha 31aad Isbadalka Cimilida  

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa kulan la yeelatay dhiggeeda Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada ee Turkiga, Mudane Murat Kurum.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada wasaaradood, iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo horumarin lahaa ajendaha cimilada.

Labada Wasiir, ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii Soomaaliya uga qeyb qaadan lahayd taageeridda Turkiga oo doonaya in uu martigeliyo shirweynaha caalamiga ah ee #COP31.

Wasiir Khadiija ayaa ballan qaaday in ay Turkiga ka caawinayaan ololaha ay ku doonayaan in shirkan lagu qabto Turkiga, iyadoo Soomaaliya codkeeda si buuxda ugu taageerayso Turkiga.

Kulankani waxa uu iftiiminayaa sida muhiimka ah ee ay Soomaaliya u daneyneyso iskaashiga saaxiibtinimo iyo horumarinta ajendaha cimilada ee caalamka, iyadoo qayb ka ah taageeridda xalalka waara iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiirka Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo la qeybgalay shirka COP16 oo ka dhacay Rayaad

0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa shirka COP16 ee Riyaad uga qeyb-galay dood ku saabsaneyd qiimeynta mawduucyada muhiimka u ah maalgalinta u adkeysiga abaaraha iyo soo-saarista biyaha Afrika.

Madashan oo xoogga saareysay Helidda Imkaaniyaadka lagu soo saaro Biyaha Hoose ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey hay’adda UNDP, Sanduuqa horumarinta ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya iyo Bankiga Horumarinta Islaamka (IDB).

Waxaa farxad ah in madasha uu uga dhawaaqay Maareeyaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dowladda Boqortooyada Sacuudi Careebiya, Mudane Mr. Sultan Al-Marshad, mashruuc lagu horumarinayo helidda biyaha hoose ee Soomaaliya.

Mashruucan waxa waxa uu bedeli doonaa isku halleynta iyo amniga biyaha hoose ee dalkeena, waxa uuna naga taageeri doonaa in aynu iska caabinno, una adkeysanno abaaraha, iyo sidoo kale in ay shacabkeennu helaan biyo nadiif ah.

Xubin ka tirsan khawaarijta oo lagu soo qabtay howlgal laga fuliyay duleedka Buur-Hakaba 

0

Ciidamadda Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfurgalbeed, ayaa shalay howlgal qorsheeysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buur-Helede oo degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay kusoo qabtay Horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Caliyoow Isaaq oo Khawaarijta u qaabilsanaa Lacaga Baad ah ee ay ka qaadaan Shacabka iyo Gaadiidka, ayaa in muddo ah dhib ku haayay dadka Shacabka ah ee halkaas ku dhaqan.

Taliyaha Ciidamadda Daraawiishta degmada Buur-hakaba Dhamme Maxamed Xasan Aadan (Sandheere),ayaa sheegay in markii ay soo qabanayeen Horjooge Caliyoow uu ku howlanaa inuu lacago Baad ah ka qaado gaadiid safar ah.

Xoogga dalka, ayaa Khawaarijta ka soo qebtay horjoogayaal halis ku ah dadka Soomaaliyeed, iyadoo kuwa kale oo intaas ka badan laga khaarajiyay, waxaana guud ahaan ka socda goobaha ay kuu dhuumanayaan Khawaarijta howlgallo ka dhan ah.

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika oo qaabbilay Safiirka  dalka Switzerland 

0

Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Yoonis Xaashi, ayaa shalay xarunta Wasaaradda kulan muhiim ah kula yeeshay Safiirka Switzerland ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mirko Guilietti.

Danjire Xaashi ayaa uga mahadceliyey Dawladda Switzerland sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka Soomaaliya ay ka gaartay dib u dhiska hay’adaha Dawliga ah, kobcinta dhaqaalaha, iyo tayeynta adeegyada kala duwan bulshada sida Caafimaadka, iyo waxbarashada.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Dar dargelinta Dadaaladda firfircoon ee Soomaaliya ee heer gobol iyo heer caalami, sida iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, IGAD, iyo Bulshada Bariga Afrika, si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Danjire Xaashi ayaa iftiimiyay Muhiimadda Ay leedahay Xubinnimadda ka Soomaaliya ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay sanadka 2025-ka, kaas oo Soomaaliya siin doona gogol ay uga dooddo Nabadda, Amniga, iyo horumarka.

Danjire Guilietti, ayaa xaqiijiyay sida ay Switzerland uga go’an tahay taageeridda rabitaanka Soomaaliya isagoo qiray dadaallada lagu horumarinayo shuruucda iyo qawaaniinta Caalamiga ah ee Cahdiga jineefa.

Masuuliyiin ka tirsan Safaarada Soomaliya ee hindiya oo ka qayb galay shir Caalaami ah

0

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya, ahna Safiir ku xigeenka Safaaradda, Mudane Cabdifitaax Cabdullahi Nuur ayaa magaalada New Delhi uga qeybgalay shirka 29-aad ee CII Partnership Summit 2024.

Shirka oo ay martigalisay Dowladda Hindiya ayaa waxaa ka soo qeybgalay in ka badan 157 dal oo ka kala yimid dalalka Afrika, Asia iyo Europe, waxaana looga hadlay doorka dowladaha ay ka qaadan karaan horumarinta hanaanka warshadaha.

Sidoo kale waxaa hadalo ka jeediyay shirkaas qaar ka mid ah martida dalalkii kasoo qeybgalay oo inta badan ka hadlay wax soo saarka, dhoofka caalamiga ah, xiriirka ganacsi ee qaaradaha, dhaqaalaha guud iyo qaabka looga faa’iideysto kheyraadka dabiiciga ah ee is dhaafsiga Dowladaha caalamka.

Shir looga hadlayo dhamaystirka Dastuurka oo ka furmay Muqdisho

0

Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka aya shalay muqdisho ku qabtay Shirka Wajiga 2aad latashiga bulshada ee soo jeedinta wax-ka badelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Shirarkan oo ah kuwo joogto ah ayaa taabagalkooda waxaa si wadajir ah isaga Kaashaday Hay’adaha Kala ah Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha dastuurka XFS, guddiga Madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga lasocodka Dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka.

Shirka maanta ayey bulshada rayidka ah kusoo bandhigeen Aragtidooda iyo Tallooyinkooda ku aadan soo jeedinta wax ka bedelka Dastuurka gaar ahaan Cutubyada hadda Miiska saaran ee 5aad ilaa 9aad, iyadoo Shirka ay shir guddoominayeen Madax ka Socotay sadaxda hay’adood ee u xil saaran dastuurka oo kala ah guddoomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee dastuurka Avv burhaan Aadan cumar, Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka XFS Mudane faysal Aadan xassan iyo Xoghayaha guddiga lasocodka dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka Senetor Siciid Cabdi xassan cowke.

Intii uu Socday shirka ayaa si xeel dheer loo dhegaystay Aragtiyada & tallooyinka bulshada rayidka ee Soo jeedinta waxkabedelka dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad ee hadda gacanta lagu hayo, iyadoo guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka ballan qaaday in tallooyinka bulshada rayidka ee dhaxalgalka ah la waafajin doono Wax ka badelka cutubyada ay ka aragtida dhiibteen ee 5aad ilaa 9aad.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo ka qeybgalay furitaanka Shirka #COP16 oo ka furmay Riyadh.

0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamedbayaa ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirka caalamiga ah ee #COP16, oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Riyad, ee Boqortooyada Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo caqabadaha isbeddelka cimilada. Waxa kale oo ay xoogga saareysaa in la xoojiyo adkeysiga deegaanka si loo ilaaliyo mustaqbal waara oo loo wada dhan yahay.

Sidoo kale, Shirka #COP16 waxa uu fursad muhiim ah u yahay in Soomaaliya ku muujiso dadaalkeeda dhinaca deegaanka, isla markaana ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka cimilada sii xumaanaysa ayadoo markii ugu horeysay Soomaaliya ku dhex yeelaneyso Ardaa xarunta uu la socda Shirka.

Xubnaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaran oo doortay guddoon cusub

0

-Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta dooratay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa loo doortay Cabdikariim Axmed Xasan,halka guddoomiye kuxigeenka isna loo doortay Saaqada Abshir Garaad.

Gudoomiyaha Gudigga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha Cabdikariim Axmed Xasan oo hadlaya ayaa yiri ” “waxaan balan qaadaynaa in Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed aan ka gudbino doorashadii dadbaneed.”

Munaasabadda doorashada waxa ka qeybgalay wasiirka Arrimaha Gudaha faderaalka iyo Dib-uheshiisiinta iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda,kuwaa oo bagaadiyay sida hufan ay doorashada u dhacday.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa guda gali doonno howlaha ka shaqeynta sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayd Doorasho qod iyo cod ah shacabka ay soo doortan cidda hoggaamineeyso.

Mahdi Guuleed “Saaka waxaan goob joog u nahay doorashada Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka “

0

Waxaa maanta Magaalada muqdisho ka dhaceyso doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,waxaana munaasabadda ka qeybgalayo masuuliyiin katirsan dowladda.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in xubnaha guddiga oo ka kooban 18-xubin ay iska dhax dooran doonaan guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa si loo billaabo howsha doorashooyinka.qof codka ah ee la filayo in dalka ay ka qabsoonto.

“Gudoonka guddiga doorashooyinka ayaa maanta la qabanayaa, si shaqadooda qabashada doorasho qof iyo cod ah ay u bilaabato.”Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed

Dhawaan ayay ahayd markii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ay cod aqlabiyad leh ugu codeyeen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.