Home Blog Page 281

israaiil oo duqeymo ka wadda xarumaha guud ee khan yoonis

0

Ugu yaraan 183 qof ayaa lagu dilay 377 kalena waa la dhaawacay 24 saac ee lasoo dhaafey, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Xeryaha qaxootiga iyo xarumaha guud ee Khan Younis ayaa si hagar la’aan ah loogu bartilmaameedsaday madaafiicda Israa’iil iyadoo ay rasaas ku ridayeen dad Falastiiniyiin ah oo ka baxayay Isbitaalka al-Amal.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa go’aan ka gaari doonta codsiga Koonfur Afrika ee “tallaabooyin ku-meel-gaar ah” oo ka dhan ah Israel  kuna saabsan xasuuqda lagu eedeeyay  ee Gaza,

Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa ku amri karta Israa’iil inay joojiso duullaanka ka dhanka ah dhulka Falastiin.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay xuska maalinta furdooyinka dunida

0

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Fudooyinka ayaa lagu qabtay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay dhammaan masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee Maamulayaasha Fudooyinka, Ganacsato iyo Saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda ayaa u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Shaqaalaha Fudooyinka ,isagoo sheegay in uu qirsan yahay in shaqaalaha ay qabteen howl muhiim u ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga.

wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la casriyeeyay hannaanka dekhli uruurinta, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.

Hiiraan: Ciidanka Xoogga oo toogtay mid kamid ah Kooxaha argagixisada

0

Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa toogtay mid kamid ah Argagixisada naf la caariga ah oo doonayay in uu dhibaato u geesto bulshada Beledweyne.

Howlgalkaan oo ka dhacay xaafadda Buundo-weyn ayaa waxaa fuliyay Askar ka tirsan guutada 5aad qeybta 27-aad oo ku howlgalay xogta Bulshada Xaafadda Buundo-weyne.

Meydka dhagarqabaha oo kamid ahaa xubnaha u xuubsiibtay dhibaateynta Bulshada ayaa ku baxay gacanta Ciidamada geesiyaasha ah, waxuuna watay hub kala duwan sida Bam-gacmeed iyo Bastoolad.

Taliyaha guutada 5aad Qeybta 27-aad korneel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa ku bogaadiyay howsha Qaran ee CXD ka qabteen Argagaxisada, waxuuna carabka ku dhuftay in ay dhammaatay waqtiga dadka bulshada indhaha u ah inta la dilo la oran jiray wuu baxsaday iyo lama yaqaan.

Bulshada Gobalka Hiiraan ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loogu guuleysto amniga Gobalka iyo Magaalada Beledweyne intaba.

Maxkamadda ICJ oo maanta go’aamineysa in Israel ay joojiso howlgallada milateri ee Gaza.

Masxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee hoostagta Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay soo saarto tillaabooyin deg deg ah oo Israa’iil ku amraya inay joojiso howlgallada milateri ee ay ka waddo Gaza.

Fadhiga maxkamadda ICJ oo maanta oo Jimco ah  dhacaya ayaa qeyb ka ah dacwad ay Koonfur Afrika soo gudbisay oo ku saabsan in Israa’iil ay geysatay xasuuq.

Xukun ka dhan ah Israa’iil ma aha mid ay fulinayso maxkamaddu balse waxa ay noqonaysaa mid siyaasad ahaan muhiim ah.

Koonfur Afrika oo si weyn u taageerta falastiiniyiinta ayaa maxkamadda ka codsatay in ay soo saarto sagaal qodob oo ku meel gaar ah, oo ay ku jiraan joojinta dhaq-dhaqaaqa militari ee Israa’iil.

In ka badan 25,000 oo falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo carruur ayaa la dilay tobanaan kun oo kalena waa la dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza, tan iyo markii Israa’iil ay billowday weerarkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’addaha Amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda hey’adaha mniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.
Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.

Madaxweynaha JFS ayaa ayaa kulan la qaatay Amirka dalka Qatar.

Dooxa, 23 January 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaanioo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Qatar halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaas.

Madaxweynaha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Qatar halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaas.
Safarka madaxweynaha ee dalka Qatar ayaa qeyb ka ah dadaalada Diplomaasiyadeed ee Dowladda Soomaaliya ay uga hortageyso damaca Gurracan ee dowladda Ethiopia ay ku soo damaacisay Madax banaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Howlgal lagu dilay Horjoogeyaal Khawaarij ah oo ka dhacay Jubbada hoose

Hawlgalka qorsheysan oo ay iskakaashadeen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibada Mareekanka oo ka dhacay gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Khawaarijta.

Weerarka oo ay fuliyeen ciidanka Xoogga oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareekanka ayaa ka dhacay deegaan 45KM waqooyi berri ka began magaalada Kismaayo ee xarunta Ku meel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana lagu dilay ilaa afar xubnood oo mid ahaa koox ka tirsan khawaarijta oo isku abaabulayay goobta la bartilmaameedsaday, mana jiro wax qasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka kooxaha khawaarijta oo khatarta iyo duulaanka ku ah jiritaanka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo Beesha caalamka uga mahad celisay sida ay ugarab istaagtay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed.
Waxay si gaar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u xuseysaa dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah, kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley kulanka uu la yeeshay Madaxweyne El Sisi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin xulufo iyo wallaalo soo jireen ah oo mar kasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifaya iyo horumar waara, si gaar ahna diiradda loo saarayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed ee labada dal.
Madaxweynaha Masar oo Isna ka hadlayay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo wallaalo ah, kana wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.
Tallaabada gurracan ee ay qaaddey Ethiopia ee ay ku faragelinayso qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba.

Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhanka taageerada howlgallada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Q.M. siiso Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda iyo xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii Q.M. u xoojin lahayd qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga dhammaadka sanadkan 2024.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, ayaa uga mahadceliyey Q.M. taageeradooda ku aaddan madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.