Home Blog Page 283

Israa’iil oo Gaza ku dishay 100 ruux 24-kii saac ee u dambeeyay

0

Ku dhawaad ​​100 falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay weerarrada Israa’iil ay ka fulisay Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Dadka dhinatay waxaa ku jira 75 ruux oo lagu dilay weerarro xagga cirka ah oo lagu qaaday laba guri oo ku yaalla magaalada Beit Lahiya ee dhacda waqooyiga.

Xasuuqa Israel ayaa sii socda xilli gaajada iyo silica heysta Falastiiniyiintya Gaza ay gaartay heer masiibo ah sida uu ku waramay xafiiska warbaahinta dawladda ee fadhigiisu yahay dhulka go’doosan.

Xabad joojinta Lubnaan ayaa gashay maalintii afaraad, waxaana madaxa Xisbullah Naciim Qasem uu tallaabadaan ku tilmaamay guul rabbaani ah oo salka ku heysa dagaalka ay kula jiraan Israel.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa mareysa 44,363 iyo dhaawaca 105,070,halka Israel ay Lubnaan ku dishay 3,961 ,isla markaana ay dhaawaceen 16,520 .

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarista Amniga Serbia

0

Wasiirka Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag oo ku guda jira booqashadisii Belgrade Serbia ayaa shalay booqday Machadka Daraasaadka Cilmi baarita Amniga Dunida, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Tiknoolajidda ee Vlatacom.

Madaxda Machadka Vlatacom Dr. Vladimir Cizelj ayaa Wasiirka ka siiyay warbixin guud shaqada ay u xilsaaranyihiin iyo xiriirka Machadka uu la leeyahay in ka badan 96 dal oo uu Machadku la shaqeeyo.

Machadka Vlatacom ee Serbia oo qabta hawlo aad u fara-badan ayaa Dowladda Soomaaliya u soo bandhiga fursado ay Soomaaliya u baahan tahay oo wax weyn ka tari doono Dowlad dhiska dalkeenna, waxaana Wasiirka la tusay howlaha ka socda xarunta Vlatacom, sidoo kale waxaa lagu wareejiyay warqado (documents) uu ka xulan doono baahida hortabinta leh ay u qabaan shaqada khibradda iyo Machadka Vlatacom uu bixiyo.

Wasiirka Amniga Gudaha General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Fartaag ayaa mahad balaaran u celiyay Dowladda Serbia iyo dhamaan Madaxda kala ee uu kula kulmay magaalada Belgrade Serbia.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha ee dalka Tanzania kaga qeybgalaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee EAC.

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjirah Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang You, iyagoo ka wadahadley xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay Danjire Selma Malika Haddadi oo ah Safiirka Jamhuuriyada Algeria u fadhida Ethiopia iyo Midowga Afrika.

4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley kulan ka dhacay Muqdisho oo loogu duceynayey Madaxweynihii hore ee Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

5-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Magaalada Muqdisho, isaga oo u kuur galay xaaladaha amniga iyo kobaca dhaqaale ee dalka.

6-Golaha Wasiirada ayaa sharci darro ku tilmaamey tallaabooyinkii uu qaaday hoggaamiyihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo doorasho ka baxsan dastuurka ku qabtey Kismaayo.

7-Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey magacyada xubnaha ka mid noqonaya Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

8-Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad.

9-Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka 2aad ee Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa Muqdisho ka furay Shirka Caafimaadka casriga ah ee Soomaaliya 2024.

10-Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka.

11-Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista xubnaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka iyo Xudduudaha.

12-Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Tacliinta Sare ee dalka.

13-Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa daahfurtay xuska maalmaha 16-ka ee ololaha la dagaalanka tacadiyada loo geysto haweenka iyo gabdhaha.

14-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii ka dhacay Hotelka Agan ee magaalada Kismayo oo ay geysteen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

15-Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

16-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiiska ay dowladda Soomaaliya ugu biireyso Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah (UNTOC).

17-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartey amar lagu soo xirayo hoggaamiyihii hore ee maamulka Jubbaland Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

18-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa kulan la yeeshay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka kooban 135-ta xubnood.

19-Xafiiska Amniga Qaranka ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta, kaasoo qayb ka ah tiirarka Istaraatijiyadda Qaran ee maareynta hubka iyo rasaasta.

20-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynaha Ku-Xigeenka dalkaasi Mudane Cevdet Yılmaz.

21-Wasiir Dowlaha Waxbarashada Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar oo wehliyo Guddomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Xasan Cismaan Gacal iyo safiirka dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya MR. Wang Yu ayaa si’ wadajir ah u daahfuray deeqda waxbarasho ee barnaamijka saaxibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha.

22-Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mudane Xamsa Xaadoow ayaa qaabilay Danjire Marwo Selma Malika Haddadi, Safiirka Algeria ee Midowga Afrika iyo Itoobiya.

23-Wasaaradda Warfaaffinta Soomaaliya oo ka tacsiyaysey geerida weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

24-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa si rasmi ah dib u furay Xaruntii Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xirneed in ka badan 30 sano.

25-Ilaa iyo 80 askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku biiray hawlaha Ciidamada Qalabka sida ay ka wadaan degaanka Raas Kaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

26-Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Drs Maryan Maxamed Xuseen yaa kormeertay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir oo ay ka socdaan mashruuc indho-fiiqis oo bilaash ah.

27-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa kulan duco ah u qabatay Allaha u naxariistee Marxuum Danjire Yuusuf Xassan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda.

28-Safiirka soomaaliya ee u fadhiyo dalka Tanzania Mudane Ilyaas Cali Xasan ayaa warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

29-Guddomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo Safiirka Shiinaha ee u fadhiya soomaaliyaa, Mudane Wang Yu ayaa yeeshay kulan miro dhal ah.

30-Banaanbax lagu taageerayo nidaamka doorashada tooska ah ee qof iyo codka ah ayaa lagu qabtay Magaaladda Moqdishu.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa soo gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Xasan ayaa jeedin doona khudbad uu madaxda iyo martisharafta kale uga warbixinayo dadaallada dawlad-dhiska, kobcinta kaabayaasha dhaqaale iyo abaabulnaanta bulshada Soomaaliyeed ee ku wajahan la-falgalidda ganacsi, waxbarasho iyo horumarineed ee bahdooda Bariga Afrika.

Shirkan taariikhiga ah ayaa waxa ay madaxdu dib ugu milicsan doonaan waxqabadkii ay madashu gaartay intii ay jirtay, sidoo kalena waxa ay falanqeyn doonaan caqabadaha iyo fursadaha isdhexgalka gobalka, gaar ahaan dhanka horumarinta xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo xaqiijinta amni iyo xasillooni waarta.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Arusha kulan doceedyo la yeelan doona madaxda dhigiisa ah ee dalalka Bariga Afrika (EAC).

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha oo ka hadlay Doorashooyinka dalka

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed Nuur oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka,ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay dadaal badan ku soo bixisay meelmarita doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhacda Gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in xilligaan  loo baahan yahay in loo dhaqaaqo horumarka dadka iyo dalka,isla markaana aan dib loo eegin marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo hagaajinta dastuurka dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Maxamed Nuur ayaa sheegay in meesha laga saaro casida laga qabo doorashooyinka qof iyo codka ah,isagoo Ku taliyay in cid kasta oo daneyneysa doorashadaasi ay galaangal ku yeelato siyaasadda dalka,gaar ahaan sidii loo kasban lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay xuska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Danjire Ilyas Ali Hassan, ayaa hoggaamiyay ka-qaybgalka Soomaaliya ee xuska 25-guurada Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Xuska waxaa lagu soo bandhigay bandhig farshaxan oo heersare ah oo ay diyaarisay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, kaas oo soo jiitay ka-qaybgalayaasha kuna muujiyay dhaqanka hodanka ah ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay xoogga saareeysaa dadaalkeeda ku aaddan isku xirka gobolka iyo xoojinta xiriirka dhaqan ee u dhexeeya Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Ciidamada Jubbaland oo kusoo biiray howlgallada ay dowladda ka waddo Jubbooyinka 

0

Ciidanka Maamulka Jubbaland, ayaa intooda badan si rasmi ah ugu biiray hawlgallada Ciidamada Qalabka Sida ee lagula dagaalamayo kooxaha Khawaarijta ee ku sugan degaanada Jubbooyinka.

Shacabka iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Degaanka Kulbiyow, ayaa soo dhaweeyay hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadaan deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale shacabka ayaa dhanka kale taageero u muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya,iyagoo ku eedeeyey Eedeysane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) in uu dayacay xuquuqda ciidamada iyo baahiyaha shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan  howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Golaha Wasiirada EAC

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa Soomaaliya ku matalay shirkii caadiga ahaa ee 46-aad ee Golaha Wasiirada Dalalka Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika oo ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania. Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa diiradda lagu saaray arrimaha gobolka oo ay ka mid yihiin ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka, nabadda iyo amniga. Wada-hadalladan ayaa ah kuwo muhiim u ah xoojinta is-dhexgalka iyo kobcinta iskaashiga dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Shirka Golaha Wasiirada (EAC) ayaa waxa uu gogol xaar u yahay Shir Madaxeedka 24-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Wadamada Bariga Afrika iyo Munaasabad heersare ah oo loogu dabaal dagayo Sanadguurada 25-aad ee EAC.

Ka-qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay is-dhexgalka gobolka iyo hammigeeda ku aadan inay si rasmi ah ugu biirto EAC. H.E. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qaybgeli doona Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada, isagoo dib u xaqiijinaya in Soomaaliya ay la jaan-qaadi doonto hiigsiga Bariga Afrika oo midaysan oo barwaaqo ah.

Wasiirka Amniga Gudaha oo Tababar ugu soo xiray Saraakiil Soomaaliyeed dalka Serbia

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo la baray Baarista Damniyada, Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, maaraynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista. Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya.

Mudane Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka, taas oo gacan wayn ka geysanaysa sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo shir caalami ah uga qeybgaleen dalka Uganda 

0

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Guddiga cunnada iyo Nafaqada ee Golaha Shacabka oo safar shaqo ku jooga Magaaladda Kampala ee Caasimdda wadanka Uganda, ayaa halkaasi uga qeyb galay shirka 6-aad ee Baarlamaanka Bariga Afrika ee cunada iyo Nafaqada.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan wafuud ka kala socota ilaa toban wadan ayaa sanadkan lagu qabtay wadanka Uganda, waxaana mudada sedaxda maalin ah ee uu socon doono looga hadli doonaa arrimaha cuna yerida iyo Nafaqada ee Qaaradda gaar agaan Geeska Afrika, waxaana sidoo kale inta shirkan uu socdo lagu dooran doonaa hogaamka cusub ee sanadka soo socda.