Home Blog Page 283

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

1- Urur Goboleedka IGAD oo Shir Madaxeedkii 42-aad ku qabtey magaalada Kampala ayaa si adag u taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Somalia, isla markaana wax kama jiraan ka soo qaadey heshiiska sharci darrada ah oo ay Ethiopia la gashey maamulka Hargeysa ee waqooyiga Somalia.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns, oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhanka amniga ee labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Khawaarijta iyo Dowladda Ethiopia aya labaduba yihiin cadow duulaan ku ah madaxbanaanida, iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dalkooda difaacan doonaan.

4- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabtey kulamo ku saabsan dhameystirka hawlgalada milateri ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

7- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabooyinka ay Ethiopia waddo ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo caalamka intaba.

8- Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Ethiopia ku faragelineyso qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Ariimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegay in Ethiopia ay noqotay isha hagardaamada iyo colaad hurinta ee gobolka.

10-    Waddamada Qatar iyo UAE ayaa taageeray dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, kadib heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia ay la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

11-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia la saxiixatey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

12-    Qaar kamida odayaasha dhaqanka ee deegaanka Sheekh Awaare ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya.

13-Ururka Suxufiyiinta Caalamka IFJ ayaa cambaareeyay falalka guracan ee lagu bartilmaameedsaday suxufiyiinta ka hawlgala deegaanada Somaliland, kadib markii dhowr weriye lagu xiray Hargeysa.

14-    Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la qaatay maalgashato ka socday dalka Qatar oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

15-    Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Danjiraha India marwo Namgya C. Khampa ayaa ka wada hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta caafimaadka labada dal,iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadleyaasha caafimaadka.

16-    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho tababbar uga furay 30 kamid ah shaqaalaha waaxda farsamada guud ee warbaahinta Qaranka.

17-    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay saraakiisha Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray amniga dalka.

18-    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

19-    Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso faragelineyso qaranimada Soomaaliya.

20-    Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa la horgeeyey eedaysanayaal loo haysto musuqmaasuq, kuwaas oo ka kala tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka Dhexe.

21-    Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sanno ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

22-    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta.

Shirka Igad oo laga soo saaray warmurtiyeed xambaarsan dhowr qodob oo muhiim ah

0

Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  1. IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii’da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.
  2. Waxaan ugu baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaysan dhex dhexaadin imaan karin ilaa Ethiopia ka laabato qaladka ay gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku muujiyey sida uusan goluhu marnaba u ogoleyn in lagu xad gudbo Madaxbanaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan uga mahadcelinayaa Golaha ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika xaqiijinta ku aaddan madaxbannaanida waddamada xubnaha ka ah AU, Itoobiya waxay heshiis sharci darro ah la saxeexatay gobolka waqooyi (Somaliland), taasoo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, dhex dhexaadin ma jirto ilaa Itoobiya ay taas saxdo oo ay ka noqoto MOU-ga sharci darada ah”.

Madasha garyaaqannada Soomaaliyeed“Gobonnimada iyo Midnimadeeda dhuleeed ee JFS waa lama taabtaan”

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri sida tan.

Madasha Garyaaqannada Soomaaliyeed oo ah madal ay ku midaysanyihiin xeeryaqaanka Soomaaliyeed waxa ay qabatay kulan cilmiyeed ku saabsan aragtida sharci ee xadgudbka Dowladda Itoobiya ay ku soo xadgudubtay gobnnimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,waxaana laga soo jeediyey aragtiyo sharci,gebogabadiina waxa ka soo baxay qodobadan:-

MADASHU WAXAY CADDEYNAYSAA:
1. In gobonnimada Dowladda Soomaaliya iyo Midnimadeeda dhuleeed ay tahay  lama taabtaan sida ku cad cahdiga Qaramad Midoobay (QM), iyo ururgoboleedyada Midawga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sida ay dhigayaan curfiga iyo xeerka caalamiga ahi.

  1. In is af-garadka la sheegay in galeen Dowladda Ethiopia iyo Soomaalilaan uu yahay faragalin arrimaha Soomaaliya, taas oo baalmarsan curfiga caalamka,diblumaasiyadda iyo xeerka caalamiga ah.
  2. In Maalgashiga Caalmiga ah ee Soomaaliya uu nidaaminayo sharci, heshiis kasta oo aan sharciga waafaqsaneyna uusan ahayn heshiis maalgashi.
  3. In Dowladda Soomaaliyeed ay xaq qaanuuneed u leedahay in ay is difaacdo, sidoo kale in ay Dowladaha xiriirka la leh la kaashato difaaca dhulkeeda si waafaqsan qodobka 51aad ee cahdiga QM, haddii lagu soo xadgubo gobnnimadeeda iyo midnimadeeda dhuleed.
  4. In Shareecada islaamka aysan ku bannaanayn in dhulka Muslimka la makaniyo (loo gacan galiyo) cadowga Muslimka,halkaana ay dhibaato ka soo gaarto danahooda masiiriga ah. Waxayna shareecadu qabtaa in xukunka shayga lagu dhiso waxa uu ku danbayn doono, ee aan wax lagu dhisin kaliya waxa hadda jira .MADASHU WAXA AY SOO JEEDINAYSAA: –
  5. 1. In Dowladda Soomaaliya aysan marnaba oggalaan tallaabo kasta oo xadgudub ah oo baalmaran xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah taas oo wax u dhimi
    karta gobonnimada iyo midnimada Soomaaliyeed, cid kasta oo ay ka timaadaba.
    2. In dib-u-habayn iyo qaabeyn lagu sameeyo, korna loo qaado tayada howl[1]wadeena xafiisyada sarsare ee dowladda gaar ahaan kuwo la falgala xariirrada dibadda sida Wasaadadda Arimaha Dibadda, wasaaradda cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka iyo Garyaqanka guud.
  6. Dawladdu waa in laba safiir oo kala duwan u magacowdaa dalalka iyo ururrada xaruntoodu ku taallo dalalkaas si looga fogaado in xubnaha nagu matalaya ururrada maqnaadaan haddii labada dawladadood xiriirkoodu xumaado.
    Ugu danbeyn waxaan uga mahadcelineynaa Dawladda Soomaaliya tallaabooyinka iyo mowqifka ay ka qaadatay ilaalinta iyo difaaca gobannimada, madaxbannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda.

Dowladda Imaaraadka carabta oo taageertay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo maalinimadii shalay u qabsoomay Golaha Wasiirada ee Jaamacadda Carabta .

Kulankaan  oo ahaa mid muuqaal ah ayaa daba socda codsi ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiin  arrimaha Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sameeyo dadaal iyo waxqabad ku aadan horumarinta amniga iyo deganaanta geeska Afrika iyo  sidoo kale dajinta xiisadda iyo raadinta wadahadal diblomaasiyadeed.

Gabagabadii kulanka ayaa laga soo saaray go’aan lagu taageerayo Soomaaliya.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socday Dowladda Switzerland.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay wafdi ka socday Safaaradda Switzerland oo ay hogaaminaysay Madaxa Iskaashiga Horumarinta, Martina Durrer.
Qodobada labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii taageerada ay Dowladda Switzerland siiso Soomaaliya loo waafajin lahaa hawlaha mudnaanta u led Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida: diyaarinta Qorshaha 10-aad ee Horumarinta Qaranka, qabashada tirakoobka dadka iyo guryaha iyo dardargelinta hannaanka deeqaha dalka iyadoo xooga la saarayo dhinaca horumarinta.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire, Agaasimaga Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Sharmarke Faarax iyo Agaasimaha Waaxda Isku-duwidda Deeqaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Cabdifataax Xasan Cismaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay Waddo laga dhisayo degmada Hodan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Wasaarada Arrimaha Dibada iyo Masjidka Minaaradaha ee Degmada Hodan oo ay dhismaheeda iska kaashan doonan Dadka Deegaanka iyo Maamulka Degmada.
Munaasabada dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcale iyo Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Fahle.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda in ay dhaqaala hooda ku yaboohaan dib udhiska magaalada iyo bilic Soo celinteeda.

Dowladda JFS oo hawada Jamhuuriyadda ka celisay diyaarad Ethiopia Leedahay.

0
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa Hawada Jamhuuriyadda Soomaaliya ka celisay diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopian Airline oo ku socotay Magaalada hargeysa.
Ujeedka loo celiyey Diyaaradda ayaa ah inaysan haysan wax fasax ah oo ay ku marto hawada dalka.

Jaamacadda Carabta oo kulan Deg Deg ah ka yeelanaysa Damaca gurracan ee Itoobiya

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee  Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

Safiirka ayaa tilmaamay  in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan  xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan  garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya.

Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku  baaqay in shirka laga soo saaro  go’aan adag oo  gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sdioo kalena lagu taageerayo dhamaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta  tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso faragelinta Itoobiya, taas oo ah  xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo shacabka Somaliland ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo fariin u diray shacabka ku nool deegaannada gobollada Waqooyi (Somaliland), oo ku aaddan in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Somaliland meel walba ay oo joogaan in ay u istaagaan difaaca dalka, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

” Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Soomaaliya degan (Somaliland), waxaan rabaa inaan iraahdo Soomaaliyeey 30-sano iyo ka badan ayay odayaasha hadda idin hor socdaayi reerka dhaanka u rareen, waxay idinku yiraahdeen meel barwaaqo ah ayaa geeddigu ku fureynaa, Soomaaliya naga leexiya, ha ina tusina, meel Soomaalidi surin ayna qaadin oo Soomaali joogin oo barwaaqo ah oo roobku ka da’o oo ( ever-gareen ah) ayaa idin geynaa idin ku dhaheen, waa u sacbiseen oo waxaa ku dhahdeen waa saxan tihiine na wada abaarta Soomaaliya iyo kuleelkeeda, meel ka fiican oo ka qurux badan na geeya, 30-sano ayaa daba socoteen, odayaashii sey u sii socdeen mahlako ayay idin ku rideen, waa u jeedaan haadaan bey idinka tuureen, Jinsiyadiinii iyo duriyadiinii ayay cagta mariyeen’ tallaabada xigtayna waxay yiraahdeen dhulkii waa dhiibnay qalaas,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.
Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in dhulkii aad u diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan uu maanta markale soo hamiyo, wuxuu dhinaca kale, carabka ku adkeeyay in aysan marnaba suurta gal noqon doonin in taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow shisheeye qaato ama soo hamiyo.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay  munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPENS, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbarashada dalka, isagoo ku ammaanay dalladda dadaalkii ay gelisay kor u qaadista waxbarashada.