Askar kale oo katirsanaa jubbaland oo ku biiray howlgalka Ciidanka XDS ee Raaskambooni

Date:

Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.

Ciidanka ayaa waxaa halkaa ku soo dhaweeyay sarakiisha ciidamada xoogga dalka waxa ayna qaarkood oo la hadlay warbaahinta sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qeygalka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ee ciidanka.xoogga ka wadaan degaannada jubbaland.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhowaan howlgal rasmi ah oo lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta ka bilowday deegaanka Raas-Kaambooni,waxaana ujeedku yahay in dhammaan deegaanada Jubbaland laga xoreeyo cadowga nabad-diidka ah.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor ee Xoogga Dalka Soomaaliya G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) oo la hadley ciidanka kaga soo biiray dhanka maamulka Jubbaland, ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...