Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo Khawaarijta ka dhan ah ka wado deegaanno hoostaga Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgallo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ka sameeyay deegaanno u dhexeeyo gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Guutadda 26-aad Cali Bin Abii Daalib XDS ayaa howlgalka oo u jeedkiisu ahaa ka hortaga dhagarta khawaarijta ka sameeyay deegaanka Cali-goodle iyo Cali-gureey.

Taliyaha Guutadda 26-aad CXDS G/le Dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa sheegay inta uu howlgalka socday in ciidnka ay ku guuleeysteen inay wadooyinka ka soo saaraan miinooyin Khawaarijta dooneeyso inay ku dhibaateeyaan shacabka balse geesiyaasha XDS ay ku guuleeysteen inay ka hortagaan dhagarta Khawaarijta islamarkaasna soo saaraan miinooyinka.

Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu soo gabagabeynayo Khawaarijta kawada meelaha ay dalka kaga dhuumaaleysanayaan, iyagoo kuwa badan laga khaarajiyay halka tiro badan iska soo dhiibtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....