Soomaaliya iyo Faransiiska oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee labada dhinac

Date:

wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Danjire Yoonis Xaashi, Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika, iyo Masuuliyiin kale ayaa la kulmay Mudane Thani Maxamed Soilihi, Wasiiru-dawlaha Faransiiska ee Francophonie iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda Arrimaha dibadda, isaga oo ballanqaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, iyadoo Faransiisku uu xaqiijiyey taageerada uu ka geysanayo dadaallada ka dhanka ah argagixisada, amniga badda, iyo Hawlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu gorfeeyay Iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Dawldda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho taasoo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed. labada dhinac waxay ka wada hadleen baahida loo qabo la dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...