Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya

Date:

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Salah Ahmed Jama oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum).

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka ee Soomaaliya (Somali Internet Governance Forum), oo ah madal muhiim ah oo lagu gorfeynayo doorka internet-ka ee horumarinta Soomaaliya.

Madashan ayaa ujeedadeedu yahay in ay noqoto meel lagu wadaago aragtiyo, talooyin, iyo xalal wax ku ool ah oo la xiriira maamulka internet-ka.

Mudane Salah Jama ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada, dowladda iyo shirkadaha gaarka ah si loo dhiso nidaam hufan oo lagu maamulo internet-ka, taas oo horseedi karta horumar ballaaran oo dhinacyo kala duwan leh.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay madashani u leedahay dadka Soomaaliyeed oo qeybo badan oo noloshooda dhaqan dhaqaale ay ku xidhan tahay adeegga internet ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...