Home Blog Page 174

Wasiirrada Hirshabeelle oo ka hadlay Amniga iyo Horumarinta Deegaannadaas

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle. Kulankan ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo xasilinta deegaanada Hirshabeelle, xoojinta howlgalada kooxda Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, iyo dhameystirka dhismaha goleyaasha deegaanka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee amniga deegaanada Hirshabeelle, sare u qaadista tababarrada iyo tayeynta qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliiska iyo daraawiishta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa Golaha u faahfaahiyay halka ay mareyso hanaanka maamul daadejinta iyo qorshaha Wasaaradda ee ku aaddan dhameystirka Goleyaasha deegaanka si bulshadu u doorato hoggaanka maamulkooda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka xasilinta oo lagu hormarinayo deegaannada iyo degmooyinka Hirshabeelle, oo sanadkii hore ka fuleen mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada.

Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle waxaa maanta kasoo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Xukuumadiisa ku bogaadiyay sida ay u xoreysteen inta badan deegaannada Hirshabeelle iyo sidii ay ugu guuleysteen inay deegaannadaasi gaarsiiyaan mashaariic horumarineed oo waxtar leh.

Wasiirka Cadaaladda oo kulankii muhiim ah la qaatay Wafdi ka socda Midowga Afrika

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa ku qaabilay xarunta Wasaaradda, wafdi ka socday Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddi-gaarka ah ee Guddoomiye Gudiga Midowga Afrika ee Soomaaliya (SRCC) iyo Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Amb.

Maxamed El-Amin Souef. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta doorashooyinka dalka, xoojinta cadaaladda, iyo wada-shaqeynta labada dhinac ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Wasiirka Cadaaladda Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa wafdiga uga warbixiyay horumarka Xukuumadda Dan-Qaran ee dhinacyada doorashooyinka, iyadoo si gaar ah loogu taahayay dadaalka xukuumadda ee ku aaddan qabashada doorasho qof iyo cod ah. Waxa kale oo uu tilmaamay dhammeystirka Dastuurka Soomaaliya iyo horumarka la gaaray, isagoo rajeynaya in la gaaro bisha Diseembar 2025 si loo dhammeystiro hanaanka doorashada dalka.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud wuxuu sidoo kale mahadnaq u jeediyay hawlgalka ATMIS, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen sugidda amniga dalka iyo taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya muddadii ay joogeen. Wafdiga Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Kulankan ayaa muhiimad gaar ah u lahaa xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee dhinacyada amniga, doorashooyinka, iyo dowlad-dhiska.

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Xarunta Keydka Daawada ee Gobolka Banaadir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in mashruucaan uu qeyb ka yahay mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinaayo adeegyada aas-aasiga ah kuwaasi oo wax tar u leh bulshada, asigoona u mahadceliyay Hey’adda Qatar Charity oo gacan ka geysaneysa fulinta mashruucaan.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Madaxa mashaariicda Hey’adda Qatar Charity Mudane Cabdicasiis Jaasim, Agaasinka Caafimaadka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

SoDMA iyo QM oo si wadajir ah u Daah-furay Qorshaha Gurmadka 2025

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane. George Conway ayaa wadajir u guddoomiyay shirka daah-furka qorshaha ka jawaabista baahida bani’aadinnimo ee Soomaaliya ee sanadka 2025.

Shirkaan oo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ayaa lagu xusay in dad gaaraya 5.98 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah, taasoo lama huraan ka dhigeysa in la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar si loo gaaro dad ku dhow 4.57 milyan oo ruux oo abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen.

Shirka waxaa kasoo qayb galay madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad goboleedyada iyo dallada Ururrada NGO-yada ee Soomaaliya, si loo helo jawaab-celin isku-dhafan iyo u gurmashada dadka nugul ee haweenka, carruurta, waayeelka, naafada iyo dadka la heeb sooco ugu horreeyaan.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah ee SIPS

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Nidaamka Lacag-bixinta Degdegga ah ee SIPS (Somali Instant Payment System).

Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyo xubno ka socday hay’adaha maaliyadda iyo bangiyada. Nidaamka SIPS waxaa lagu tilmaamay horumar weyn oo ka dhashay dadaallada dowladda iyo bangiyada Soomaaliya, kaas oo suuragelinaya in lacagaha lagu kala wareejiyo si degdeg ah, ammaan ah, oo hufan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in nidaamkan cusub uu kaalin weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Wuxuu xusay in SIPS uu fududeyn doono lacag-bixinta iyo iskaashiga ganacsi ee gudaha dalka iyo dibadda, sidoo kale wuxuu noqon doonaa aalad muhiim ah oo kor u qaadaysa adeega bangiyada iyo helitaanka lacagaha.

SIPS ayaa sidoo kale ka caawin doonta shacabka Soomaaliyeed in ay si sahlan ugu gudbiyaan lacagaha, taasoo ka dhigaysa nidaamka lacag-bixinta mid casri ah oo u dhigma baahida bulshada iyo dhaqaalaha dalka.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii ku boorriyey shacabka iyo hay’adaha maaliyadeed in ay si buuxda uga faa’iideystaan nidaamkan, isla markaana ay ka qeyb qaataan sidii loo horumarin lahaa adeegyada maaliyadeed ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka ee Isbitaalka De Martino

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kadib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo dabooli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.

Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo tacsiyeey geerida Abwaan Cabdulle Geeda-naar

0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Hirshabeelle geerida Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar.

Abwaanka ayaa caan ku ahaa shiribka iyo guuroowga waxana uu suugaantiisa diirada ku saari jiray nabadda iyo wacyigelinta.

Noloshiisa ugu badan waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho inkastoo waayadii dambe uu ku noolaa gobalka Shabeellada Dhexe ee Dowladda Hirshabeelle.

“Allaha u naxariisto Abwaan Cabdulle Geeda-naar, ehelka, asxaabta iyo shacabkii Soomaaliyeed ee muddada ku xirneyd suugaantiisa waxaan ugu tacsiyeynayaa geerida Abwaanka.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janno Fardowsa

Wasiir Cali Xoosh oo kulan la qaatay Shacabka Jowhar iyo Madaxda Hirshabeelle

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo shaqo ku jooga Hirshabeelle ayaa waqti la qaatay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Xildhibaan Cali Xoosh, ayaa dhagaystay talooyinka odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada ee ku aaddan arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle.

Wasiir Cali Xoosh ayaa shalayto gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, isagoo kulamo gaar-gaar ah la qaatay madaxda maamulka oo uu u horreeyo madaxweyne Cali Guudlaawe, siyaasiin iyo qaybo ka mid ah ururrada bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dedaallo dib u heshiisiin, sidoo kale ay socdaan dedaallo wacyi gelin ku aaddan u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu wado in ay dhowaan dalka ka qabsoonto.

SoDMA oo Gargaar Raashin ah u qeybisay Qoysas dan yar ah oo ku sugan Deyniile

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa waxa ay deeq gargaar raashin ah degmada Deyniile ee gobolka Banaadir ugu qeybisay qoysas ka kooban danyar iyo kuwa naafo ah.

Gargaarkaan ayaa ka faa’iideeystay 1,000 qof, waxaana hore sidaan oo kale hay’adda SoDMA qoysas naafo ah iyo kuwo danyar ah ay raashin ugu qeybisay degmooyinka gobolka banaadir ,ayadoona SoDMA ay u taagantahay caawinta Bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha gargaarka ee dagmada Deyniile ayaa u mahadnaqay Hay’adda SoDMA, isagoo sheegay in gargaarkan oo ku soo aadday xilli ay baahi badan u qabeen ayna uga mahadnaqayaan gurmadka joogtada ah iyo caawinta ay la garab jogaan dadka jilicsan hoggaanka SoDMA.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika ee la bixiyo, waxaana lagu guddoonsiiyey munaasabadda ka dhacday magaalada Davos ee dalka Switzerland. Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay hogaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinacyada dowlad-dhiska, dib u xoreynta, iyo hirgelinta qorshaha dayn cafinta ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo hadal ka jeediyey munaasabadda, ayaa uga mahadnaqay Africa House tixgelinta ay u muujiyeen horumarka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay abaalmarintan mid ka tarjumeysa geesinnimada iyo adkaysiga shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay guulaha dowladdiisa, oo ay ka mid yihiin dib u dhiska ciidamada iyo ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).