Home Blog Page 175

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo kulan la qaatay Safiirka Maraykanka ee Soomaliya.

0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xukuumadda Faderalka Soomaliya, Mudane. Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa kulan la qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Riley.

Labada dhinac Waxay kulankaasi uga wada hadleen sii ambaqaadidda iskaashiga ku saabsan arrimaha duulista rayidka, Nidaamka PISCES, iyo ilaalinta Amniga Hawda Dalka iyo Garoomada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa dawlada Maraykanka uga mahad celiyey tageerada Dawlad dhiska Soomaliya,gaar ahaan mashaariicda hortabinta u leh Dalkeenna Soomaliya.

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda Janaasadda ku tukaday AUN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib tacsi gaar ah la wadaagay qoyska iyo qaraabada iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka baxay Ugaasku. “Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaaho Ugaas Faarax, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygiisa ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka uu ka baxay marxuumku”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeybgalay tukashada Salaadda Janaasada Madaxwaynaha Dowlad Goboleeeka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee Dowladda ee xukuumadda iyo baarlamaanka.

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (Network of African Data Protection Authorities – NAPDA), ka dib kulankii 8-aad ee Ururka oo lagu qabtay magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Maxamed Nuur Colow oo ka qaybgalay shirka ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xogta shakhsiyeed, asturnaanta dijitaalka ah iyo ka qaybgalka madasha heer goboleed ee arrimaha dhowrista xogta.

Kulanka NAPDA oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha dhowrista xogta ee dalal Afrika ayaa si qoto dheer uga dooday xoojinta iskaashiga dalalka xubnaha ah, is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo sidii loo horumarin lahaa sharciyo iyo hannaan mideysan oo lagu wajahayo caqabadaha dijitaalka ah.

Maareeyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda hay’adaha kale ee ka qeybgalayay shirweynaha, isagoo adkeeyay muhiimada iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo dalalka Afrika si loogu wajahdo caqabadaha wadajirka ah ee xagga xog-ilaalinta.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba maalmood ah.

2. War Murtiyeed ka ka kooban 10 qodob oo laga soo saaray Shirka Golaha Wadatshiga Qaranka, kuwaas oo diiradda saaray u midoobidda dagaalka argagixisada, dardar gelinta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, aqoonsiga SSC Khaatumo, iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo talo bixiso sida laga yeelayo xaaladda sharci ee Dowlad Goboleedka Jubbaland

3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda hawlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.

4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

5. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay dhiirigelinta wax soo-saarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku-filnaansho cunto.

6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

7. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hay’adda Aqoonsiga ee NIRA.

8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta.

9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan magaalada Algiers kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

10. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali oo la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiye ka dhaxeeya.

11. Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ka wada diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka caasimadda, iyaga oo isku diyaarinaya u gudbidda ka bilaabidda diiwaan galinta degmooyinka gobollada dalka oo ay ugu horeeyaan xarumaha dowlad goboleedyada.

12. Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Britain Arrimaha Afrika.

13. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiirka Shaqada ee Qadar Cali bin Samikh Al-Marri , iyagoo ka wadahadley xoojinta wadashaqeynta ee labada dal ee ku aaddan arrimaha shaqada, horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.

14. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac oo Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda ugu hambalyeeyey dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ayaa bogaadiyeey kaalinta ay warbaahinta iyo suxufiyiinta ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada ee ka hortagga fikradaha xaqjirnimo iyo nabad-dhiska.

15. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.,iyagoo ka wada hadlay sidii taageero buuxda looga heli lahaa kalluumeysatada.

16. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka telefonka kula hadley Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Danjire Hussein Al-Amin, isagoo adkeeyay mowfiqka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee taageeridda,nabadda iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan.

17. Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jab xooggan oo 30 ka tirsan maliishiyada argagixisada khawaarijta lagu dilay deegaanada Muqluga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.

18. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay dib u dhiska waddo laami ah ee isku xiri doonta Degmada Guriceel iyo Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga maamulka iyo shacabka Galmudug.

19. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto shidaalka ku jira dhulkeeda.

20. Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan iyo Ku-Xigeenka Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Amb Maxamed Al-Mudeyri ayaa Muqdisho ka sagootiyay gabdho mataano ah oo isaga dhaqan xubinta kaadi heysta oo qaliin caafimaad ah looga sameynaaya Sacuudi Caraabiya .

21. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirizaaq Maxamed oo dalka Sir Lanka ugu qeyb-galay shir looga hadlaayey horumarinta beeraha , arrimaha degaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Marwo Harini Nireka Amarasuriya.

22. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa soo agaasintay kulan hordhac ah oo lagu diyaarinayay ka qaybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee 30aad (COP30), kaas oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Belem ee dalka Brazil.

23. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ku wareejiyey Madaxweynaha dalkaas Md Prabowo,

24. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

25. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Wasiir ku-Xigeenka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

26. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa ka qeyb galay shirka booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO, oo lagu qabtey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiyaa.

27. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada oo ka dhacay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

28. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo horumarinta warshadaha iyo dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.

29. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Maryama Mohamed Hussein ayaa si rasmi ah u soo xirtay wajiga 3aad ee ololaha qaliimada carruurta ku dhasha wadna daloolka, kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Somali Sudanese, Hormuud Salam Foundation, Hay’adda Cuntada iyo Isbitaalka Wadnaha ee Mogadishu Heart Center.

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee sanadkan, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 431 ruux, kuwaasoo u safraya gudashada waajibaadka acmaasha xajka.

Munaasabadda sagootinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Robow Cali; Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Caaji Aadan; Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux; Guddiga Xajka iyo mas’uuliyiin kale.

Tirada guud ee xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446 Hijriya safri doonta ayaa lagu qiyaasay ilaa 11,500 ruux, kuwaas oo maanta ka kala dhoofaya garoomada diyaaradaha ee Hargeysa, Puntland, iyo Muqdisho. Howlaha dhoofinta xujeyda ayaa si rasmi ah u billowday 9-ka May 2025, waxaana la qorsheeyay inay socon doonaan illaa 31-ka bishan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, iyadoo kaashaneysa Guddiga Xajka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sucuudiga, ayaa dadaal ugu jirta sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si habsami leh oo hufan u gudan lahaayeen waajibaadka xajka.

Wasaaradda Shaqada XFS oo heshiis shaqo abuur ah la saxiixatay dalka Qatar 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horumar la taaban karo ka sameysay heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, si kor loogu qaado fursadaha shaqo-abuurka dalka dibaddiisa.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, oo ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa kulammo miro dhal ah la qaatay madaxda Dowladda Qatar, gaar ahaan madaxda Wasaaradda Shaqada ee dalkaas.

Dhinaca kale, Guddiga Farsamada ee iskaashiga shaqada ee u dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya ayaa isna ku kulmay magaalada Doha, si ay uga wada hadlaan nidaamka shaqaaleysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqo ee ay labada dal horey u kala saxiixdeen.

Heshiiska shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar waa mashruuc ballaaran oo lagu shaqaaleysiinayo in ka badan 10 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo iskugu jira xirfadlayaal kala duwan.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Waxaa kulanka qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe.

Intii uu socday kulanka labada dhinac waxa ay ka wadda hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale  gaar ahaan kan la xiriira kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Wasiir Axmed Xasan Aadan ayaa boggaadiyay xiriirka iskaashi ee ganacsiga kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee labada dal, wuxuuna muujiyay sida ay wasaaradda uga go’an tahay horumarinta fursadaha suuq-geynta kalluunka Soomaaliyeed.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Shiinaha ay diyaar u tahay in ay suuqyadeeda waaweyn u furto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hawlan kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, isagoo xusay in badeecadahaas si canshuur-dhaaf ah loogu iibin karo gudaha Shiinaha.

Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, ayna taageeraan horumarinta ganacsiga kalluumeysiga sharciyeysan iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga ah ee u dhexeeya labada dal.

 

 

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka  oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga joogtada ah la wadaagay warbixin ku saabsan shaqooyinka golaha iyo sida ay muhiimka u tahay habsami u socodka howsha golaha. Waxaana intaas ka dib guddiyada laga dhageeystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo marxaladaha ay marayaan.

Ugu dambeyn kulanka guddiga joogtada ah ayaa lagu ajendeeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda, waxaana u codeeyay xubnaha guddiga joogtada.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga joogtada ah, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo shaqada golaha si looga shaqeeyo shuruucda horumarka u ah dowladnimadeenna.

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka qeybgalay shirweynaha 4aad ee heer Wasiireed ah oo ay qabatay Hay’adda RIMES, kaas oo ka dhacay magaalada Colombo ee dalka Siri Lanka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Asad ayaa shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Siri Lanka, Marwo Harini Nireka Amarasuriya, isagoo si kooban uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga beeraha ee labada dal ay ka wada shaqayn karaan.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Dr. Cabdalla Axmed Almanduus, Guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee Saadaasha Hawada, si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira saadaasha cimilada iyo iskaashiga dhinaca saadaasha hawada.

Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

Ciidamada ammaanka ee ka tirsan Nabad Sugidda (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Maamulka Degmada Matabaan, ayaa si degdeg ah uga falceliyay colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tallaabadan ayaa ujeedadeedu tahay in la joojiyo dhiigga daadanaya, la kala dhexgalo beelaha is haya, isla markaana loo sameeyo hannaan nabadeed oo waara. Ciidamada ayaa gaaray goobaha ay xiisaddu ka taagan tahay, halkaas oo ay ka wadaan dadaallo nabadeed iyo kala dhexgalid beelaha walaalaha ah ee isku haya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed iyo xoolo.

Maamulka degmada Matabaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xasillinta deegaanka iyo in laga hortago in colaadahaasi ay sii fidaan. Waxaa sidoo kale la filayaa in odayaasha dhaqanka, culimada iyo qeybaha bulshada laga qayb geliyo dadaallada nabadeed ee socda.