Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo isugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii kaga qeybgalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta. Fadhigani ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israa’iil.

Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagan tahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...