Ra’iisul Wasaare Xamse oo casho sharaf u sameeyay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Puntland

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadeed ee Puntland, kuwaas oo ka qeyb galay gogoshii Wadatashiga Qaran ee maanta kusoo gaba-gabowday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Xisbiyada ka qeyb-galka kulanka wadatashiga iyo talooyinkii ay ku biiriyeen arrimaha dowlad-dhiska, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu xusay sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta u siineyso dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha ay qabaan qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, masuuliyiinta Xisbiyada Puntland ayaa bogaadiyay gogosha wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ballanqaaday in ay dowladda ku garab siinayaan dadaallada ku aaddan dhismaha dowladnimo dhab ah oo loo dhan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo baaq nabadeed kasoo saartay Dilalka iyo Beegsiga ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa baaq...

Horjooge katirsanaa khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay...