Madaxweynaha JFS oo soo xiray gogosha wadatashiga Qaran

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka socotay magaalada Muqdisho, taas oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin hore, ururada siyaasadda, bulshada rayidka ah, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynuhu ayaa ku bogaadiyey dhammaan masuuliyiinta iyo madaxda ka soo qeybgalay Madashan masuuliyadda iyo xilkasnimada ay muujiyeen, iyagoo aragtidooda ku biiriyey dowlad-dhiska, xasilloonida iyo horumarka dalka.

“Dadka Soomaaliyeed ee wax kuleh masiirka dalkeena ee ka soo qeybgalay Gogoshan Wadatashiga Qaran waa Danjirayaal Soomaaliyeed u idman in ay baahiyaan farriinta nabadda, wadajirka iyo wadahadalka. Codkiinna iyo taladiina wax ku ool-ka ah wax weyn ayay ka beddeli karaan hannaanka siyaasadeed ee dalka”.

Madaxweynuha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay madaxdii hore ee dalka in ay ka dhabeeyaan ballanqaadyadii ay hore u sameeyeen ee ku saabsan dhameystirka Dastuurka iyo hirgelinta doorashada tooska ah ee ay naawaliyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in albaabbada wadahadalku ay mar walba u furan yihiin dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaybaha kale ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...