Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo hambalyo ah u dirtay ardayda dugsiyada Sare ee dalka oo dhammeystay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Nuuro Mustaf Mukhtaar, “Waxaan idin kugu hambalyeeynaa dhammaadka imtixaanka, waxaan alle idinkaga rajeynaa inaad heshaan natiijooyin aad ku faraxdaan.”

Marwo Nuuro ayaa sheegtay in ay la wadaagto farxadda ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta, iyadoo ugu hambalyeysay dadaalkii ay muujiyeen muddadii imtixaanka. Waxay hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed lagu dhiirrigeliyo waxbarashada si ay u noqdaan kuwo hoggaamiya mustaqbalka dalka.

Wasiiradda ayaa ardayda u rajeysay natiijooyin wanaagsan, waxayna ku boorrisay in aysan hakad gelin dadaalkooda waxbarasho, maadaama ay tahay furaha horumarka noloshooda iyo dalka guud ahaan.

Waxaa sidoo kale la tilmaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay dadaal ugu jirto in la horumariyo nidaamka waxbarashada dalka, si loo gaaro tayo iyo sinnaanta helitaanka waxbarasho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...