Home Blog Page 173

Duqa Caasimadda oo kormeeray Waraha Biyo-qabadyada ah ee Degmooyinka 

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa kormeeray Waraha iyo Biyo qabadyada ku yaala Degmooyinka Xamarweyne, Boondheere, Warta Nabadda iyo Kaaraan, si loogu diyaar garoowo xilli roobaadka nagu soo food leh.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, oo sheegay in meel wanaagsan uu maraayo howlaha dib hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Amiir ayaa faray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir in ay dar-dargeliyaan hagaajinta Waraha iyo Biyo qabadyada, asigoona ka digay in lagu xad-gudbo Bilicda iyo Nadaafada Magaalada Muqdisho, waxa uuna xusay in dhawaan la hirgelin doono sharciga Nadaafada oo ay ku xusan yihiin ganaaxa ay muteysan doonaan dadka ku xad gudba Nadaafada.

Golaha Wasiirrada oo cusboonaysiiyey xil-haynta Guddiga Naafada Qaranka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo kulankaasi uu muhiimad weyn u lahaa horumarinta adeegyada dowladda iyo xoojinta howlaha muhiimka ah ee dalka.

Kulanka ayaa looga dooday arrimo dhowr ah oo muhiim u ah dalka, sida xaaladda amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo siyaasadda dhijitaalka ah ee dalka. Wasiirrada ayaa sidoo kale ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay, taasoo diiradda saareysa isbeddelada la xiriira tiknoolajiyada iyo horumarinta adeegyada dowladda iyadoo la xoojinayo nidaamyada cusub ee teknolojiyadda ee dalka.

Waxaa sidoo kale lagu ansixiyey istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan, taasoo ka tarjumaysa qorshayaasha dowladda ee ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaam maamul oo casri ah oo xoojinaya adeegyada iyo hawlaha dowladda.

Guddiga Naafada Qaranka ayaa sidoo kale u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda 4 sano oo kale, si ay u sii wadaan howlaha ay u idmanyaheen. Guddigan ayaa door muhiim ah ka ciyaara taageerada dadka naafada ah iyo dhammeystirka adeegyada bulshada ee loogu talagalay si loo xaqiijiyo sinnaanta bulshada.

Ugu dambeyntii, golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay xog muhiim ah oo ku saabsan kobaca dhaqaalaha iyo qaababka loo qorsheynayo si loo gaaro horumar waara.

Ciidanka Deegaanka oo howlgal ay ku laayeen Khawaarijta ka fuliyay Ceelgaras

0

Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Deegaanka jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta, ayaa ka dhacay degmada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Hawlgalkaan oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo Khawaarijtu ka joogtay magaalada Ceelgaras ayaa waxaa lagu dilay seddex dhagar-qabe, uu ku jiro horjooge sare oo lagu magacaabo Mirre Cagdheer, halka lagu dhaawacay 6 kale oo ay ku jiraan horjoogihii degmada Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda Khawaarijta deegaanka Jabriil, kaas oo dhaawiciisa loola cararay magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, madaama dhaawiciisa uu ahaa mid adag sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Maxamed Faarax Geedi oo howlgalkaan hoggaaminayay.

Dhawaan ayey ahayd markii howlgal midkaan la mid ah ciidankaan deegaanka ay ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo xarun weyn u ah Khawaarijta.

Wasiirka arrimaha Dastuurka XFS oo kulan la qaatay Ururrada haweenka Soomaaliyeed 

0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo kulanka la yeeshay Ururada Haweenka iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray geeddi-socodka Dastuurka, doorashooyinka iyo kaalinta haweenka ee dhismaha dowladnimada. Wasiirka ayaa uga warbixiyay dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska, halka ay marayaan dhismaha hay’adaha garsoorka iyo dib-u-eegista Dastuurka, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ku jirto marxalad cusub oo taariikhi ah oo muwaadinku si buuxda ula wareegayo samaynta mustaqbalkiisa.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa ballan qaaday in ay taageeraan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, iyagoo door muuqda ka qaadan doona wacyigelinta bulshada. Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku booriyay wadajirka shacabka iyo ka-qaybgalka bulshada rayidka ah si looga gudbo marxaladda kala-guurka laguna xoojiyo dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tisan XDS ee Dalka Qatar

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qatar, si ay uga qeyb galaan munaasabadda qalin-jebinta 17 arday Soomaaliyeed ah, kuwaas oo soo dhameystay tababar ciidan oo kala duwan, kuwaa oo lagu tababaray dalka Qatar. Tababarkan ayaa loogu tala galay inay ku soo biiraan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, wasiirka Gaashaandhigga, ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda Qatar taageerada ay siisay dhallinyaradaan, isagoo sidoo kale hambalyo u diray 17-kii arday ee qalin-jebiyay, kuwaas oo muujiyeen dadaal iyo adkeysi muddadii ay ku jireen tababarka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyaradaan ay si toos ah ugu biiri doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan dadaallada dib u xoreynta iyo difaaca dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in tababarka ay heleen ay sare u qaadayo tayada ciidamada Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in ay ku dadaalaan adeegga iyo ilaalinta amniga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay dalka Masar

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay hoggaamiyeyaasha Liibiya iyo Malaysiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka qeybgalayey Madasha Sanadlaha ee Dhaqaalaha Adduunka ee Davos, ayaa kulan doceedyo la yeeshay Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibya Mudane Maxamed Al Menfi iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Malaysiya Mudane Anwar Ibrahim.

Kulamadan waxaa laga wada hadlay xoojinta xiriirka dalalka kala dhexeeya Soomaaliya, Liibiya, iyo Malaysiya, iyadoo la isla gartay fursadaha iskaashi ee labada dhinac iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka dowlad-dhaqameed iyo bulshada dhexdeeda. Madasha Davos waxay noqotay meel muhiim ah oo lagu xoojiyo xiriirka caalamiga ah, iyadoo ay mudnaanta la siiyey iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta.

Wasiirka Qoyska XFS oo kulan la qaadatay deeq bixiyayaasha Caalamka 

0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, iyo Safiirka Dowladda Canada u fadhiya Soomaaliya iyo Kenya, Amb Christopher Thornley, ayaa si wadajir ah u guddoomiyey kulan muhiim ah oo u dhaxeeya Wasaaradda Qoyska iyo Deeq Bixiyeyaasha Caalamka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta iyo taageerada Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, iyadoo Wasiirka Khadiija ay safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka uga mahadcelisay soo dhaweynta iyo ballan qaadkooda ku aaddan wada shaqeynta howlaha Wasaaradda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa magaalada Nairobi shir guddoomisay kulan heer farsamo ah oo la xiriira shaqooyinka horyaala Wasaaradda, iyadoo la isla gartay in wada shaqeynta hay’adaha caalamiga ah ay noqoto hab waafaqsan qorshayaasha muhiimka ah ee Wasaaradda.

Duqa Caasimadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi  

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa looga hadlay qodobo ay kamid sidii loo dardargalin lahaa taageerada mashaariicda lagu horumarinayo Caasimadda, Shaqa abuurka dhallinyarada, hirgalinta xarumaha farsamada gacanta iyo dib u cusbooneysiinta heshiis-yadii horey loo galay ee la xariiray iskaashiga iyo wax is dhaafsiga ee Muqdisho iyo Magaalooyinka Sacuudi Carabiya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya door keeda muuqda ee ku aadan garab istaaga Dowladda Soomaaliya iyo taageerada mashaariicda horumariineed ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeer ku tagay Xarunta Guddiga Doorashooyinka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer shaqo ku tagey xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay fududeynta wax walba oo ay u baahan yihiin, si dalka looga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan hannaanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda dalka.

“Doorashadu waa xaquuq asaasi ah oo muwaadinku leeyahay, sidaas darteed, waxaad u madax-bannaan tihiin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalkeenna ka qabsoonta”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la hadlayey xubnaha guddiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay guddiga gacan ku siineyso fududeynta dhinacyada amniga, wacyigelinta iyo wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin.