Home Blog Page 171

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo qaatay Kaarka codeynta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Hodan, si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha socda isla markaana uu uga qayb qaato isdiiwaangelinta.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay halka uu codkiisa ka dhiiban doono marka la gaaro doorashada. Wuxuuna xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Mudane Jibriil ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada degmada dadaalka ay ugu jiraan adeegga bulshada, isagoo shacabka degmadaas ugu baaqay inay si firfircoon uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixinta.

Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu lafa-guray diyaar garowga munaasabadda 26-ka Juun, oo si weyn looga xusi doono gudaha iyo dibadda dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xuska maalintaas uu noqon lahaa mid ammaan ah, habaysan, oo u qalma qiimaha taariikheed ee ay leedahay. Waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan guddiga qabanqaabada, saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga, iyo mas’uuliyiin kale.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga dooday arrimaha amniga, isku-dubbaridka hawlaha xuska, iyo wacyigelinta bulshada si ay si masuuliyad leh ugu dabaaldegaan maalinta xorriyadda.

Wasiir Bashiir ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dowladda ay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, si xuska 26-ka Juun uu u noqdo mid taariikhda baal dahab ah kaga qorma.

Munaasabadda 26-ka Juun waxay xasuus u tahay shacabka Soomaaliyeed maalintii ay gobollada Waqooyi xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingiriiska 1960-kii. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in xuska sanadkan uu noqdo mid la jaan qaada muhiimadda maalintaas taariikhiga ah.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin hore.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga go’an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda Midnimo Qaran, dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay danjiraha Shiinaha

0

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabiga Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho ku yimid Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay Guulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka gaareen halganka ay kula jiraan argagixisada, hawlgalka AUSSOM iyo taageerada ay u baahan yihiin ciidamada XDS.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daah-furay warbixin sanadeedka 2024 ee horumarka maaliyadeed

0

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay warbixin sanadeedka 2024, ee horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, ayaa sheegay in Soomaaliya gaartay horumar dhaqaale oo la taaban karo iyada oo guul laga gaaray dhanka maamulka maaliyadda, kobcinta dakhliga dowladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Mudane Saalax, ayaa tilmaamay in hirgalinta nidaam maaliyadeed oo hufan uu kaalin weyn ka qaadanayo xoojinta dakhliga hey’adaha dowladda. Waxa uunna xusay in loo baahan yahay in saldhig looga dhigo maamulka maaliyadda dalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Xukuumadda DanQaran hirgalisay.

 

 

NISA oo howlgal ku dishay 13 khawaarij ah

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ahaa firxadka malleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankan.

War Saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan la fuliyay laba jeer oo is-xigta uu bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen malleeshiyaadka khawaarijta si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.

Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan Kaarka aqoonsiga Qaranka ee helidda adeegyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka.

Wasaaraddu iyadoo ka duuleysa go’aankii ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 7-dii Abriil 2025, oo lagu meel mariyey “dhaqan-gelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku xirka adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha”, waxa ay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed arrimo muhiim ah.

Shirkaasi wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhammaan adeegyada guud ee Dowladda lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Wasaaradda, iyadoo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee tixraaciisu yahay XRW/415/04/2025, kana soo baxay 21-ka Abriil 2025, kaas oo loogu talagalay “taabbo-gelinta isku-xirka adeegyada iyo nidaamka hubinta Aqoonsiga Qaranka”, iyadoo sidoo kalena tixraacaysa:

Xeerka KMG ah ee Gaadiidka Dhulka, lambarkiisu yahay JS-XM/D016/07/2007, soobaxay 5-ta Luulyo 2007, Xeer Lambar 15 ee soo baxay 1-da Janaayo 1971, ayaa hadda lagu dabaqayaa dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaaraddu.

Wasaaraddu waxa ay bulshada ku wargelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.

Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baahanyahay dhinacyada hoos ku xusan:

– Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha;

– Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda;

– Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka;

– Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka.

Tallaabadan waxa ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Dowladda ay meel marisay bishii Maarso 2025, iyadoo lagu doonayo adeeg hufan, horumarinta dhaqaalaha, yareynta khiyaanooyinka la xiriira aqoonsiga, iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka.

Wasaaradda waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu adeego si hufan, degdeg ah, loogana qayb qaato koboca dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 Xalay 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐒𝐚𝐠𝐨𝐨𝐭𝐢𝐧 𝐚𝐡 𝐮 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐗𝐢𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐞𝐞𝐝𝐢𝐢 𝐃𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐭𝐚𝐲

0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiin kale oo Dowladda ah ayaa caawa kulan sagootin iyo maamuus ah u sameeyay 𝐌𝐫𝐬. 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧 oo aheyd Shantii sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya (Country Manager) oo muddo xileedkeedu ku egyahay dabayaaqada bishaan.

Kristina Svensson ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay Bishii July 2020-kii, iyada oo muddadaas shaqo wanaagsan la soo qabatay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya. Shaqooyinka muhiimka ah ee ay ka soo qeyb qaadatay waxaa ka mid ahaa hannaankii deyn-cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan is xog wareysi ah kadib, waxa uu guddoonsiiyay Billad sharaf iyo hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliyeed oo ay ku mutaysatay dadaalkeedii ay uga qeyb qaadatay geeddi socodka hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka.

Kulanka ka waxaa sidoo kale goob joog ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Adduunka dalalka Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

 

 

TARTANKA SOO DHAWEYNTA ARDAYDA SANNADKA 2024–2025 EE KA QALIN-JABIYAY DUGSIYADA SARE EE DALKA.

0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Waxaa sharaf weyn u ah inay soo dhaweeyaan ardayda Soomaaliyeed ee sannad-dugsiyeedka 2024–2025 ee ka qalin-jabiyay dugsiyada sare ee dalka, iyadoo loogu talagalay tartan kubadda cagta ah oo lagu maamuusayo qalin-jabintooda iyo dabaal-degga toddobaadka xorriyadda.

Tartankan oo ka dhici doona Tuulada Ciyaaraha ee Stadium Muqdisho inta u dhaxaysa 26-ka Juun ilaa 1-da Luulyo ayaa ah mid si gaar ah loogu maamuusay farxadda qalin-jabinta ardayda Soomaaliyeed iyo xuska toddobaadka xorriyadda ee sanadkaan.

Farxadda ardayda Soomaaliyeed waa farxadda Qarankeenna.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN 2060

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hiigsiga 2060 uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda, kuwaas oo fursad u heleya dhaxalka aynu maanta u abuurayno iyo in dalkeennu uu la tartamo dalalka horumaray.

“Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddo cusub oo lagu gaari karo horumar waara ayaa soo bandhigay tiirarka uu ka kooban yahay Hiigsiga Qaran 2060-ka.

“Aragtidan waxay ku saleysan tahay saddex tiir oo muhiim ah:

• Midnimo qaran iyo ilaalinta qiyamka Soomaaliyeed.

• Xalka Soomaaliyeed oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka gudaha.

• Mudnaanta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, in ay qayb ka noqdaan hirgelinta qorshahan qaran, isagoo adkeeyay in guusha qorshahan ay ku xirnaan doonto dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.