Guddiga qabanqaabada maalmaha xorriyadda oo wada diyaar garowgii ugu weynaa

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, ahna Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu lafa-guray diyaar garowga munaasabadda 26-ka Juun, oo si weyn looga xusi doono gudaha iyo dibadda dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xuska maalintaas uu noqon lahaa mid ammaan ah, habaysan, oo u qalma qiimaha taariikheed ee ay leedahay. Waxaa ka soo qeyb galay wasiirro ka tirsan guddiga qabanqaabada, saraakiil sare oo ka tirsan laamaha amniga, iyo masโ€™uuliyiin kale.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga dooday arrimaha amniga, isku-dubbaridka hawlaha xuska, iyo wacyigelinta bulshada si ay si masuuliyad leh ugu dabaaldegaan maalinta xorriyadda.

Wasiir Bashiir ayaa sheegay in dhammaan hayโ€™adaha dowladda ay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda, si xuska 26-ka Juun uu u noqdo mid taariikhda baal dahab ah kaga qorma.

Munaasabadda 26-ka Juun waxay xasuus u tahay shacabka Soomaaliyeed maalintii ay gobollada Waqooyi xorriyadda ka heleen gumeystihii Ingiriiska 1960-kii. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in xuska sanadkan uu noqdo mid la jaan qaada muhiimadda maalintaas taariikhiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...