Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo qaatay Kaarka codeynta

Date:

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmada Hodan, si uu ugu kuur galo habsami u socodka howlaha socda isla markaana uu uga qayb qaato isdiiwaangelinta.

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in degmada Hodan ay tahay halka uu codkiisa ka dhiiban doono marka la gaaro doorashada. Wuxuuna xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโ€™an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Mudane Jibriil ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada degmada dadaalka ay ugu jiraan adeegga bulshada, isagoo shacabka degmadaas ugu baaqay inay si firfircoon uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...