Wasaaradda gaadiidka oo adeegyada guud ee dowladda ku xireysa kaarka aqoonsiga Qaranka

Date:

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan Kaarka aqoonsiga Qaranka ee helidda adeegyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka.

Wasaaraddu iyadoo ka duuleysa goโ€™aankii ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 7-dii Abriil 2025, oo lagu meel mariyey โ€œdhaqan-gelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku xirka adeegyada muhiimka ah ee dadweynahaโ€, waxa ay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed arrimo muhiim ah.

Shirkaasi wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhammaan adeegyada guud ee Dowladda lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hayโ€™adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).

Wasaaradda, iyadoo fulinaysa amarka Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee tixraaciisu yahay XRW/415/04/2025, kana soo baxay 21-ka Abriil 2025, kaas oo loogu talagalay โ€œtaabbo-gelinta isku-xirka adeegyada iyo nidaamka hubinta Aqoonsiga Qarankaโ€, iyadoo sidoo kalena tixraacaysa:

Xeerka KMG ah ee Gaadiidka Dhulka, lambarkiisu yahay JS-XM/D016/07/2007, soobaxay 5-ta Luulyo 2007, Xeer Lambar 15 ee soo baxay 1-da Janaayo 1971, ayaa hadda lagu dabaqayaa dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaaraddu.

Wasaaraddu waxa ay bulshada ku wargelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hayโ€™adda NIRA.

Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baahanyahay dhinacyada hoos ku xusan:

โ€“ Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha;

โ€“ Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda;

โ€“ Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka;

โ€“ Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka.

Tallaabadan waxa ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Dowladda ay meel marisay bishii Maarso 2025, iyadoo lagu doonayo adeeg hufan, horumarinta dhaqaalaha, yareynta khiyaanooyinka la xiriira aqoonsiga, iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka.

Wasaaradda waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu adeego si hufan, degdeg ah, loogana qayb qaato koboca dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...