Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madax hore si loo dardargeliyo Wadatashiga Qaran

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho, ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay masuuliyiin isugu jira Madaxweyne hore, Raโ€™iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin hore.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta hannaan doorashooyin oo toos ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dadaalka wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa si buuxda uga goโ€™an sii wadista wadatashiyada qaran ee u gogol-xaaraya in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan mustaqbal xasilloon oo horseeda Midnimo Qaran, dimuqraadiyad, nabad waarta iyo horumar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...