NISA oo howlgal ku dishay 13 khawaarij ah

Date:

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ahaa firxadka malleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankan.

War Saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan la fuliyay laba jeer oo is-xigta uu bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen malleeshiyaadka khawaarijta si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.

Haโ€™yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka goโ€™an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...