Home Blog Page 172

Guddiga qabanqaabada Maalmaha Xoriyadda oo kormeeray Ciidamada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Xorriyadda

0

Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Wasiirrada ee Guddiga ka tirsan ayaa kormeeray Ciidamada ka qaybgalaya Dabbaal-dagga Maalmaha Xorriyadda.

Guddiga ayaa kormeeray xarunta dugsiga Jeneraal Kaahiye oo lagu diyaariyay qaybaha kala duwan ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo Ciidamada Asluubta ee ka qaybgalaya Bandhigga Maalmaha Xorriyadda.

Guddiga ayaa sidoo kale kormeeray Daljirka Daahsoon oo ka mid ah goobaha lagu qabanayo Munaasabadaha Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay daah-furayey Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsigan oo ka kooban 7 qorshe Qaran oo 5-sanadle ah, ayaa waxa uu diiradda saaraya sidii ay Soomaaliya ku noqon lahayd dal mideysan, xooggan, nabdoon, kana mid ah waddamada dakhliga dhexe meelaha sare kaga jira, marka la gaaro sanadka 2060.

 

 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in waaberigii saakay weerar xogtiisa la hayey ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanka Burjeed, taasi oo ay ciidammadu ugu diyaarsanaayeen iney cashir u dhigaan maleeshiyaadkaasi oo hada badankood goobta lagu laayey, waxaana saraakiishu ay sheegeen in hada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Faah faahin la soco goor dhow insha Allah

Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka oo goordhaw ka furmayo Muqdisho

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta magaalada Muqdisho ka daahfuro Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka.

Lataliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha JFS, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Xasan Aadan Hoosow, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haddii qorshahaan la hirgeliyo Soomaaliya ay noqon doonto dal barwaaqo ah.

“Haddii Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka la hirgeliyo, Soomaaliya waxay noqon doontaa dal barwaaqo ah,” ayuu yiri Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha.

Shirka socon doona muddo saddex cisho ah waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre,wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo marti-sharaf kale.

 

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada dalka Aljeeriya.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka kusoo dhaweeyay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Xiriirka Arrimaha Bulshada, Qoyska iyo Haweenka ee dalkaas Zahiir Shadhah iyo Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya danjire Yuusuf Axmed Xasan, waxaana Wasiirka iyo wafdigisa ay wadankaas uga qeyb geli doonaa Shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta oo ka furmi doono Dalka Aljeeriya.

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey ergooyinkii ka qeybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalkeennu uu dib ugu laabto doorasho dadban, awooddana loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran, ay dhiirrigelinayso talooyinka ku wajahan doorashada ee ay soo gudbiyeen haldoorka Soomaaliyeed ee isugu yimid gogosha, iyo kaalinta ay ka qaadanayaan hannaanka dimuqraadiyadeed, gaar ahaan habka loo marayo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku timaadda rabitaanka shacabka.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni, si looga gudbo nolosha dadban ee dhibaatada ku haysa amniga, doorashooyinka, dhaqaalaha iyo xaqiijinta guulaha waaweyn ee loo baahan yahay in Qaranka la gaarsiiyo.

“Waxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo la’aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamsa, ayaa u mahadceliyey ergada iyo haldoorka Soomaaliyeed ee ka soo qeybgalay gogoshii uu ku baaqay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, isla markaana la yimid go’aanno muhiim ah oo ku aaddan masiirka dalka, kaalin weynna ka qaatay dooddii iyo aragtiyihii lagu soo bandhigay gogosha.

RW Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran xoojinta wada-shaqeynta Dowladda iyo ururrada siyaasadeed, dar-dargelinta hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ah, iyo in la hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siineyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka, si muwaadiniintu ay u helaan fursad ay si siman ugu go’aan gaari karaan mustaqbalka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, ayaa bogaadiyay doorka ay ururrada siyaasadeed ay ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay si buuxda uga go’an tahay in ay la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumadda ay ka uga go’an tahay sii amba-qaadidda la-tashiyada qaran oo saldhig u ah dhismaha hannaanka siyaasadeed, iyadoo la dhageysanayo aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadda dalka.

 

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ay gaartay sannadihii la soo dhaafay, kuwaas oo ay kamid yihiin; dhammeystirka hannaanka deyn cafinta, ku biirista rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kobaca dakhliga gudaha iyo hagaajinta nidaamka maaliyadda.

Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Hey’adda UNICEF ee Soomaaliya Mads Oyen.

Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeega nafaqeynta caruurta, balaarinta goobaha keydka talaalka iyo in hey’adda UNICEF ay door ka qaadato horumarinta xarumaha caafimaadka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorka Hey’ada UNICEF ee Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, asigoona hoosta ka xariiqay in laga wada shaqeeyo gaarista yoolka caafimaadka loo dhanyahay.

 

 

Howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta oo ka socda degaanno katirsan gobolka Hiiraan

0

Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa maanta cadowga Khawaarijta ah ku baacsanaya dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Mabaax iyo Ceelhareeri, halkaas oo dagaal saakay soo bilowday lagu jebiyey Khawaarijta.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay toogteen dhagarqabayaal ay cadowgu qaraxyo ku soo xireen, howlgalka oo weli socda ayaa si buuxda loogu jebiyey Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha howlgalka ka socda Hiiraan kala soco Warbaahinta Qaranka.