Home Blog Page 1605

Guddoomiye Jawaari oo sagootiyay arday Jaamacadda SIU ay u dirtay dalka dibadiisa (Daawo Muuqaal)

0

In ka badan 45 arday  oo wax  ka barta  Kuliyadaha  Injineeriyada  iyo caafimaadka  ee Jaamacadda  SIU oo deeq wax barasho  ugu  amba baxay dalalka  Uganda  iyo Kenya ayaa guddoomiyaha  golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya  Prof Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ku sagootiyay  garoonka diyaaraha caalamiga ah Aadan Cadde ee magaalada  Muqdisho.

Ardaydan loo diray Jaamacadaha Nairobi iyo Makerere ee dalalka Kenya iyo Uganda ayaa qeyb ka ah heshiisyada caalamiga ah ee ay Jaamacaddu la gashay Jaamacadaha ku yaala dalalka bariga Afrika, waxaana sagootinta sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaan Prof Cabdiraxmaan Ibbi, Maamulka Jaamacadda iyo waalidiinta ardayda la sagootinayay, kuwaasi oo sanad waxbarasho ku soo qaadan doono Jaamacadaha kala ah Makerere University iyo University of Nairobi.

Guddoomiyaha Jaamacadda  SIU Shaafici Diiriye Cabdi  ayaa tilmaamay in ay tahay dufcado dhowr ah oo ay maamulka Jaamacadda ku guuleysteen inay dalka dibadiisa u dirto arday wax ka baratay Jaamacadda, waxaana uu intaa ku daray inay ka go’antahay sare u qaadista tayaynta tacliinta sare ee dalka, isagoo kula dardaarmay ardayda, inay si wanaagsan uga soo faa`iideystaan mudada sanadka ay waxbarashada ku maqan yihiin.

Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta saare  Ismaciil Yuusuf Cisman  ayaa ku booriyay ardayda  in ay ku dadaalaan  waxbarashada.

Xildhibaan Cabdirahman Aaden Ibraahim (Ibbi) ayaa ku amaanay dowrka wanaagsan ee Jaamacadda SIU ugu jirto tayeynta tacliinta sare ayna tahay tallaabo mudan in lagu dhiiri geliyo maamulka iyo ardayda Jaamacadda.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka  Soomaaliya  Prof Maxamed Sheekh Cisman Jawaari  ayaa  kula  dardaarmay Ardayda  in ay dhowraan sharafta dalkooda ayna ku dadaalaan waxbarashadooda, isagoo ku booriyay inay ka faa’iideystaan barnaamijka isweydaarsiga Ardayda ee SIU la lee dahay Jaamacadaha ugu waaweyn Qaaradda Afrika.

 

Wasaaradda Haweenka oo tababbar u furtay shaqaale ka tirsan Wasaaradaha dowladda

0

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta tababbar u furtay qaar ka mid ah shaqaalaah Wasaaradda iyo xubno kale oo ka kala socday Wasaaradaha dowladda.

Tababbarkan ayaa ujeedkiisu yahay awoodsiinta habka diyaarinta heshiiska caalamiga ah ee xuquuqda carruurta, iyadoo ay bixinayeen dad aqoon u leh howshaasi.

Agaasimaha Waaxda Xaquuqda Aadanaha ee Wasaaradda Haweenka Axmed Cabdi Burile ayaa sheegay in ay Wasaaradda dhimeystireyso heshiiskasi,  isagoo ka qeyb galayaasha kula dar daarmay inay ka faa’iideystaan

Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Sacdiyo Maxamed Nuur ayaa sheegtay in axdigan uu yahay mid caalami ah, isla markaana ay Wasaaradda ka go’antahay inay dhameystirto heshiiskiisa, maadaama uu xoogga saarayo dhowridda xaquuqda carruurta.

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Qoyska iyo Xaquuqda Carruurta ee Wasaaradda Faadumo Maxamed Cali ayaa tilmaamtay in warbixintan oo ah mid hore dhac ah ay gudbin doonaan, isla markaana saddex sano kaddib ay geyn doonaan warbixinta oo dhameystiran.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka Deeq Suleymaan Yuusuf ayaa sheegay in loo baahanyahay sidii wadajir loogu diyaarin lahaa sharciga xaquuqda carruurta.

“Sidii loo badbaadin lahaa, loona heli lahaa xaquuqda carruurta, waxaan rabnaa inan isla eegno saameynta ay nagu yeelan doonto heshiiskasi ay Soomaaliya saxiixday, waxaana kaloo isla eegeynaa dhaqan gelinta heshiiskaasi”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka Samra Ibraahim Maxamed oo furtay tababbarka ayaa sheegtay in ay xoogga saarayaan sidii loo heli lahaa nidaam sharci ah oo saldhig u ah xaquuqda carruurta.

“Tababbarkan waxa uu socon doonaa muddo labo cisho ah, waxaana uu yahay mid lagu awoodsiinayo shaqaalaha Wasaaradda Haweenka iyo kuwa wada shaqeynta ay kala dhexeyso ee ku aadan aruurinta xogta, Diyaarinta qabyo-qoraalka iyo gudbinta warbixinta waajibka u ah Soomaaliya ee heshiiska Xaquuqda carruurta” ayay tiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Senator Cabdi Qeybdiid oo loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee labada Aqal

0

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tartanka oo ay ku loola mayeen labada musharax ee xilkaasi u taagnaa, kuwaasi oo kala ah Cabdi Qeybdiid iyo C/raxmaan Faroole ayaa Cabdi Qeybdiid waxa uu heley codod dhan 6-halka Faroole uu isna helay 4 cod, waxaana sidaas Guddoomiye ku noqday Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Guddiga Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Dastuurka ayaa ka kooban 10 xubnood oo min shan xubnood uga socda labada Aqal, waxaaana doorashadii ay maanta ku qabteen Muqdisho ku guuleystay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo noqday Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Aqal ee Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka sare.

Golaha Shacabka oo ka dooday soo dhoofinta badeeco dalka laga heli karo

0

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo uu shir Gudoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa waxaa looga hadlay soo jeedinta Golaha ee joojinta soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo gudaha dalka ee laga keeno dalka dibadiisa iyo sidoo kale akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta, waxana ugu horeyn Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu golaha  hortooda ka akhriyay soo jeedinta ku saabsan soo dhoofinta badeecadaha laga heli karo dalka ee dibadda laga soo dhoofiyo.

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa aragtidooda iyo suurtagalnimada soo jeedinta ee xiligan ka dhiibtay soo jeedinta uu soo jeediyay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayri Maareeye.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in soo jeedinta uu soo jeediyay Xildhibaan Maareeye oo ay qaar ka mid Xildhibaanada aragtidooda ka dhiibteen uu la wareegay Guddiga uu quseeyo oo la kaashan doono Wasaaradda ku shaqada lehkuwaasi oo markale dib ugu soo celin doono Golaha

Intaasi kaddib ayaa waxaa loo gudbay Ajendaha labaad ee kulanka oo ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka, waxaana golaha ka hor akhriyay Xildhibaan Qaalid Macow oo ah Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay Hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu dalka u leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda ee Soomaaliya iyo ku-xigeenkiisa ayaa goob joog ka ahaa, waxaana si toos ah ay uga jawaabayeen qaar ka mid ah su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayeen, wuxuuna Wasiirka uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha shacabka in ay sharciga ansixiyaan.

Ajendaha ku saabsanaa ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madax-bannaan ee doorashooyika ayaa dib loo dhigay maalinta beri ah, kaddib markii Guddoomiyaha guddiga madax banaan ee doorashooyinka Xaliima Ismaaciil ‘’Xaliima Yareey’’ ay ka codsatay Xildhibaanada golaha shacabka in ajendaha dib loogu dhigo maalinta beri ah oo si weyn looga doodi doono.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim “Muudey”’ oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in ka doodista nuxurka warbixintii guddiga madax bannaan ee doorashooyika maalinta beri ah dib loo dhigay, wuxuuna sidoo kale sheegay aragtida Xildhibaanada ee sharciga Isgaarsiinta Qaranka uu yahay mid muhiim ah.

Guddoomiyaha Gobolka oo la hadlay dad dibad baxyo dhigayay

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa maanta la hadlay wadayaasha bajaajta ee magaalada Muqdisho oo dibad baxyo cabasho ah ka dhigayay magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhex galay dhallinyaradii dhigayay banaanbaxa ee km4 ayaa dhagaystay cabashadooda, waxana uu u sheegay in uu wax ka qaban doonaan arrimaha ay ka cabanayaan, balse dhallinyarada looga baahanyahay inay kala shaqeeyaan maamulka dhowrida ammaanka.

“Dhallinta bajaajta wadaay, ma dhaceyso in la idin dulmiyo, ee waxaa diyaar u nahay difaaciina, idinkuna kaalinta sugida Nabadgelyada qaata, oo iska diiwaangeliya Degmooyinka aad ka howlgashaan si berri marka wax idin gaaraan ay idiin caawiyaan”  ayuu yiri Guddoomiye Thabit.

Dhalinyaradii banaanbaxa dhigayay ayaa u sacaba tumay guddoomiye Thaabit waxana ay ballanqaadeen inay la shaqeyn doonaan maamulka gobolka Banaadir balse ay ka rajeynayaan in wax laga qabto cabashadooda, halka qaarkoodna ay bilaabeen inay sawiro ka qaataan oo mobayladooda ku sawirtaan guddoomiye Taabid.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa haatan caadi ku soo laabtay, iyadoo markii hore ay xooga hakad gashay isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Dhalinyaro careysan ayaa burburiyay mid kamid ah gaadiidka ciidamada AMISOM meel ku dhow isgoyska Lambar 4 waxaana halkaa ka cararay ciidamadii saarnaa gaadidka kadib markii ay lagu soo xoomay.

 

Guddoomiye Jawaari oo aaday safar dibadda ah

0

Afhayeenka golaha shacabka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta u amba-baxay dalka Koofur Afrika, isagoo ka qeybgali doona shirka guddoomiyeyaasha  baarlamanada Afrika ee Pan-Africa Parliament oo Soomaaliya xubin ka tahay.

Mudane Jawaari ayaa xusay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo arimaha dhalinyarada qaaradda Afrika, sidaa awgeedna Soomaaliya arintaas si weyn u daneynayso maadaama tirada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ay dhalinyaro yihiin isla markaana heerka shaqo la’aantana uu aad u sareeyo.

“Safarkeyga waxaa uu ku saabsan yahay in aan ka qeybgalo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanka Afrika oo sanadkii mar la qabto kaas oo socon doonta ilaa 11 bishan,” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Jawaari ayaa sheegay in shirka looga wada arinsan doono sida dhalinyarada dalalka Afrika loogu diyaarin lahaa in ay noqdaan hoggaamiyeyaal wanaagsan oo wadamadooda u horseeda maamul wanaag iyo ku dhaqanka sharciga.

Shir lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta Muqdisho ka furay shir afar maalin socon doona oo lagu diyaarinayo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyigelinta Dadweynaha, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS, madax katirsan DFS, madax ka socotay Wasaaradaha Dastuurka ee dawlad goboleedyada, iyo dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka jira dawlad goboleedyada ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Cabdi Xoosh oo mahadcelin u jeediyay dhamaan ka qaybgalayaasha.

“Maanta waxaa farxad weyn inoo ah Wasaarad ahaan in aan kulankan ka furno Muqdisho oo lagu diyaarin doono Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, waan karnay aniga iyo shaqaalaha Wasaaradda inaan diyaarino Istiraatiijiyadda, balse waxa aan ka doorbidnay in Dawlad Goboleedyada iyo Buslahada Rayidka talooyinkooda ku dhisanto Istiraatiijiyadda, waana idinkaga mahadcelinayaa ka soo qaybgalka wanaagsan” ayuu yiri AVV Xoosh.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa ka codsaday dhamaan ka qaybgalayaasha in ay fikradahooda soo bandhigaan oo ay soo saaraan Istiraatiijiyad wanaagsan oo lagu hawlgeli karo.

—–DHAMAAD—–

Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Golahiisa Wasiirada (Akhriso)

0

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay liiska xubnaha cusub ee golaha wasiirada puntland
waxaana soo laabtay inta badan golahii wasiirada ee hore :

Liiska wasiirada :

1. Saalax Xabiib Jaamac Wasiirka Cadaaladda, iyo Arimaha Diinta
2. Cabdulaahi Cali Xirsi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose
3. Axmed Cabdulaahi yusuf Dowlad – Wasiirka Amniga iyo DDR
4. Cabdulaahi Siciid Carshe Wasiirka Maaliyada
5. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriir Caalamiga ah
6. Cabdiftaax Siciid Caynab Wasiirka Dastuurka Iyo Arimaha Fedraalka
7. Abshir Ow Yusuf Ciise wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta
8. Dr. Cabdinaasir Cismaan Cowke Wasiirka Caafimadka
9. C/rixmaan Barkhad Warsame , Wasiirka Howlaha Guud, Gadiidka iyo guryenta
10. Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Amniga Badaha Puntland
11. Axmed Cilmi Cismaan Karaash wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada
12. Maryan Axmed Cali Wasiirka Hormarinta Haweenka
13. Cabdi Xirsi Cali Qarjab Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada
14. Cabdiwali Xirsi Cabdule Indha guran Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
15. Cabdulaahi Sh. Axmed Wasiirka Xanaanada Xoolaha
16. Cabdinuur Cilmi maxamud Bindhe Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
17 .Dr. Cali Cabdulaahi Warsame Wasiirka Deegaanka
18. Cabdirshiid Maxamed Xirsi wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyradka Badda
19. Cabdi khadar Faarax Shaaciye Wasiirka Dib U dhiska iyo Maalgashiga
20. Cabdiraxman Sh. Axmed Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Golaha shacabka oo ka doodaya moshin ku saabsan Badeecooyinka Dalka la keeno

0

Xubno ka tirsan golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa soo gudbiyay mooshin dhigaya in aan dalka loo soo waaridi karin cuntooyinka kamid ah dalagyada dalka.

Mooshinkan ayaa waxaa soo diyaariyay xubnaha golaha shacabka  oo tiradooda ka badan tahay 50 xildhibaan, sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka tirsan golaha shacabka.

Xildhibaanka ayaa intaa ku daray in u jeedka mooshinkan uu yahay in la dhiirigeliyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan beeraleyda maadaama dal kasta ay waajib tahay in uu ku tiirsanaado wax soo saarka beerahiisa.

“Dalkeena waa in la joojiyo u soo dhoofinta badeecooyinka dalka ka baxa, dabcan waa sida dowladaha adduunka u dhaqmaan dalkasta wixii gudahiisa ka soo baxa iyo wixii ganacsatada warshadaha ka soo saaraan lama ogola in la keeno haddii kale waxaa uu noqonayaa dal la quudiyo,” ayuu yiri Maareeye.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye, ayaa sidoo kale, sheegay in kala dambeyn la’aanta dalka mudada dheer ka jirtay ay sababtay in la keeno dalka dalagyada ka soo go’a beeraha taasina ay tahay curiyaamin dowladdana uu waajib ka saaran yahay ilaaliso danaha dadka Soomaaliyeed.

“Dowlad kasta oo adduunka ah waxaa ay dalkeeda ka waardiyeeysaa in dadkeeda laga dhigo dad curiyaan ah maskaxda ka curiyaan ah muruqa ka curiyaan ah oo aan waxba soo saaran karin warshado sameysan karin,” ayuu sheegay xildhibaan Maareeye.

Mudane Maxamed Cabdi  Xayir Maareeye, ayaa sidoo kale tilmaamay in waxa oo dhan aan hal mar la wada joojin karin loona baahan yahay in wasaaradaha arintan quseyso ay qorshe keeni doonaan.

Wasaaradda arrimaha dastuurka iyo madaxda ururada bulshada rayidka oo kulan yeeshay

0

Shir u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda, shirka ayaa ahaa mid loogu diyaar garoowayo shir afar maalin socon doona oo beri ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, qaar kamid ah Lataliyayaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulanka la yeeshay Madaxda Urarada Bulshada Rayidka oo soo booqaday Xarunta Wasaaradda, kuwaasoo ka kala yimid dawlad goboleedyada dalka.

Wasaaradda ayaa waxa ay qabanqaabisay kulan beri ka bilaabmi doona Muqdisho oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu diyaariyo Istiraatiijiyadda Waxbarashada Madaniga, Wacyi Gelinta Bulshada, iyo Latashiyada Dadweynaha ee dib-u-eegsita Dastuurka, Kulankaa oo ay door weyn ka qaadan doonaan Bulshada Rayidka ayaa madaxdooda iyo masuuliyiinta Wasaardda isku afgarteen in uu noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin la mahdiyo.

Ugu dambayn, waxaa ay labada dhinac isku fahmeen in Istiraatijiyooyinka ka soo bixi doona shirka beri furmi doona ay noqdaan kuwo ay ku hawlgalaan dhamaan Ururada Bulshada Rayidka ee ka qayb qaadan doona Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.