Home Blog Page 1605

Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka ah oo Baydhabo gaaray

0

Guddiga qaranka shaqalaha rayidka ee dowladda ayaa bilaabay xoojinta habka wada shaqaynta guddiyada shaqalaha ee maamul gobaleedyada sidii fursado shaqo loogu heli lahaa dhalinyada baaga muundada ama shaqo la’aanta  ku ah dalka iyo kuwa badaha ku baaba’aya.

Guddiga qaranka ee shaqalaha rayidka, ayaa ka bilaabey dhammaan maamul gobaledyada dalka in ay kormeer ku tagayaan iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta  gudiyada mamul goboleedyada iyo guddiga qaranka shaqalaha rayidka.

Guddiga ayaa safarkoodi ugu horeeyey waxay ay ku tageen Maamul gobeledka koofurgalbeed, ayagoo halkaas kula kulmey shaqalaha iyo Guddiga waxay sidoo kale kala saxiixdeen isafgarad qaabka la isku dhaafsan lahaa khibradda iyo horumarinta arrimaha shaqaalaha.

 

Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray xarunta Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee Ciidanka Booliska

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo ku-xogeenkiisa ayaa maanta howlo kormeer ah ku tegay xarunta hogaanka Ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka Booliska, kaasi oo u jeedka ahaa u kuurgelidda sida ay ciidamada u shaqeeyaan.

Mas’uulayiinta ayaa waxaa ku soo dhaweyay  Hogaanka  Ilaalinta canshuuraha  Taliyaha Hogaaankaasi iyo sarakiil kale oo ka tirsan Ciidanka iyagoo ugu warbaxiyay howlaha ay hayaan iyo halka ay mareyso.

Wasiirku Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali ayaa sheegay in  loo baahanahay in la xooojiyo  qaabka loo aruuniyo cansruuaha.

“Dowladda waxaa ka go’an sidii wadanka loo gaarsiin lahaa  horumar wanaagsan, taasina waxaa lagu gaari karaa in aan xil iska saarno canshuurahana si wnaagsan loo qaado, waa mida kaliya ee dalka lagu horumarin karo”Ayuu yari Wasiir Qaloocow

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomalaiya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xil la iska saaro aruurinta canshuuraha .

“Waa in la  xoojiyo  shaqada canshuur aruunita, taasi oo ah  mid muhiim ah, waana in ay wada shaqeyn fiican dhex marto adiga iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda u xilsaaran canshuur arruurinta  loo xilsaaray, Shacabka canshuur baxiyaasha ah in si wanaagsan loola dhaqmo loona isticmaalo lacagaha sida loogu talagalay”ayuu yari Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xaqiiray in hogaanka ilaalinta canshuuraha ciidanka booliska shaqadooda loo madax banaaneeyo.

“Waa in  loo dhaafo shaqadooda ciidanka ilaalinta canshuraha  Booliska shaqadoooda  waxyaabo kale  oo aan ka baxsaneen shaqadooda inaa loo dirsan, loogaga baahan yahay in ay shaqadooda xoojinayaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda

Dhinaca kale Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay bixinta mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda, waxaana uu yiri “Xukuumadda way  ka go’antahay in ay idin siiso  mushaaraadkiina,  waana joogto amniga qeyb muhiim ah ka yahay  xasilinta dalka, isla markaana qarashaaad loo helo,  si wadankeena xasilooni amni u helo sida aad ogtahiin dalkeena waa hodan, waxaana ku jira kheyraad fara badan waxaana  muhiiim ah inaan ka faa”iidesano”

Masuulayiinta Wasaaradda maaliyadda ayaa dadaalo xoogan ugu jira sidiii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadanka iyo sidii dadka Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa in ay bixiyaan canshuruaadka.

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka codsaday inay afuriyaan walaalahooda tabaaleysan

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa u diray shacabka Soomaaliyeed hambalyo ku aadan bilshada bisha Barakeysan ee Ramadaan, oo maanta ku beegan kowda bisha Ramadaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka ka codsday inay dhexdooda isu gurmadaan oo ay afuriyaan Walaalahooda tabaaleysan.

“Waa noo bilatay bishii Ramadaan, Ramadaan Kariim, waxaa leeyahay shacabka Soomaaliyeed Hambalyo, waxaa rajeynayaa qof walba Soomaali ah in uu afuriyo qofka walaalkiis, gaar ahaan kuwa danta yar”ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale oo ka qeyb qaadanaya ololaha Nadaafadda

0

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, sareeyaal ka tirsan ciidanka , jiilka cusub ciidanka booliska ayaa maanta si garbo siman waxa ay ka sameeyeen banaanka horre xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed howlo nadaafadeed .

Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiim tahay in laga shaqeeyo nadaafadda dalka , booliskuna ka qeyb qaadanayaan sidii loo nadiifin lahaa dalka, Maadaama ay nadaafadu qeyb ka tahay iimaanka .

Waxaa la arkayey Taliyaha iyo Sareeyaasha oo sameynaya ololaha nadaafadeed, taasi oo qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidi dib loo soo celin lahaa bilicdii ay lahayd caasimadda dalka.

Maamulka Degmada Heliwaa oo furay waddooyin muhiim ah

0

Iyadoo maalintii shalay madaxda sare ee Dalka ay ku howlanaayeen Nadaafadda magaalada ayaa olole midkaas la mid ah waxa uu ka socday Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir.

Ololahaasi ayaa waxaa hormuud ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mudane Cabdixakiin Cumar  Cabdulle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah maamulka Degmada ayaa maanta soo kormeeray olole Nadaafadeed oo ka socotay waddooyinka degmada, kuwaasi oo ujeedku ahaa in laga jaro geedaha waddooyinka qariyay.

Ololahaasi ayaa intii uu socday ayaa waxa ay maamulka degmada Heliwaa ku guuleysteen in ay furaan islamarkaana ay dayactiraan waddooyin muhiim ah oo ku yaala gudaha Degmada

“Waxaa maanta markale ku guuleysanay in aan furno islamarkaana aan dayactirno waddooyin kale oo ku yaalla gudaha Degmada Heliwaa, kuwaas oo ay horay u xireen Geedka loo yaqaan Geed Yuhuud, sidaas darteed kan Maamul ahaan waxaa naga go’an inaan xoojinayo ololaha ku aadan bilic soo celinta caasimadda dalka” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Heliwaa.

Faallo: Safarada Madaxweynaha ee dibadda (Yuusuf Garaad)

0

Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah.  Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo uu ku tegey dalal dhowr ah.

Waxaan tagnay Abu Dhabi, Ankara iyo Antalya oo ah dalka Turkiga, Addis Ababa, London, Riyadh, Djibouti iyo Dooxa.

Waxaa ka horreeyay safar uu Madaxweynuhu ku tegey Nairobi ka hor inta aan la ansixin Xukuumadda.

Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa faahfaahin ku saabsan ujeeddada safaraddaas, sababta keentay in uu Madaxweynuhu baxo intii ay Wasiirro bixi lahaayeen, waxa hadda ku soo beegay iyo kharashka ku baxay inta uu le’eg yahay.

Maxaa kallifay Safarradan?

Laga billaabo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii 8-da Febraayo, Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay kalsooni weyn u muujiyeen Hoggaanka dalka. Sidoo kale waxaa aad loo soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha iyo dhismaha Xukuumadda.  Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ka dhowrayaan waxqabad la taaban karo.  Kaas oo u baahan dadaal iyo xiriir wanaagsa oo lala yeesho dalalka u heelan Soomaaliya.

Haddana marka ay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu xilka ay la wareegeen laguma wareejin maaliyad ay ku shaqeeyaan.  Meelaha qaar waxaaba lagu wareejiyay deymo iyo qaansheegad.

Dhinaca kale, Taageerada dadweynaha waxay iyaduna dhiirri gelin u noqotay dowladaha aan saaaxiibka nahay oo waxay gelisay yididdiilo hor leh in ay Soomaaliya horumar ku tallaabsan karto maaddaama ay dhalatay Dowlad haysata shacbiyad xoog leh.

Markaas waxaa khasab noqotay in Hoggaanka Sare ee dalku uu booqdo dalalkaas si Madaxdooda loogu fasiro isbeddelka dalka ka dhacay, siyaasadda dowladda iyo fursadda ay Dowladdu u haysato in ay nabadgelyada sugto, shaqo u abuurto dhallinyarada, korna u qaaddo dhaqaalaha dalka.

Maxaa Madaxweynuhu u safrayaa miyaan Wasiirradu qaban karin howsha?

Booqashada Madaxweyne waxay leedahay maqaam iyo muhiimad ka sarreysa midda Wasiirrada.  Madaxweyne waxaa qaabbila oo uu wadahadal la yeeshaa hadba mas’uulka ugu sarreeya dalka uu booqanayo.

Marka ay booqashada Madaxweynuhu irdaha u furto iskaashi iyo wax wadaqabsi oo ay labada Hoggaamiye ay is fahmaan ayay Wasiirradu halkaas ka sii amba qaadaan meelmarinta iyo ka miro dhalinta mashaariicda la isla meeldhigay.

Mida kale, mar kasta oo uu safrayo Madaxweynuhu waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirro wadahadal faahfaahsan la yeesha dhiggooda hadba dalka la booqanayo.

Intaa ka dib wixii hirgelin iyo dib u eegid qodobada lagu heshiiyay ah waxaa meelmariya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo hadba Wasaaradda ay si gooni ah u khuseeyo heshiisku.

Maxaa noo qabsoomay?

Kenya

Waxaa la isku afgartay in la sahlo isu socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaa la isla gartay in la joojiyo dhaqankii ahaa in dullimaadyada ka yimaada Soomaaliya loo weeciyo Wajeer, taas oo hirgashay noqotayna mid si weyn u sahashay isu socodka.  Waxaa kale oo la isla gaaray in baasabboorrada diblomaasiyiinta, madaxda iyo shaqaalaha Dowladdu ay fiisada ka qaataan marka ay yimaadaan Nairobi.

Waxay Kenya ballanqaadday in ay deeqa waxbarasho iyo tababbarro ay u fidiso 200 oo Macallin, 200 oo Kalkaaliyayaal caafimaad ah iyo 100 shaqaalaha Dowladda ah.

Ethiopia

Dowladda Ethiopia waxaan u wadahadalnay si saraaxi ah oo saaxiibtinnimo dhow ah.  Waxaan Ethiopia isku afgarannay in aan iska kaashanno danaha labada dal annaga oo ku shaqeyneyna is-ixtiraam iyo is-qaddarim siman.

Waxaa lagu heshiiyay wadashaqeyn dhow oo xagga amniga, socdaalka, ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyo dhinacyo kale.

Waxaa la isku afgartay in guddi farsamo loo saaro biyaha webiga Shabeelle iyo in la dhiso gudiga xuduudaha labada dal ay wadaagaan si looga baaqsado dhibaatooyin xagga amniga ah oo ka dhaca degaannada la teedsan soohdinta iyo si loo unko rugo hor leh oo soohdinta ku yaalla oo dal-ku-gal laga qaadan karo si marka loo baahdo looga tallaabi karo soohdinta si sharci ah.

Ethiopia waxay ku deeqday deeq Waxbarasho oo 500 oo arday oo Soomaali ah ay u fidineyso waxbarasho Jaamacadeed oo isugu jirta heerarka kala duwan ee Jaamacadda oo ay ka mid tahay shahaaddada ugu sarreysa ee Jaamacad laga qaato.

Waxaa la isku af gartay in la dhiso Guddi heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga labada dal oo ay hoggaaminayaan Wasiirrada Arrimaha Dibaddu.

Labada dowladood waxay ka wada hadleen dardar gelinta heshiiska suuqa ganacsiga geeska Afrika.

Midowga Afrika

Madaxweynuhu intii uu joogay Addis Ababa wuxuu booqday xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu wadhadal kula yeeshay Guddoomiyaha oo ay AMISOM hoos tagto.

Madaxweynuhu arrimaha uu la soo qaaday Midowga Afrika waxaa ka mid ah in Xilalka sarsare ee Midowga Afrika loo tixgeliyo murashixiin Soomaaliyeed maaddaama qoondada ay Soomaaliya leedahay aan la buuxin.

Djibouti

Waxaa lagu heshiiyay in la iska kaashado arrimaha amniga badaha labada dal iyo sii wadidda tababarada kala duwan ee la siiyo booliska Soomaaliyeed gaar ahaan dembi baarista iyo nidaamka casriga ah ee booliska dunida u shaqeeyo.

Intii aan joognay Djibouti waxaan ka qeyb galnay xafladda furitaanka Dekedda Doraleh ee Jamhuriyadda Djibouti.  Waxaa xusuus mudan in dekedda oo ay wadajir u dhagaxdhigeen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon markii uu xilka hayay ay hadda wadajir u fureen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.

Muddadii ka yarayd 24-ka saacadood ee aan joognay Djibouti, walaalheen Djibouti waxay Madaxweyne Farmaajo ku martiqaadeen in hadal ka jeediyo Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti. Halkaas waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Qaranka Djibouti.  Khudbaddiisa ka dibna dhammaantood waa ay istaageen ayaga oo sabcinaya.

Labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa loo xilsaaray ka miro dhalinta is afgaradka la gaaray, daba-galka heshiisyadii hore iyo curinta heshiisyo hor leh oo ay iska kaashadaan labada Dal ee walaalaha ah.

Turkey

Labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir dhow iyo iskaashi xagga mashaariicda horumarinta ah.  Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in xiriir ganacsi uu dhex maro iyo in Soomaaliya loo oggolaado waxyaabaha dalka laga soo saaro in ay u dhoofiso dalka Turkiga.  Waxaa kale oo laga wada hadlay arrimaha waxbarshada gaar ahaan ardayda wax ku barata dalka Turkiga iyo aqoonsiga Jaamadaha Soomaaliya.  Dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaadday in ay samanayso goob ganacsi xor ah si ganacsatada Turkigu u maalgashadaan Soomaaliya.

Turkigu wuxuu ballanqaaday mashaariic ah xagga Beeraha, ka hortagga fatahaadda webiyada, dhismaha kannaallo cusub, waraabka beeraha iyo cilmi baaris abaaraha soo noqnoqda iyo sidii looga gaashaaman lahaa.

Qadar

Dowladda Qadar waxay ballanqaadday in ay kabto miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.  Waxay ku deeqday in ay gacan naga siiso barnaamijyo ay ka mid yihiin qaar caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Doha oo aan saaka ka soo ambaxnay intii aan joogay wuxuu Madaxweynuhu xalay kula hadlay, su’aalahoodana uga jawaabay, talooyinna uu ka dhegeystay dhowr boqol oo Soomaali ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee Qadar.

Sucuudiga

Wuxuu soo dhoweeyay mabda’ ahaan in uu gacan ka geysto mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan dhismaha kaabayaal dhaqaale iyo in uu maalgeliyo mashaariic shaqo u abuurta kumanyaal Soomaali ah.

Sidoo kale waxaan Sucuudiga isku afgarannay iskaashi xagga amniga, xag tababbar iyo qalabeyn ciidanka ah.

Mashaariicda ay Boqortooyada Sucuudigu ballanqaadday waxaa ka mid ah dauactirka Waddooyin, dhismaha Airport cusub iyo dib-dhiska dhismayaasha  dhowladda mashaariic kale oo ay ka wadahadli doonaan guddi labada dhinac ah.

Dhowaan waxaa socdaal ugu bixi doona dalka Sucuudiga wafdi ka kooban Wasiirro iyo xirfadlayaal si ay isula gorfeeyaan mashaariicda uu Sucuudigu maalgelinayo, goobaha ay noqonayaan iyo goorta ay billaabanayaan mashaariicdu.

Amniga xagga tababbarada iyo qalabeynta ciidanka.

Imaaraadka Carabta

Waxaa la isla gartay in ay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, mas’uulna ay ka tahay Dawladda Federaalka Soomaliya oo arrin kasta oo dalka ku saabsan lagala xaajoonayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay Dowladda Federaalku ay qirtay in ay dooneyso welibana ay dhiirri gelineyso horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka uu dalku ka kooban yahay.

Imaaradka Carabtu wuxuu ballanqaaday in uu gacan ka geysto miisaaniyadda Dowladda iyo in la iska kaashado tababbarka iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.

Muxuu le’eg yahay kharashka ku baxay Safarradan?

Marka laga reebo safaradii Nairobi iyo Addis Ababa oo ay Soomaaliya la baxday kharashka dayaaradda oo keli ah, intaas oo safar ee aan galnay iyo intaas oo howl u qabsoontay Qaranka Soomaaliyeed haddana ma jiraan wax kharash ah oo ka baxay khasnadda Dowladda Soomaaliya.

Safarradaas hal dollar ugama bixin Dowladda.

Safarrada aan xusay dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dayaarad, hotel, raashin iyo socodka gaadiidka dhulka intaba ay ku deeqeen dalalka aan booqannay.

Safarrada Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay ahaayeen kuwo horseed u noqday iskaashi, isqaddarin iyo wax wada qabsi si-siaman oo uu shacabka Soomaaliyeed u aayi doono.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar 

Rwanda oo ka furmay shir loogo hadlayo isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Afrika

0

Waxaa magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda ka furmay wajiga labaad ee Shirka dhamaystirka Hab-maamuuska Qabyo qoraalka isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Africa (free movement of person in Africa).

Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa kaalinta ugu muhiimsan iska lahaa Hay’addaha Socdaalka Afrika ( Immigrations of Africa ) madama arrimaha laga hadlayo ay yihiin shaqooyinka Hay’addaha Socdaalka.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay quburo Soomaali ah oo ka tirsan Hay’adda, kuna taqasuusay shirciyada iyo hababka socdaalada dunida.

Hadafka ugu dambeeya ee laga leeyahay qabyo qoraalkan isku socdka xorta ah ee dadyowga Afrika ayaa ah in dhamaan dalalka Afrika ay isku gudbi karaan, iyadoo aysan jirin wax fiiso ah ama dal-ku gal ah ee lagu soo galayo dalalka Afrika.

Dowladda Federaalka oo shaacisey in waqtiga shaqada ee Ramadaanka uu yahay 9am to 3pm

0

Wasiirka Wasaarada Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Bisha Barakeysan ee Ramadaanka in shaqaalaha Dowladda waqtigooda shaqo loo bedelay 9ka subixii ilaa iyo 3da galabnimo.

Dowlada Federaalka iyadoo tixgelineysa muhiimada bisha barakeysan ee Ramadaanka oo ah bil cibaado isla markaasna ahmiyad gaar ah la siinayo wadajirka qoyska ee xilliga afurka iyo suxuurta ayey Dowladdu u garatay in waqtiga shaqo wax laga bedelo mudada bisha Ramadaanka.

DHAMMAAD

Madaxweyne Farmaajo “Kobaca dhaqaalaha waxa uu ku xiran yahay Argagixisada oo laga adkaado”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Sharqul Awsad, ee kasoo baxa Magaalada London, waxa uu kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid tahay dagaallada ka dhanka Kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in iyada oo laga adkaado Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ay wadada u xaareyso kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in  Dalka lagu soo dabaalo xasilooni.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in uu dhaxlay Dal xaaladiisa ammni, tan siyaasadeed iyo dhaqaale ay adag tahay, Isaga oo intaasi ku daray in Dowladdu ay ka shaqeeneyso sidii Dalka  looga qaadi lahaa cunaqabateynta Hubka.

Waxa uu sheegay in hadda ay Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ay ka siman yihiin awoodda dhinaca Hubka, waxaana uu xusay in cunaqabateynta oo la qaado ay sahleyso dib u dhiska Ciidamada iyo qalabeyntooda.

Madaxweynaha ayaa amaanay doorka Dowladda Sacuudiga ay ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka wada hadleen ladagaalanka argagixisada, dib u dhiska Ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabida Miisaaniyada Dowladda.

Sidoo kale Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sheegay Wareysiga, in Sacuudiga uu door weyn ka qaatay gurmadka dedeg ah ee Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya

Madaxweyhaha ayaa sheegay in uu u arko, Soomaaliya in ay gaartay biseyl siyaasadeed, isaga oo tusaale usoo qaatay in si nabad ah ay xilka isugu wareejiyeen isaga iyo Madaxdii kaga horeysay xilka.

Xukuumadda oo wadda qorshe lagu mideynayo Mushaarka Ciidanka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dawladdu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa mushaaraadka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo hadda qeybo kamid ah ay bixintooda iska kaashadaan Dawladda iyo qaar kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu dhageystay cabashada Ciidanka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin in dawladdoodu ay siiso mushaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu ay tahay mid kamid ah mudnaanta koowaad ee Dawladda, si hadafkaas looga dhabeeyana ay Xukuumaddu sameyn doonto in hal mar ay wada gaaraan ciidanka mushaarkiisu.

“Ma ahan oo keliya in afka laga yiraahdo waxaan bixinaa mushaar ciidan ee waa in ficil dhameytiran loo badalaa oo isla xisaabtan la socdo“.

“markaan dhageysanay cabashada ciidanka waxaa noo soo baxday kuwa qaata mushaarka dawladda in waqtigii la rabay uu gaaro mushaarku, laakiinse kuwa meelaha kale laga siiyo aysan mushaar helin xili fog, si aan taas uga gudubno waxaan ka shaqeynaynaa mushaar mideysan oo gacanta dawladda ka yimaada. Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan, uma wadi kartid furumaha dagaalka oo waxa ay ku weydiinayaan maxaan u dhimaneynaa,” ayuu yiri R.W Kheyre.

R.Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ay furi doonto sanduuq dhaqaale loogu aruurin doono Ciidanka, isagoona ka dal baday Shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka, taas oo uu sheegay inay wax badan ka tareyso xagga bixinta mushaarka Ciidamadeena.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa ku guuleysatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay bixinta mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale ay dawladdu wado qorshe sal ballaaran oo looga gudbayo nidaamkii hore ee kala qeyb sanaanta mushaaraadka.

DHAMAAD