Muslimiinta Roohinga oo uga Mahadceliyay Dowladda Turkiga Taageerada ay u Muujisay

Date:

Muqdisho(SONNA) Muslimiinta Roohiinga ayaa u mahadceliyay Taageerada Dowladda Turkiga ay u muujinayso iyo Caawinada ay u dirto dadka dhibaateysan, iyada oo ay sii siyaaday dhibaatada lagu haayo dadka Muslimiinta ee ku Nool gobolka Arakaan ee Minimaar.

Waxay Sidoo kale dadka deegaankaas aad usoo dhaweeyeen Kaalmada bini’aadannimo oo dad Turki ah oo iyaggu is xilqaameen ay gaarsiiyeen Magaalada Siitwi ee Caasimadda Gobolka Raakhiin,  taas oo lagu tiriyo Magaalooyinka aadka ugu saamoobay xad gudubkii ugu danbeeyay ee ay u geysteen Buudiyiinta, iyaggoo aad uga Mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga Dhaleeceynta uu usoo jeediyay Masuuliyiinta Minimaar.

Lagga soo bilaabo 25-Aug Sanadkii tagay ciidamada Minimaar waxa ay ka geysanayaan xad gudubyo ka baxsan xuquuqda Aadanaha Gobolka Woqooyi ee Arakaan sida ay sheegeen warbaahino Caalamiya.

Dhanka kale waxa ay iclaamisay UNHCR maalinkii axada ahaa in ay siyaadeen qaxootiga Roohiinga ee ka soo cararaya Gobolka Arakaan kuna wajahan Bangaladheesh, iyadoo tiradooda ay ku sheegtay 73-kun laga soo bilaabo 25-Aug-2016.

Sidoo kale 28- Aug ee isla sanadii tagtay waxa ay Ururka Roohiingiyiinta Yurub “Urur Madax Banaan” sheegaan in tiro ku dhow 3-Kun ay ku naf waayeen weeradii Meletari ee ka dhacay Gobolka Arakhaan Saddex Maalmood gudahood.

Xigasho Wakaaladda Turkeyga ee Anadol

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...