Home Blog Page 1606

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

0

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Doxa ee dalka Qadar Amiirka dalkaasi Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Madaxweyne farmaajo iyo amiirka Qatar  ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iyadoo amiirka Qadar uu u ballan-qaaday madaxweyne Farmaajo in ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska dalkeenna Soomaaliya iyo horumarintiisaba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dowladda Qatar taageerada ay weligeed la garab taagneyd shacabka Sooomaaliyeed iyo mashaariicda ay ka wadaan dalka.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo dhinaca kale wasiirrada arrimaha dibeda ee labada dal ay kala saxiixden heshiisyo iskaashi.

Xukuumadda oo wadda qorshe lagu mideeynayo Mushaarka Ciidamada XDS.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Dawladdu ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa mushaaraadka Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo hadda qeybo kamid ah ay bixintooda iska kaashadaan Dawladda iyo qaar kamid ah wadamada taageera Soomaaliya, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu dhageystay cabashada Ciidanka iyo sida ay ugu qanacsan yihiin in dawladdoodu ay siiso mushaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xusay in bixinta mushaarka Ciidanka iyo shaqaalaha dawladdu ay tahay mid kamid ah mudnaanta koowaad ee Dawladda, si hadafkaas looga dhabeeyana ay Xukuumaddu sameyn doonto in hal mar ay wada gaaraan ciidanka mushaarkiisu.

“Ma ahan oo keliya in afka laga yiraahdo waxaan bixinaa mushaar ciidan ee waa in ficil dhameytiran loo badalaa oo isla xisaabtan la socdo“.

“markaan dhageysanay cabashada ciidanka waxaa noo soo baxday kuwa qaata mushaarka dawladda in waqtigii la rabay uu gaaro mushaarku, laakiinse kuwa meelaha kale laga siiyo aysan mushaar helin xili fog, si aan taas uga gudubno waxaan ka shaqeynaynaa mushaar mideysan oo gacanta dawladda ka yimaada. Inaad xukuntu ciidamo aan mushaar la siin waa dhibaato, waayo amaradaadu waxa ay ku dhacayaan dhago owdan, uma wadi kartid furumaha dagaalka oo waxa ay ku weydiinayaan maxaan u dhimaneynaa,” ayuu yiri R.W Kheyre.

R.Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dawladdu ay furi doonto sanduuq dhaqaale loogu aruurin doono Ciidanka, isagoona ka dal baday Shacabka Soomaaliyeed in kaalintooda ay ka qaataan dhaqaalaha ku baxaya ciidanka, taas oo uu sheegay inay wax badan ka tareyso xagga bixinta mushaarka Ciidamadeena.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa ku guuleysatay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay bixinta mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha, iyadoo dhinaca kale ay dawladdu wado qorshe sal ballaaran oo looga gudbayo nidaamkii hore ee kala qeyb sanaanta mushaaraadka.

Madaxwayne Farmaajo oo booqasho ugu tagay Sheekh C/rashiid Sh. Cali Suufi

0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” ayaa Booqasho Sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdurashiid Cali Suufi, Masaajidka uu iimaamka ka yahay ee ku yaala magaalada Doha ee dalka Qadar.

Sheekh Cabdirashiid ayaa Halkaasi si ballaadhan ugu soo dhoweeyay Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa  waxayna la Tukadeen Salaadda Makhrib, iyagoo iska xog waraystay xaaladda dalka uu Marayo iyo halka ay Xukuumadda Soomaaliya Hiigsanayso Sanadaha soo Socda.

Sheekh Cabdirashiid ayaa  Madasha ka soo jeediyey Farriin Qiimo badan iyo Dar-daaran, isagoo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay Qabsadaan Xariga Alle.

Booqashada Madaxwaynaha iyo Wafdigiisu ay ku Sharfeen Sheekh Cabdirashiid ayaa Muujinaysa Doorka wayn ee Culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Bulshada,

Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa wuxuu Caan ku hayay codka uu alle Hibada u siisay ee qiraa’ada Qur’aanka Kariimka, wuxuuna ka mid yahay Culimada ugu caansan dalalka Islaamka.

Akhriso shaxda tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka iyo sharuucdiisa

0

Akhristayaasha sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka wareegiisa koowaad iyo sharciyada looga baahanyahay in tartame kasta looga baahanyahay in uu raaco.

 Jadwalka isku aadka Tarta-cilmiyeedka Ramadaanka ee 2017

————————————————————————————————————-

Wareegga 1-aad

Taariikhda Magaca degmada Vs Magaca Degmada Natiijada
Ramadaan 1 W/Nabadda/G. Banaadir Vs Xudur / G. Bakool
Ramadaan 2 Baladweyne / G. Hiiraan Vs Jowhar / G. Sh. Dhexe
Ramadaan 3 Waaberi / G. Banaadir Vs Shangaani / G. Banaadir
Ramadaan 4 Boondheere /G.Banaadir Vs Gaalkacyo /Gobolka Mudug
Ramadaan 5 Dhahar / G. Sanaag Vs Dhusamareeb / Galguduud
Ramadaan 6 Kaxda / G. Banaadir Vs X/Weyne/ G. Banaadir
Ramadaan 7 Boosaaso / G. Bari Vs Kaaraan / G. Banaadir
Ramadaan 8 Dharkenley/ G. Banaadir Vs Kismaayo / G. J/Hoose
Ramadaan 9 X/Jajab / G. Banaadir Vs Wadajir / G. Banaadir
Ramadaan 10 Garbahaarey / G. Gedo Vs Hodan / G. Banaadir
Ramadaan 11 Garowe / G. Nugaal Vs Huruwaa / G. Banaadir
Ramadaan 12 Shibis / G. Banaadir Vs Dayniile / G. Banaadir
Ramadaan 13 H/Wadaag  G. Banaadir Vs C/casiis / G. Banaadir
Ramadaan 14 Yaqshiid / G. Banaadir Vs  Baydhaba / G. Bay

 

Kan sharuucda tartanka 

Jamhuuriyadda Federalka  SoomaaliyaWasaaradda Warfaafinta,

 

Xafiiska Agaasimaha Warbaahinta

XEERKA TARTAN CILMIYEEDKA WARBAAHINTA QARANKA SOOMAALIYEED

 

Radio Muqdisho iyo SNTV waxa ay siwadajir ah u billaabayaan Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay ka qeybgalayaan 28 degmo oo ka tirsan Gobollada dalka.

Barnaamijkan,  waxaa gabagabadiisa lagu bixin doonaa abaalmarin lacageed iyo koobab, waana sannadkii 6-aad oo aan Qabano tartankan, iyadoo sannadkii saddexaad oo xiriir ah uu maal-gelinayo maamulka gobolka Banaadir.

Tartan Cilmiyeedkan wuxuu si toos ah uga bixi doonaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefashinka Qaranka SNTV, halka akhristayaasheena ay ka daalacan karaan Webpage-ka radiomuqdisho.net iyo sntvnews.com

Qeybta hoose ka akhri Xeerka Tartanka.

XeerkaTartanka.

1-  Degmo kasta waa in ay ilaalisaa waqtiga tartanka.

  • Degmadu waa in ay xaqiijiso diyaar-garowgeeda tartanka maalin ka hor xilliga uu dhacayo.
  • Waa in ay tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan ugu dambeyn 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka uu billaabanayo oo ah 9:30 Habeennimo.

2-    Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudurdaar la’aan waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ama (Forfeit) dhibcaha ku weysay.

3-    Tartamayaasha waa in ay u tartamaan si asluubleh.

  • Kooxdii loo arko iney ku sifowday akhlaaq-darro, Guddiga tartanka ayaa go’aan ka qaadan doona.

4-    Degmadii akhlaaq wanaag muujisa waxay heli doontaa abaalmarin gaar ah.

5-    Tartamayaashii wax tabanaya waxay cabashadooda soo gudbinayaan inta tartanka lagu guda jiro, Ma jirto cabasho la dhageysan doono maalinta kale.

6-    Su’aalaha loogu talo galay tartanka habeen kasta waa 14 , tartame kastana waxaa la waydiinayaa 7 su’aal, waana la badin karaa haddii ay tartamayaashu kala adkaan waayaan.

7-    Tartame kasta waxaa su’aasha loogu celinayaa Saddex Jeer.

8-    Waqtiga su’aasha looga jawaabayo waa haldaqiiqo iyo bar ama (90 Second).

9-    Xilliga Jawaab bixinta, Tartamayaashawaxaa loo yeerayaa 3 jeer oo kaliya.

10-  Jawaab kasta oo dhammeystiran waxaa lagu helayaa labo dhibcood.

11-  Jawaab aan dhammeys-tirnayn laguma helayo wax dhibco ah.

12-  Haddii ay su’aashu soo dhaaftoTartamayaashii la waydiiyay waxaa si ka faa’iideysi ah loogu gudbinayaa kooxda kale.

13- Ka faa’iideysigu ma laha wax waqti ah iyo ku celin toona.

14- Haddii labada kooxoodba ka jawaabi waayaan su’aasha waxaa ka jawaabaya GuddigaTartanka.

15- Jawaabta la qaadanayo waa tan uu bixiyo afhayeenka tartamayaashu soo wakiishaan, khalad iyo sax wixii ay noqotaba.

16- Su’aalaha la waydiinayo tartamayaasha waxay noqon doonaan Kuwo isu dhigma.

17-Waxaa mamnuuc ah in qof uu labo degmo u tartamo.

18-Haddii mid ka mid ah degmooyinka tartamaya uu telefoonku kago’o ama ay si ulakac ah u gooyaan ,

guddiga garsoorka tartanku waxa ay xaq u leeyihiin:

  • In ay su’aasha baddelaan.
  • In ay isla su’aashii waydiiyaan.
  • Qasab ma ahan in su’aashadambe la mid ahaato su’aashii hore.

18-  Natiijadarasmiga ah ee tartan kasta waa midka uu kudhawaaqo Guddiga marka tartanka la soo gabagabeeyo habeen kasta.

19- Tartamayaasha waa iney ku sugnaadaan gudaha degmada ay matalayaan.

  • Tartamihii lagu helo inuu meel kale ka tartamayo guddiga wuxuu xaq u leeyahay inuu ka saaro madasha tartanka.

20- Guddiga Tartanka wuxuu ka digayaa wixii anshax xumo ah ee tartanka wax u dhimaya, sida khishka, laaluusha iwm, Tartamayaashii lagu helo waxyaabahaas ama wax u dhigma Guddiga wuxuu ka qaadanayaa go’aan adag.

Hadaba halkan ka degso

JADWALKA ISKU-AADKAN-TARTAN-CILMIYEEDKA RAMADAANKA-2017 SAX

SHARCIYADA-TARTAN-CILMIYEEDKA BISHA RAMADAAN EE RM & SNTV 2017

Wafdi uu hogaaminayo Agasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo gaaray Dalka Norway

0

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socsdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya Kornayl Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa gaaray dalka Norway halkasi oo ay kulamo kula la qateen madaxda dalkaasi u qaabilsan Socdaalka, sido kalena waxa ay booqdeen xarumaha laga maamulo socdaalka iyo kuwa laga bixiyo kaararka aqoonsiga iyo Baasaboorka.

Agaasimaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay ee Norway waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca socdaalka, isdhaafsiga waaya-aragnimada (Khibradaha) iyo  aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya.

Dhinaca kale Wifdiga ayaa booqdey Xarunta Kaarka aqoonsiga Qaranka Norway oo ah xarun hubisa saxnimada dukumentiyada, isla markaana dhowaan khubaro u soo diri doona dalka Soomaaliya, sidoo kale wifdiga ayaa booqdey xarumaha laga maamulo socdaalka Norway, iyaga soo arkay hababka iyo qalabka casriga ah ee loo adeegsado socdaalka iyo dukumentiyada.

Wifdiga ayaa sidoo kale la kulmey khubaro dhinaca hubinta dukumentiyada Socdaalada ah, iyadoo wafdigu uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Hay’adda Socsdaalka iyo Jinsiyadda ay maalmaha soo socda ku sugnan doona Dalka Norwey.

Booqashada Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee uu ku tegay dalka Norway ayaa qeyb ka ah dadaallada loogu jiro aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya iyo horumarinta howlaha hay’adda ay u heyso bulshada Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya oo daah-furey Ollaha bilicda dalka.

0

Nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno

Muqdisho, 25-May-17….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daah furay Ollolaha nadaafadda ee bilicda dalka oo maanta ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasoo lagu aruurinayo qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha xafiiskiisa kala qayb qaatey qashin aruurinta waxuuna ku soo wareegay dhaamaan xafiisyda iyo meelaha ay yalaaan qashinka,waxuu kaloo soo eegay afaafka hore ee madaxtooyada oo laga wadey Ollaha nadaafada. Waxuuna ku dhiiri galiyey shaqaalaha xifiiskiisa inay ilaaliyaan nadaafada dalka iyo bilicda wadanka si loo helo deegaan nadiif ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in ollolahan uu noqon doono mid qaran bil walba Khaamiista ugu dambeysa laga samaynayo dhamaan gobollada dalka, waxuuna raaciyey in loo baahan yahey bulshada Soomaaliyeed in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan sii ay iskood wax u qabsan lahaayeen.

“Caasimadda Muqdisho waa muraayada dalka, sidaas daraadeed mashruucan olalaha nadaafadda ee bilicda dalka, waxuu soo celinayaa bilicdii ay caasimadu laheyd. Horumarka uu dalku ku tallaabsanayo maalin walba waxey keentay in dadkeenu ku dhiiradaan sidii ay iskood dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, shirkadaha maxaliga ah ee ka shaqeeya nadaafadda waxaa fursad loo siiyey in kaalintooda ay qaataan. Nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno.”

Dhamaan xarumaha dowlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ollolah nadaafadeed, iyadoo ay Xukuumadda iyo Maamulka gobolka Banaadir hormuud u yihiin isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadd.

DHAMAAD

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar oo heshiisyo waa weyn Doha ku gaaray

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa ku heshiiyey in Soomaaliya laga teegeero sidii loo furi lahaa dib u heshiisiin Qaran iyo horu wadidda xiriirka labada dal.

Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxaa ku sugan wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  madaxweynaha ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Qatar iyo madaxda kale ee waddankaas, waxa ay wada gaareen heshiisyo dhowr ah

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Qatar ayaa shir jaraa’id ku qabtay Doha, iyagoo faah-faahiyey heshiisyada waxa ay ku aaddan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa sheegay in  labada dowladood ay ku heshiiyeen sidii loo taageeri lahaa aragtida ay waddo dowladda cusub ee madaxweynaha Farmaajo uu ku hoggaaminayo in dowladda Qatar ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta Qaran ee ay dhowaan bilaabi doonto dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu  gaarsiiyey dalka Qatar  Amiirka dalkaasi dhambaal mahadcelin ah oo la xiriira sida shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin  isla markaana ay mahad uga hayaan taageerada ay ka helaan walaalahood reer Qatar.

Hehisiiyo kale ayaa lagu gaaray magaalada Doha, kuwaas oo ay dhowaan si rasmi ah uga hadli doonaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa soo dhoweysay madaxweynaha  iyo wefdigiisa, sheegtayna in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga jawaabi doonaan, arrimo ay ka yihiin gargaarka bini’aadannimo, kaalmooyinka tooska ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed loo fidinayo iyo iskaashiga diblomaasiyaddeed ee labada dal.

 

 

 

 

Wasaaradda Isgaarsiinta oo soo bandhigtay sahan lagu sameeyay baraha internet-ka ee wasaaradaha

0
(Muqdisho – 25 Maajo 2017) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo bandhigtay sahan ay ku sameysay baraha internetka (websites) ee wasaaradaha federaalka ah, si loo eego kaalinta ay ka cayaari karaan in dadweynuhu helaan warbixinnada iyo adeegyada dawladda, si loo abuuro dhaqanka isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta.

Ujeeddada sahankan oo la sameeyay horraantii bishan ayaa ah sidii sawir guud looga heli lahaa xaaladda baraha internet-ka wasaaradaha dawladda, taasoo hordhac u ah qorshe ay Wasaaraddu ku dooneyso in lagu horumariyo barahaha hay’adaha dawladda, iyadoo laga caawinayo dhinacyada farsamada iyo diyaarinta xogaha.

Sahankan ayaa lagu eegayay 3 dhinac oo kala ah: 1) In wasaaraddu leedahay cinwaan (domain) leh astaanta qaranka (.gov.so); 2) In cinwaanka uu shaqeynayo oo ay saaran tahay naqshad; iyo 3) Inay ku idil yihiin afafka rasmiga ah ee dalka, sida Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriisiga.

Sahanka ayaa lagu ogaaday wasaaradaha dawladda (oo dhan 26) in 21 ka mid ah (77%) ay leeyihiin cinwaan (domain) wata astaanta qaranka, kuwaasoo ay ku jirto 1 wasaarad oo ku cusub Golaha Wasiirrada.

Dhinaca kale qiimeyn lagu sameeyay in cinwaannnada (domains) ay shaqeynayaan ayaa waxaa soo baxday in ku dhowaad 70% cinwaannadaas ay saaran tahay naqshad, halka 30% soo haray aysan waxba u saarneyn.

Sahanka ayaa sidoo kale lagu eegayay afafka ay warbixinnadooda ku soo bandhigaan baraha. Afka Ingiriiska ayaa ugu badan, iyadoo 60% baraha shaqeeya ay leeyihiin qeyb Ingiriis ah, halka 45% kaliya ay leeyihiin qeyb Soomaali ah. Bogagga ku qoran laba af (Soomaali iyo Ingiriis) waa 35%, taasoo muujineysa in qaarna ay leeyihiin mid Ingiriis ah, qaarna mid Soomaali ah oo kaliya. Ma jiro hal bar oo leh qeyb Carabi ah, iyadoo afka labaad ee rasmiga ah uu yahay afka Carabiga. Waxaa kaloo xusid mudan in xitaa baraha shaqeynaya ay aad ugu yar tahay macluumaadka ay bixinayaan, taasoo muujineysa in wasaaraduhu u baahan yihiin in laga caawiyo diyaarinta xogaha lagu soo bandhigayo baraha.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, oo ka hadlayay soo-bandhigista sahankan ayaa sheegay inay tahay wax aasaasi ah in hay’ad kasta oo dawladeed ay yeelato bar internet. “Waxaan dajinay qorshe aan ugu talogalnay in dhammaan hay’adaha dawladda ay mid walba lahaato bar internet shaqeynaysa oo ay u dhammeystiran tahay xog ku qoran 3 af.” ayuu yiri wasiirka.

“Hawshaas waxaan ku billaabeynaa wasaaraddeena – oo aan lahayn bar internet -, waxaana ku xijineynaa wasaaradaha kale, inagoo rajeyneyna in aan isbeddel muuqda ka sameyn doonno waqti dhow” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

 

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku fulisay ninkii dilay Taliyihii Nabadsugida Gobolka Sh/Dhexe

0

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ku fulisay Ex-Dable NISA Yuusuf Xuseen Maxamuud oo ahaa ninkii dilay Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed.

Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Sh/Dhexe ayaa la dilay 21-kii bishii June ee sanadkii hore, xilli lagu guda jiray bisha Ramadaan, waxaana dilka uu dhacay xilligii loo fadhiyay afurka.

“Taariikhdu markii ay ahayd 23/06/2016 ayay maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay Yuusuf Xuseen Maxamuud oo 24 jir ah xakun dil ah, balse 26/06/2016 waxa uu racfaan ka qaatay xakunka dilka ah ee Maxkamadda Darajada koowaad, waxaana taariikhdu markii ay ahayd 27/08/2016 ay Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ku xakuntay dil toogasho ah, kaddib markii ay ku cadaatay in uu si bareer ah oo ula kac ah u toogtay Marxuum Cabdiweli Ibraahim Maxamed” sida uu ku dhawaaqay Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi Xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Yuusuf Xuseen Maxamuud ayaa ka tirsanaa Ilaalada Taliyaha Nabadsugida ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdiweli Ibraahim.

Dilkan ayaa saaka ka dhacay fagaaraha Dugsiga tababarka ee ciidanka booliska ee Jeneraal Kaahiye, halkaasoo ay ka dhacaan xukunada dilka ay fuliso Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Wasiirka Gargaarka oo markale baaq u dirtay hay’adaha samafalka

0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka iyo mas’uuliyin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqday Degmooyinka Doolow iyo  Waajid ee gobollada Gedo iyo Bakool, iyagoo u  kuurgalayay xaaladda abaaraha ee ka jira deegaannadaasi.

Drs Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Gargaarka oo Warbaahinta Qaranka la hadashay ayaa sheegtay inay soo kormeereen degmooyinka Waajid iyo Doolow oo ay halkaasi ku soo xogwareysteen dadka ay abaartu sameysay.

“Marka inaan aragno dadkeena, sida Degmada Waajid oo go’doonsan oo aan soo aragnay xaaladda ay ku suganyihiin iyo jawaabta laga bixiyay in loo gurmado dadka degmaasi ku soo barakacay, anagoo aan soo wareysanay xaaladda ay ku nool yihiin dadka abaarta saameysay, waxaana u mahadceliyay sida ay hay’adaha samafalka uga jawaabeen u gurmashada dadka ay abaartu saameysay”

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa ka codsatay Hay’adaha samafalka inay sii joogteeyaan u gurmashada dadka ay abaartu saameysay.