Home Blog Page 1606

Wasiir Beyle oo uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta misaaniyadda

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle oo maanta ka qayb galay kulankii golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyey ansixinta Miisaaniyada qaybta ka hartay sanadka 2017-ka.

Ugu horayntii Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Maaliyadda u qaabilsan Baarlamaanka ayaa ka hadlay heerarka kala duwan ee ay soo martay miisaaniyadu mudadii labada usbuuc ahaa ee ay gacanta ku hayeen.

“Miisaaniyadda waxaa nalagu soo wareejiyey 15, July, 2017, waxaan ku samaynay dib u eegis balaaran, marxalado kala gadisan ayeey soo martay intaan wadnay dib u eegista, Waxaan la wadaagnay shacabka Soomaaliyeed si ay fikir uga dhiibtaan, waxyaalihii ay talo ahaan noo soo jeediyeen badankooda nooma suurta galin in lagu daro miisaaniyadan, waxaanse isla go’aaminay in miisaaniyadda sanadka 2018 aan ku darno talooyinkaas. Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in misaaniyada aad ansixisaan” ayuu yiri gudoomiyihu.

Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka mudane Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudeey ayaa ka codsaday xilhibaanada in ay u codeeyaan Miisaaniyada, waxaana cod bixinta oo gacan taag ahayd ogolaaday 167 xildhibaan halka ay ka aamuseen labo xildhibaan, mana jirin cid diiday.

Ugu danbayntii Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada ansixinta ay ansixiyeen miisaaniyada, wuxuuna ka balan qaaday in wasaaradu qaadanayso talooyinka gudiga baarlamaanka u qaabilsan maaliyadda ee ah in misaaniyada 2018-ka ay noqoto mid lagu sameeyey wada tashi balaaran.

“Wax wanaagsan ayaa ka soo baxay ansixintiina miisaaniyadda sanadaka 2017-ka waana idinka mahadcelinayaa, waxaan ka wasaarad ahaan balan qaadaynaa in la isga yimaado miisaaniyadda 2018-ka. Waxaan kale oo aan idiiin sheegi in meesha waxa aan ku hayno ay yihiin mid aad u yar, misaaniyadeenu waa 260 milyan oo doolar, 50% waxaan ka filaynaa dibada, dadaal badan ayaa naalooga baahan yahay inaan la imaano, sidaad ogtihiin dalkeenu waa isku tashan jiray waana inana hadana isku tashono” ayuu ku soo gaba-beeyey Wasiir Bayle.

 

RW Khayre oo booqday kaydka raashinka ee ciidanka dalka Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo uu weheliyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Axmed Maxamed Jimcaal (Cirfiid) ayaa galabta booqday xarunta kaydka raashinka ee ciidanka Soomaaliyeed, waxayna indho indheeyeen goobaha ay ku jiraan noocyada kala duwan ee cuntooyinka loogu tala galay ciidamadda qaranka ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dheeraaday shaqada ay hayaan ciidanka ayaa ka dhagaystay warbixin saraakiisha dowladda, kuwasoo ku sugnaa xarunta kaydka ciidanka, waxuuna waraystay habka loo qaybiyo raashinka loona gaarsiiyo xarumaha ay ku sugan yihiin dhamaan ciidamadda, sidoo kalena waxuu waydiiyay in cuntooyinkan ay yihiin kuwa ku filan qaybaha kala duwan ee ciidanka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ( XDS ) Axmed Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in raashinku uu yahay mid ku filan ciidamadda, balse waxuu madaxda qaranka u soo jeediyay in si hoose ula socdaan xaaladda ciiddanka maadaama ay marwalba halis u galiyaan naftooda inay difaacaan dalkooda, sidoo kalena waxuu tilmaamay in maalinta beri ah ciidanka loo qaybin doono raashinkooda, iyadoo xarun walba la gaynayo inta ay xaq u heshay.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad la siiyo ciidamadda, maadaama ay shaqada ugu muhiim san wadanka u hayaan, wuxuuna ku dardaarmay in laga fogaado hantida ciidanka Soomaaliyeed, isagoona hadalkiisa raaciyay in ay jiraan Guddi kormeer ah oo imaanaya xaruntan si loo ogaado in si caddaalad ku jirto loo qaybiyay raashinka.

“Waxaan bilownay la dagaalanka musuq maasuq qaran, qof walbana waxaan kula xisaab tamaynaa shaqada uu dowladda u hayo, tanina waxay ka mid tahay isla xisaabtanka ay wado dowladdu” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u mahed celiyay dhamaan ciidamadda dalka maadaama ay iskood u go’aan sadeen in ay difaacaan dhulkooda, iyagoo ku shaqeynaya xaaladd adag, lana dagaalamaan codowga shacabka Soomaaliyeed.

Ku dhawaad 400 dhalinyaro ah oo ka faa’idaystay tababar shaqo abuur ah oo Muqdisho loogu sameeyey

0

Ayadoo  sii kordhayaan dhalinyarada waxbaratay oo shaqo la’aanta haysata ayaa magalaad Muqdisho waxaa ka soconaya dadaalo ku aadan sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya in dhalinyaradu ay helaan fursado ay ku shaqeysataan ayagoo ku biiraya hay’adaha Dowliga ah’ kuwa gaarka ah iyo xarumaha ganacsi ee dalka,si looga fogaado in ay la kulmaan mustaqbal xumo iyo in ay ku dhiiradaan in noloshooda ay ku biimeeyaan badah.

Ku dhawaad 40o boqol oo dhalinyaro ah oo kamid ah ardayda jaamacadda SIU ee magalaad Muqdisho ayaa ka faa’idaystay tababar  muddo socday oo la xiriira xirfado shaqo, waxaana labarayay dhalinyaradaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho sidii qofkasta kuliyadii uu ku taqasusay uu ugu shaqeysan lahaa.

C/qani C/llahi Diiriye oo katirsan ururka shaqa doon oo ka shaqeeya sidii dhalinyarada shaqo loogu abaari lahaa oo tababarkan kaalin ku lahaa iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga ee gobolka Banaadir ayaa ka sheekeeyey muhiimadda ay leedahay in dhalintu ay helaan  xirfado ay ku shaqeystaan kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.

“Waa muhiim in  qofka uu heli tababar si uu fursado shaqo u abuurto, marka aad  waxbarasho ku jirto iyo marka aad shaqeynaysid  farqi ayaa u dhexeeya, Hadii aadan qibrad lahayn waa dhibaato,

“Hadii aanu nahay rugta ganacsiga  gobolka Banaadir waan soo dhaweynaynaa dhalinyarada waxbaratay, waxaan rajaynaynaa in aan dowrkeyna ka qaadano sidii dhalinta waxbaratay fursado ay u heli lahaayeen”, Sidaasina waxaa yiri C/qani C/llahi Diiriye Cali Xuseen Ibraahim

Guddoomiyah Jaamacadda SIU Shaafici Diiriye Cabdi ayaa ku amaanay ururka shaqo doon sida ay u garab taagan yihiin dhalinyarada waxbaratay taasi oo waxbadan ka bedeli karta mustaqbalka ay bulshada Soomaaliyeed ku soo kordhinayaan.

“Shaqa-ddoon wan u mahad celinaynaa , sida ay isu garab taageen aradyda waxbaratay,ujeedada waa in la soo saaro jiil Soomaaliyeed oo mustaqbal wanaagsan leh, si ay uga qeyb qaataan horumarka dalkooda”, ayu yiri

Bulshada Soomaaliyeed oo 70% dhalinyaro ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa haysatay shaqo la’aan oo saameysay nolosha bulshadas, Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirtaa sidii looga faa’idaysan lahaa awoodda dhalinyarada shaqo abuurna loogu sameynlahaa

Sanadguuradii 72- aad ee Bamkii ugu horeeyay ee lagu tuuray Hiroshima

0

Dalka Jabaan waxaa maanta laga xusayaa Sanadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay Markii uu Mareykanku ku weeraray magaalada Hiroshima hubka wax gumaada ee loo yaqaano Attomik Bom

Maanta oo kale sanadkii 1945 tii, saacaddu markay aheyd 8.15-AM ee Subaxnimo ee waqtiga Dalka Jaban ayaa Diyaarad Mareykanku leeyahay oo nooceedu ahaa B-29 bamka attomikada ku riday Magaalada Hiroshima ee Dalka Jabaan, iyadoo ay ku dhinteen Dad lagu qiyaasay 140-kun oo qof.

Sidoo kale Saddex Cisho kadib waxaa u Mareykanku Qubaldii 2-aad ku riday magaalada Nagazaki ee isla dalkaasi Jabaan, waxayna Taariikhdu ku beegned 9-kii Agosto 1945.

Sidaa darteed Dowladda Jabaan ayay dantu biday  inay isdhiibto  15-kii bishii Agoosto ee isla sanadkaasi, kadib markii ay waxyeello ba’an ka soo gaartay hubkaasi halista ah.

Iyadoo lagu muragoonayo waxyeelooyinkii ka dhshay Bambooyinkaasi uu Mareykanku ku riday Jabaan ayaa waxaa maata lagu qabtay halkii ay Bambkaasi ku dhacaday munaasabado loogu muragoonayo oo uu ka qeyb galay R/wasaaraha Jaban Shinso Abe iyo qaar ka mid ah dadkii waxyeelada ka soogaartay hubkaasi waxa gumaada ee laga mamnuucay in Dunida guudkeeda.

Dowladda oo la wareegtay Doomo loogu talo galay Ciidamada Badda Soomaaliya

0

Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga kala wareegtay doonyo loogu talo galay in ay isticmaalaan ciidamada Badda Soomaaliya si ay kooxaha Burcadda ah uga ilaaliyaan in ay dhibaatooyin ka geystaan.

Goobta lagula wareegayey doomahaasi waxaa ku sugnaa saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Sareeye Guuto Madey Nuurey Sheekh Ufurow iyo taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Sareeye Gaas Axmed Jimcaale Geedi Carfiid.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Sareeye Guuto Madey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa sheegay in doomahaan ay wax badan u sahli doonaan ciidamada badda Soomaaliya islamarkaana ay ku howl gali doonaan.

Taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Sareeye Gaas Axmed Jimcaale Geedi Carfiid ayaa isna halkaasi ka sheegay in ciidanka xoogga dalka mar walba ay u taagan yihiin difaaca dalka islamarkaana badda iyo barigaba ay kula dagaalamaan cid waliba oo dalka caqabad ku ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee Aqalka Wakiilada Soomaaliland

0

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hambalyo u diray Baashi Max’ed Xaashi oo maanta  ku guuleystay doorashada xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Aqalka Wakiilada Soomaaliland.

Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari” Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lahadlayay warbaahinta Qaranka ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha aqalka Wakiilada Soomaaliland oo maanta loo doortay Baashi Max’ed Xaashi.

Doorashada Guddoomiyaha wakiilada Soomaaliland ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan uu xilkaasi iska casilay C/raxmaan Max’ed C/llahi (Cirro) kaasi oo u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliland una matalaya xisbiga Wadani

Kuuriyada Waqooyi oo cuna qabatayn cusub lagu soo rogay

0

Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Newyorka ee xarunta QM Golaha ammaanka ee jimciyadda Qurunmaha ka dhexeysa ayaa  meel mariyay qaraar ogolaanaya xayiraado lagu soo rogo dalka Kuuriyada Waqooyi kadib markii uu sii kordhay walaaca dunidu ay ka qabtay horumarinta tijaabada Gantaalada ridada dheere.

Go’aankani ayaa Dowladda Kuuriyada Waqooyi wuxuu ka hor istaagaya waxdhoofinta,maalgashi lagu sameeyo dalkaasi, waxayna Goluhu ay ku ansixiyeen qaraarkaasi cod aqalabiyad leh ayadoo aanay jirin cid ka hor timid.

Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa Nikki Haley ayaa aaminsan in in xayiradani ay tahay tii ugu xooga badnayn oo abid lagu soo rogo wadan.

Xunbaha GOlaha ayaa siweyn u falan qeeyey tijaabooyinkii ugu dambeyeey oo Kuuriyada Waqooyi ay ku sameysay gataalo nuuca Qaaradaha isaga kala gooasha h islamarkaana ku dhawaaqday in ay haatan ay haysato awood ay isagao difaacdo Mareykanka.

Waxaa qarara kaasi Golaha hor keeney Wadamada Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Jabaan kuwaasi oo ka walaacsanaa qatarka kaga imaanaysa Xukuumadda Pyongyang.

Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya QM ayaa go’aanka goluhu uu qaatay ku tilmamay mid muujinaya in dunidu ay ka midaysantahay walaaca laga qabo Kuuriyada Waqooyi, isagoo dhanka kale soo dhaweeyey hadal qoraal ah oo Dowladda Mareykanku ay ku sheegeyso in hadafkeedu uusan ahayn in ay xukunka katuurto regimeka dalkaasi.

Dhinaca kale Danjiraha Ruushaka u fadhiya QM  ayaa shirka golaha ku cambaareeyay talaabada dowladda Mareykanak ee Kuuriyada Koonfureed ay ku geeysatay habka difaaca gantaalada isagoo soo jeediyay in la hakiyo howshaasi.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno kala duwan ku riday dad horey dilal u geystay

0

Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku riday dad lagu eedeeyey dilal ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

dadka ay xukuntay maxkamadda oo horey xukun ay ugu riday maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa qaatay racfaan, balse mar kale ayey maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ay xukun ku riday kadib markii la ogaaday iney ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Meydka wiil badda ay soo tuftay oo laga helay xeebaha Muqdisho

0

Taliye ku xigeenka Saldhiga degmada Kaaraan Xuseen Badmaceeye ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in ay heleen meydka wiil dhalinyaro ah oo sida uu sheegay ay soo tuftay badda.

Taliyaha ayaa sheegay in wiilka meydka ah da’ ahaan lagu qiyaasay 20-sano jir islamarkaana baddu ay kasoo tuftay nawaaxiga Kawaan Bari ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu intaasi ku daray in si fiican aan loo aqoonsan karin meydka.

Golaha Shacabka oo maanta ka doodaya miisaaniyadda Dowladda ee 2017

0

Ayadoo Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay horyaalaan ajandayaal dhowr ah oo muhiim u ah dalka ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka waxay maanta ka doodidoonaan arrimaha miisaaniyadda Dowladda.

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa uu horgeeyay baarlamaanka Soomaaliya miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2017 waxaana xildhibaanada loo qeybiyay nuqulada miisaaniyadda iyagoo marki dambe dib u celiyay miisaaniyadad.

Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasaaradda maaliyadda ayaa maalmahan ka wada shaqeynayay sidii loo turxaan bixin lahaa miisaaniyadaasi oo xildhibaanada qaarkood ay aragti ka keeneen.

Hase ahaatee waxaa lagu wadaa in maanta ay ka doodaan xildhibaanada Golaha Shacabka si miisaaniyadaasi loo ansixiyo.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhawaan shaaciyay in la fasaxay miisaaniyadda ciidamada Qalabka sida ilaa laga ansixinayo miisaaniyadda guud ee Qaranka 2017.