DEG DEG: Waberi oo usoo guddubtay kama dambeysta tartanka degmooyinka

Date:

Muqdisho (SONNA):- Ciyaar ka tirsan wareegga afar dhammaadka ee tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir ayaa waxa ay ka dhacday garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Kullanka ayaa waxa uu u dhaxeeyay degmooyinka Waberi iyo Heliwa oo ka soo gudbay wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka, labadda dhinac ayaa soo bandhiggay ciyaar xiiso leh.

Waqtigii loogu talagalay ciyaarta waxaa 2-0 ku badisay degmada Waberi, waa markii seddexaad oo xiriir ah oo ay soo gaarto kama dambeysta.

Labaddii mar ee hore waxaa ka qaaday koobka degmooyinka Xamarweyne iyo Boondheere, waxanna ay sugi doonta cidda soo badiso degmooyinka Kaaraan iyo Hodan oo berri ku dheelli doonno garoonka Banaadir saacadda geeska Afrika marka ay soo gaarto 3:30 (Galabnimo).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...