Home Blog Page 1604

Wasiirka Cadaaladda XFS iyoTaliyaha Ciidanka Asluubta kormeer shaqo ku tegay Taliska Asluubta km7

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxay kormeer ku tageen Xarunta Ciidanka Asluubta ee km7 halkaas oo uu ka socdo dhismo dib u dhis loogu sameynayo Xarunta Taliska ee Ciidanka Asluubta, iyadoo sidoo kalena uu ka socdo dhismaha Xabsi weyn kaas oo ka agdhow Xarunta.

Taliyaha Ciidanka asluubta Sareeyo Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa sheegay in Bisha soo socota  ay soo gabo gabeynayaan dhismaha Xarunta Ciidanka Asluubta taas oo dhawaanahaanba dayactir uu ka socday.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa isna dhankiisa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in inta badan xarumihii ay lahaayeen Ciidanka Asluubta ay yihiin kuwo dib u bilaabaya Shaqooyinkii ay xili hore qaban jireen.

Xarunta Taliska Asluubta ee Muqdisho waxaa hadda ka socdo dib u dayactir waxaana sidoo kale jira in dhawaanahanba ay wadeen Saraakiisha Asluubta sidii dib loogu howl galin lahaa Xarumihii waaweynaa ee Taliska Asluubta.

Faah faahin ka soo baxaysa dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

0

Dabkan xooganaa oo xalay saqdii dhexe ka kacay suuq weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Kabaha oo ku dhagan  ayaa geystay khasaare hantiyadeed.

Intii dabka uu socday waxaa ku gubtay goobo badan oo ganacsi ayadoo weli aan la xaqiijinin sababta dhabta ah ee dhalisay debkaasi,ganacsatadii goobohoodi debka uu ka kacay ayaa la soo gudboonaatay walwal iyo murugo ku aadan qasaaraha ka soo gaaray halkaasi.

Goor dambe saqdii dhex ayaa lagu guuleystay in debkaasi la damiyo kadib markii Gaadiidka Dab damiska iyo dadaweyne aad u farabadan kuwaasi oo iska kaashaday sidii debkaasi loo demin lahaa.

Majiraan qasaare nafeed oo laga soo sheegayo in uu dhaliyay debkaasi, marka laga soot ago qasaare maaliyadeed oo xoogan, sida ay sheegayaan ganacsatada suuqaasi.

Gubashada Suuq Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid aad u soo laalaabatay ayadoo,taasi oo ilaa iyo hadda dhalisay in dadku ay ku jahwareeraan sababaha keena debkan oo soo noqnoqda

Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo maanta hor tagaya kulanka Baarlamaanka

0

Guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa  ka war bixiyay waxyaabaha ay maanta la hor tagaayaan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya oo kulankoodi Caadiga ahaa maanta yeelanaaya.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim “Xaliimo Yarey” oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo hadashay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Sooaamliya ayaa sheegtay in ay Maanta Baarlamaanka Soomaaliya ay hor gayn doonaan waxyaabihii usoo qabsoomay Guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Xaliimo Ismaaciil ayaa yilmaantay in ay ku howlan yihiin Guddigu qabtaan shaqooyin dhowr ah sida furitaanka Xafiiska diwaan galinta Xisbiyada kuwaa soo qeyb wayn ka qaadan doona hanaanka siyaasadeed ee Dalka sida ay sheegtay Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Shirka Wadatashiga Duulista hawada oo ka furmay Muqdisho

0

Shirka Wadatashiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ee Wasaaradaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa daah furay, iyadoo shirka ay ka qeyb galeen Xubno ka socda Maamul Goboleedyada, Guddiga Golaha Shacabka u qaabilsan Duulista Hawada, Wakiilo ka kala socda shirkadaha FAVORI, Bankirafti iyo kuwa kale.

Wasiirka ayaa sheegay in u jeeddada shirka ay tahay sidii loo sameyn lahaa sharciyo mideysan oo uu dalku yeesho, sida mideynta leysamada dalka oo dhan.

Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa sheegay in soo celinta Maamulka Hawada Dalka ay gebogebo ku dhawdahay, isla markaana qalabkii lagu hagi lahaa la rakibayo.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhawaan la soo xiri doono xafiiska Nairobi ee Hawada Soomaaliya laga maamuli jiray laga soo bilaabo sanadkii 1991-kii markii ay bur burtay dowladdii dhexe ee dalka.

Shirkan ayaa socon doono muddo labo cisho ah, waxaana ka qeyb galaayasha la tusi doonaa maalinta beri ah xarunta loo diyaariyay in laga maamulo hawada Soomaaliya, waxaana meel gabo gebo ah maraya qalabeynta xaruntasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo gaaray South Africa

0
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa soo gaaray dalka South Africa halkaa oo uu kaga qeybgali doono shirka Gudoomiyaasha Barlamaanada Afrika oo sanadkiiba mar la qabto kaa o lagu qabanayo xarunta barlamaanka Africa.
Gudoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Johannesburg kusoo dhaweeyay madaxda Safaarada Soomaaliyeed ee ku leedahay dalka South Africa oo uu ugu horeeyo Danjire Jamaal Maxamed Barrow iyo madax ka socotay Barlamaanka Africa.
Soo dhaweynta kadib ayuu Gudoomiye Maxamed sheikh Cusmaan jawaari ayuu warbaahinta Qaranka kula hadlay qeybta so dhaweynta madaxda ee garoonka diyaaradaha magaalada Johannesburg waxaana uu ka warbixiyay socdaalkiiisa  uu ku yimid dalkaan South Africa.
” Waxaan South Africa u soo gaarnay inaan kaga qeybgalno Shirka Barlamanada Afrika oo ka furmayo Johannseburg,waxaana loogu hadlayaa arimo badan oo khuseeya Qaarada gaar ahaan arimaha dhalinyarada iyo horumarinta Qaarada waxaan sidoo kale rabnaa inaan la kulano Jaaliyadda Soomaalida ee Dalkan” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.
Waxaa gudoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari sheegay mudada uu joogo Dalkaan South Africa in uu kulan la qaadan doono qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ee ku nool dalka South Africa una kuur gali doonaan xaalada nolosha iyo ganacsiga isla markaana talo iyo fakar is waydaarsi uu la sameyn doono.

Malaayiin Shacabka Kenya ah oo bilaabay codbixinta doorashada madaxtinimo.

0

Dalka Kenay ayaa waxaa saacado ka hor ka bilowday cod bixinta doorashada  madaxtinimo ee ka dhacaysa dalkaasi ayadoo ilaa  labaatan milyan oo shacabka  Kenya ah ay isku diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan.

Sideed musharax ayaa ku tartamaysa doorahsada madaxtinimo ee dalka Kenya, madaxweyen Uhuru kenyata iyo hogaamiyuaha mucaaradka Raila Odinga ayaa lagu soo waramaya in ay ugu cad cadyihiin loolankasi doorashada.

Guddiga doorashooyinka dalkaasi Kenya ayaa sheegey in qaab cadalad ah ay u dhicidoonto doorahsadaasi ayadoo madaxweyne Kenyata uu shacabka ugu baaqey in ay ilaaliyaan sharafta dalkooda ayna ka qeyb qaatan habsani u socodka doorahsada.

Dadka ayaa safuuf dhaadheere ku jira yadoo goobaha qaar ay mar horey bilaabatay oin dadku ay codadkoodi dhiibtaan.

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codayn doonaan 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Si uu musharaxa ugu guulaysto jagada madaxwaynaha wareega kowaad, waxaa looga baahan yahay boqolkiiba 50 lagu daray 1(50+1)oo ka mid ah codadka la dhiibtay.

Doorashadii aanu soo dhaafnay Mr Kenyatta ayaa ku guulaystay doorashada isaga oo helay 50.51 boqolkiiba halka Mr Odinga uu helay 43.7 boqolkiiba.

Haddii la waayo musharrax hela boqolkiiba 50 iyo hal cod , wareeg labaad ayaa la galayaa ,waxana ay tahay in doorashada wareega labaad la qabto mudo 30 maalmood gudahood ah.

Gudiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan in muddo 7 maalmood gudahood ah ay ku dhawaaqaan natiijada madaxwaynanimada.

Duuliye Sare Asli Xasan Cabaade oo qurba jooga ugu baqaday in dalkooda ay maalgashadaan.

0

Asli Xasan Cabaadi waa haweeneydii ugu horeysay ee Soomaaliyeed oo duuliye diyaaradeed notoqa oo dhawaan dalka dib ugu soo laabatay ayaa bilowday sidii ay uga qeyb qaadn lahayd in bulshada Soomaaliyeed lagu wacyigelin ahmiyadda ay leedahay in laga qeyb qaato dib u soo celinta sharaftii dalka uu lahaa.

Waxay haatan ku sugantahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, mar ay ka hadlaysaykaalinta qurba joogta Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan dib u dhiska dalkooda ayaa waxay ku boorisay in dalkooda hooyo ay maalgashadaan si dib uu ugu soo kabto dalka.

“Waxaan ugu baaqaya dadka Soomaaliyeed ee kunool qurbaha in dalkooda ay dib u dhistaan, dalku maalgashi ku sameysta, si loo soo celiyo sumcadii uu lahaa,dowr ayay ka qaadan karaan qurba joogat horumarka dalkooda”, Ayay tiri Asli.

Asli ayaa waxay kulamo la qaadatay madaxweynaha Jubbaland iyo mas’uuliyuiin kale ayadoo inta badan ka sheekeysay qibradeeda muwaadin nimo, waxayna bulshadu ay u sheegtey in looga baahanyahay in qofkasta uu u istaago sidii dalkiisa uu dib u dhiskiisa uga qeyb qaadan lahaa.

Tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay dalkeedi hooyo Duuliye sare  Asli Xasan Cabaade waxaa ay ka qeyb qaadanaysay sidii loo caawin lahaa dadka danyerta ah gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwo aan awoodin in noloshooda ay deberaan, ayadoo deeqo lacageed gaarsiinaysay.

Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo dhaweysay dhismaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka

0

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka labad Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Avv. Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in guddiga labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dib u eegista dastuurka ay soo dhaweynayaan, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

“Waxan ku faraxsanahay Guddiga ay is doortaan oo ay shaqeeyaan, waxaan joognaa waqtigii shaqada rasmi ah bilaabi lahayn, bilooyinkii la soo dhaafay waxaan wadnay wadatashiyo aan la yeelanaynay Maamul goboleedyada, ururada bulshada rayidka, siyaasiyiinta, marka hadda wixii ka dambeeyay waxaan rabnaa in la gudo galo arrimaha Dastuurka, waxaana rajeyneynaa inaan wada shaqeyn la yeelano guddigan” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda.

Golaha Wasiirada cusub ee Puntland oo la dhaariyay

0

Waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu dhaariyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe 38 Wasiir, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeenno oo ka mid ah golihii Wasiirada Puntland ee uu magacaabay  Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Munaasibadda Dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey, Guddoomiyaha Maxkamadda ee Puntland iyo saaraakiil ka tirsan kale.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kaddib la dardaarmay dhammaan Wasiirada Cusub, waxaana uu kula dardaarmay in ay garawsadaan in xilalka loo igmaday yiihin kuwo u jeedkoodu yahay inay ugu adeegaan shacabka, isla markaana ay ka dhabeeyaan hiigsiga iyo himilada Puntland geediga ku tahay inay gaarto, isla mar’ahaantaana ay ugu adeegaan Diintooda, Dalkooda iyo Dadkoodaba.

Sidoo kale Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey Golaha Wasiirada Cusub ee la dhaariyey inay ka fogaadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ku dedaalaan sidii ay uga gun-gaari lahaayeen dardargelinta iyo dhamaystirka hawlaha shaqo ee horyaala, masuul kasta oo kamid ah Wasiiradaasi, waxaana uu xasuusiyey golaha in Puntland ku dhisan tahay u adeegidda shacabkeeda, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in fiira gaar ah loo yeesho rabitaan shacabka ee jecel horumarka iyo dawladdoodaba.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Puntland ayaa golaha xasuusiyey in  Puntland maanta uu ka socdo horumar xilaadle, kaasi oo salka ku haya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana uu hoosta ka xariiqay in uu  ku hirgalay horumarkaasi  halku dhigii ‘’Puntland Ha Isku Tashato’’ taasi oo u jeedkeedu ahaa in shacabka iyo Maamulka Puntlandba iska kaashadaan wax kasta oo horumarin ah, caqabad ah, cadaw ah, xasiloonida iyo sugitaanka Amniga deegaannada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Dadka Baahiyaha Gaarka ah Qaba (Daawo Muuqaal)

0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxaana kulanka looga hadlay sidii mudnaan gaar ah loo siin lahaa dadka qaba baahiyaha Gaarka ah, sidii looga faa’iidaysan lahaa habcurintooda iyo sidii Barnaamijyo gaar ah looga siin lahaa warbaahinta Dowladda.

Qaarka ka mid ah dadka Baahiyaha gaarka qaba oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay u baahanyihiin in shaqo Abuur loo sameeyo, iyagoo xusay dadka Baahiyaha Gaarka qaba inay ku jiraan dad Aqoon leh oo qaban kara shaqo kasta.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Eng. C/rixmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa xubnahaan ku ammaanay doorkooda ku aadan u ololaynta sidii loo hormarin lahaa loolana dabooli lahaa baahiyaha ay qabaan.

Mudane Eng. Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in Warbaahinta Qaranka ay Fursad gaar ah siinayso dadkaan maadaama uu sheegay inay la midyihiin dadka kale ee Soomaaliyeed ayna xaq u leeyihiin inay helaan Fursadahooda.