Home Blog Page 1604

Shirka Wasiirada Beeraha Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmaya Khartoum

0

Wasiirka wasaaradda Beeraha ee dowaladda fadaraalka ee Soomaaliya  Md: Saciid Xuseen Ciid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Suudaan, isagoo halkaasi kaga qayb galaya shirka Wasiirada Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

Wafdigaan ka socda Wasaaradda Beeraha ee Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ee Khartoum ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan iyo Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi, Maxamed Cabdullahi Ugaas.

Shirka wasiirada Beeraha ee Jaamacadda carabta  ayaa lagu wadaa in uu ka furmo maanta magaalada Khartoum, waxaana qorshuhu yahay in lagu doorta guddoomiyaha guddiga Beeraha ee Jaamacadda Carabta.

W/D Yuusuf kashmiir-(Kartoum)

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay

0

Kulankan ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa magacaabista Gudiyada Aqalka Sare iyo dhagaysiga warbixin Gudiga Doorashooyinka Qaranka kulanka ayaa ahaa kulankii 1aad kalfadhigiisa 27aad ee Aqalka Sare kulanka waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Ugu horayn waxaa la aqriyay magacyada mudanayaasha iyo gudiga lagu qoray qaar ka mid xubnaha aqalka sare ayaa ka hadlay gudiyada lagu qoray .

Intaa ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray oo warbixn xaga shaqadooda laga dhagaystay gudiga doorashooyinka qaranka Sayid Cali Maxamuud oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Doorashooyinka Qaranka waxa uu sheegay in shaqo ay soo qabteen howl badana ay sugayso.

Qaar la mid ah mudanayaasha ayaa su,aalo ay ka mid yihiin in ay suurta gal tahay qabsoomida doorashada 2020 iyo sida xisbiyada ay u diiwaan galinayaan waydiiyay  Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

xaliimo ismaaciil ibraahin xaliimo yarey gudoomiyaha gudiga doorashooyinka qaranka ayaa ku jawaabtay “Anaga wixii dib u dhac ah xaga doorashada ah shaqo kuma lihin oo marka xiliga shaqada ay isku raacaan ayaa diyaarinaa ,arinta xisbiyada waxaa jira qodabo dastuurka ah taas ayaana la raacayaa”.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la yeelatay haweenka

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir ku saabsan ololaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka la qaadatay haweenka Soomaaliyeed, kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, Xildhibaanada Qaranka, iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Ololahan oo ay Wasaaradda ugu magacdartay Sheeko Qarameed (National Conversation) ayaa waxaa maanta ay haweenka ugu doodeen sidii Dastuurka uu u noqon lahaa mid xoojiya xuquuqda haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv. Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo shirka furay kuna soo dhaweeyay dhamaan ka soo qaybgalayaasha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda haweenka ay u leeyihiin Qaranka gaar ahaan geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Avv Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaradda iyo haweenka Soomaaliyeed ay iska kaashan doonaan shaqooyinka muuhimka ah ee ay Wasaaradda u hayso dalka, sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in shirarka noocan ah ee loogu magacdaray “Sheeko Qarameed’’ la gaarsiin doono dhamaan maamul goboleedyada dalka.

Wasaardda Arrimaha Dastuurka ayaa dar-dargelisay qabashada kulamada wadatashiga si Dastuurku u noqdo mid dalka u horseeda horumar iyo nabad.

—–DHAMAAD—–

Madaxwaynaha Puntland oo daahfuray dhismaha Wada eyl-dan gorayo

0

Munaasabaaani daahfurka dhismaha wada Dangorayo eyl waxaa ka sooq ayb galay Madaxwayanah Puntland ,ku xigeenkiisa ,Gudomiyaha Baarlamaanak Puntland ,Golayasha kala duwan ee Dowlada Oday dhaqameedyo culima awdiin  masuu liyiin ka socotay shirkada dhisi doonta wadaani iyo boqolaal qof oo isugu jiray qaybaha kala dwuan ee Bulsahda .

Islaan ciise islaan Maxamed islaan Muuse oo ka mid ah odayasha dahqanka Puntland oo munaasabadda ka hadalay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan dhismaha wadaadni diyaarna u yihiin taagero dhinac kasta ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanak Puntland Axmed Cali xaashi oo isna meesha ka hadalay ayaa  ku booriyay bulshada reer Puntland in lag wada sahqeeyo Horumarka Dalka loona wada joosto harumarinta Wadanka.

Gabagabadii Madaxwaynaah Puntland oo xafladaani daahfurka ahayd hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay dadaal dheer u galeen sidii wadanku u heli lhaa kaabayaal dahqaale si loo gaaro horuar la taaban karo.

dhismaha wadadaan waxa uu muhiim u yahay kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo dalxiiska iyadoona dagmmada eyl ay tahay dagmo taariikhi ah lehna khayraad kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kormeer ku tegay qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda iyo Akadeemiyada Cilmiga

0

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  MudaneXasan Cali kheyre ayaa  ugu horayn  kormeer ku tagey   Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare xiligaasi oo ay ka socotay  shaqo maalmeedka Wasaaradda, waxanaa uu warbxino ka dhageystay   mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Cabdirahamaan Daahir Cismaan  Wasirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare aya Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in  Wasaaraddu ay diyaarinayso qabashadda imtixaanka midaysan ee sanadkan oo la qorsheeyey in ay galan 23 kun oo ardey ah, siyaasadda waxbarashada  qorshaha horumarinta  waxbarashada  ee shanta sane ee soo socota iyo hagaajinta Maamulka  Guud ee Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa  tilmaamay  in  horumarinta Waxbarashada dalka ay  tahay ahmiyadda ugu wayn e lagu gaari karo  in dalkeenu  uu gaaro halka uu hiigsanayo oo ah  horumar  .

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka  ayaa sidoo kale kormeeray   Wasaaradaha  Beeraha ganacsiga  iyo Xanaanada Xoolaha  oo degan hal xarun, waxa uuna dhamaan maamulada Wasaarada uu ka djhageystay hanaanka ay u shaqeyaan iyo qorshooyinka Wasaraadaha, isagoo  dhiiri  geliyey shaqaalaha Wasaaradaha uu ugu tegay iyagoo ku jira gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa  cadeeyey in dowladdu ay bixineyso  xaquuqda shaqaalaha  balse aysan aqbali doonin in  shaqalahu  si wanaasan u gudan wajibaadkoodu , waxa uuna  ku amray Wasaaradda beeraha in 12 shaqale ah oo an  imaan shaqada bilaa cududaar la’an shaqada laga ruqseeyo, booskooduna looga faa’iidaysan doono muwaadiniin kale oo diyaar u ah  inay si wanaagsan dowladda ugu adeego.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa  isla maanta kormeer ku tagey xarunta Cilmiga,  Fanka iyo Suuganta, isagoo xusay in xaruntaasi  ay door weyn ku leedahay  tayeynta Waxbarashada iyo horumarinta  Dhaqanka.

Ka miro dhalinta qorsha  howleed wanaagsan waxa saldhig u ah  korjoogteyn iyo isla xisaabtan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka oo aragtidaa ka duulaya ayaa Ra’iisul wasaaruhu waxa uu kormeer howleed ku tegaa xarumaha hay’adaha dowladda, si looga warqabo howlwadeenada xarumaha uu kormeerayo sida ay bulshada ugu adeegayaan.

Nasra Bashiir Cali

Waqooyiga Kuuriya oo mar kale tijaabisay Gantaal

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Kuuriyada Koofureed iyo Mareykanka, Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa mar kale tijaabisay Gantaal noociisa uu yahay  (Ballistica ) xilli mareykanka uu ku baaqay in canaqabateyn dheeri ah la saaro dalkaasi.

Kuuriyadda Koofureed ayaa sheegtay in tijaabada oo dhacday Saaka ay ku guuldareesatay Waqooyi Kuuriya halka Mareykankana uu sheegay in tani ay ka dhigan tahay in ay guuldareesatay hanjabaada Mareykanka oga imaaneysay Xukuumadda xukuumada Pyongynag

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku sheegay bogiisa Twitterka “Tijaabada Gantaalkaan, waxa ay ka dhigan tahay in Kuuriyada Waqooyi uusan ixtiraamin Shiinaha iyo Madaxdooda”

Ilaa hadda Waqooyi Kuuriya lagama hayo war rasmi ah oo ku saabsan tijaabadaan cusub.

Xiisadda gobolka ayaa sare usii kaceysay mudadii dambe, iyada oo labada Kuuriyaba ay soo bandhigayeen dhoolatus ciidan oo ay ku muujinayaan awoodooda Millateri.

Tijaabada Kuuriyada Waqooyi waxa ay kusoo began tahay waxyar un kadib markii  Wasiirka arrimaha Dibadda Mareykanka Rex Tellesrson uu ku baaqay in talaabo degdeg ah  laga qaado Waqooyi Kuuriya.

“waxaan ka digayaa dhibaatada ka dhalan karta, haddii aan si wadajir ah loo wajihin Waqooyiga Kuuriya ama laga gaabiyo” ayuu yiri Xoghayaha arrimaha dibadda oo ka hadlayay Golaha ammaanka.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa ku amaanay Shiinaha doorka ay ka qaadaneyso nabadda gobolka, hase ahaatee Trump, waxa uu carabka ku dhuftay in isaga oo kaliya uu  talaabo ka qaadayo Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka digay isaga oo la hadlayay Reuters toddobaadkii u dambeeyay   in uu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriya Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo

0

Waddadan oo dhagax dhigay gudoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ah wada laba km oo isku xirta Isgoysyada Kaaran iyo Xaawa Casir ee degmada Kaaran, taas oo si weyn u burbursaneyd isla markaana adkaa isticmaalkeeda.

Munaasabadii lagu dhagax dhigay waddadan ayaa waxaa goob joog ka ahaay xildhibaana ka tirsan golaha Shacabka, saraakiisha laamaha amniga magaalada Muqdisho qaar kamid ah dadweynaha degmadaas.

Guddoomiyaha degmada Kaaran, Cumar Meyre Macow, ayaa sheegay in dhismaha waddadan ay iska kaashadeen ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka gobolka Banaadir.

“Runtii in ra’iisul wasaarihii qaranka uu noo furey waddadii Bandar-Qaasim (Dr.Kadare) maantana guddoomiyaha gobolka uu noo dhagax dhigo waddadii Kaaraan, anaga reer Kaaraan haddii aan nahay aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay,” ayuu yire guddoomiye Macow.

Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax iyo Xildhibaan Dahabo Zuusow Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaliya ayaa goobta ka sheegay  in dhismaha waddooyinka  ay tahay mid ay bulshada ka wada dhaxeyso.

Guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa ugu baaqay bulshada reer Kaaran in ay kaalin ka qaatan nadaafada iyo bilicda magaalada.

“Mar nadaafadda waxa ugu muhiimsan waaye, Kaaraan waa amni waa meel dadka aad u degan yihiin maadaama amni tahay waddadiina loo dhisay Insha’alah Kaaraan waa u kaltan,” sidaa waxaa yiri Thaabit.

Intaa kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeer ku sameeyay goobaha ganacsi ee ku yaala degmada Kaaran, isagoo gacan qaaday bulshada Soomaliyed ee ku sugnyed hareeraha waddooyinka waxa uuna ka wareysanaaye xaaladooda iyo cabashooyinka ay qabaan, waxaana uu  booqday mid kamid ah maqaaxiyaha ku yaala degmada halkaasi uu kala cunteeyay shacabkii goob ku sugnaay.

Dhanka kale gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa booqday Isbitaalka Keysaney ee degmada Kaaran isagoo halkaasi kula kulmay bukaano qaba xanuuno kala duwan, waxa uuna gudoomiyaha uu mid mid u booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka .

Gudoomiyaha ayaa inta uu booqashada ku jiray waxa uu la kulmay qaar kamid ah bukaanada isbitaalka lagu daweynayo, isagoo ka wareystay xaaladooda caafimad iyo muda ay isbitaalka ku jiraan sidoo kale waxuu xaalada isbitaalka iyo baahida ka jirta ka wareystay maamulka iyo dhakhaatirta isbitaalka Keysaney.

Gudoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa maamulka iyo dhakhaatirta isbitaalka uga mahadceliyay  sida ay ugu shaqeeyaan umadda Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday in ka maamul ahaan ay gacan siin doonaan.

Wasiirka Warfaafinta, oo xaqiijiyey in Xeerka Saxaafadda Soomaaliya Dib u eegis lagu sameynayo

0

Muqdisho, 29 April 2017 – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta kala hadlay muhiimada xeerka saxaafadda iyo in Dowladdu ay diyaar u tahay in xeerka uu noqdo mid ay suxufiyiintu ku qanacsan yihiin oo dib u eegis lagu sameynayo.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan dhageystay cabashooyinka suxufiyiinta ee ku aadan qodobo xeerka saxaafada ka mid ah, una ballanqaaday in dib u eegis lagu sameynayo. Waxaan ka codsaday suxufiyiinta inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan tallooyinkooda si loo saxo qodobadaas. Madaxweynihii hore ayaa saxiixay dikreetadii xeerka bishii Janaayo 2016kii oo Xeerku ansax yahay, haddana waxaan tixgelineynaa codsiga suxufiyiinta, waana sababta aan dib u eegista ugu sameyneyno.”

Eng. Yarisow, oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladdu waxey bilaabeysaa wadatashiyo la xiriira xeerka saxaafada si xeerku u noqdo mid la dhaqangelin karo, oo ka tarjumaya marxaladda dalka uu marayo iyo sida loogu baahan yahay in xeerka saxaafadu uu u noqon lahaa mid heer caalami ah. Waan ognahay qodobada ay ka mid yihiin in suxufigu uu heysto shahaado jaamacadeed ee dhanka warbaahinta ah, tan oo aan ka tarjumeynin marxaladda dhabta ah ee dalka ka jirta. Sidaas daraadeed, waxaa naga go’an in tallooyinka qeybaha bulshada iyo suxufiyiinta ay muhiim u tahay dhaqangelinta xeerka, oo aan dooneyno in suxufiyiinta ay ku qanacsan yihiin.”

Wasiir Eng. Yarisow, ayaa ugu dambeyntii sheegay in dib u eegista lagala tashan doono hay’adaha, Wasaarada Xaquuqul Insaanka iyo Guddiga Baarlamaanka ee Xaquuqul Insaanka si loo hubiyo in xeerku uu ka tarjumayo shuruucda Xaquuqul Insaanka dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiirka, ayaa ka codsaday suxufiyiinta Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah, dhammaan qeybaha bulshada, hay’adaha caalamka ee taageera warbaahinta Soomaaliya iyo beesha caalamka inay tallooyinkooda sida ugu dhaqsiyaha badan noogu soo gudbiyaan si loo tixgeliyo oo loogu daro dib u eegista xeerka saxaafadda.

DHAMAAD

Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay rag kufsi iyo jirdil geystay

0

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ciidanka booliska Galmudug ay gacanta ku dhigeen ragg sida uu sheegay kufsi iyo jirdil ugu geystay magaalada Gaalkacyo gabar Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sheegay in tirada ragaan ay gaarayaan ilaa iyo  shan ruux isla markaana falkaasi ay u geysteen gabadha Soomaaliyeed xilli ay ku sugneyd magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ragga falka isugu jira kufsiga iyo jirdilka geystay ayuu sheegay in iminka lagu hayo saldhiga ciidanka booliska ee Gaalkacyo, islamarkaana goor dhow uu si faah faahsan warbaahinta ugu sharixi doono qaabka falka uu u dhacay.

Maamulka Hirshabeelle oo qorsheynaya in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada cayaaraha

0

Wasiiirka Dhallinyarada, Dhaqancelinta iyo Cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) ayaa sheegay in la dayactirayo garoomada kubadda cagta ku yaala magaalada Jowhar iyo garoomada kale ee ku yaala guud ahaan deegaanada Hirshabeelle.

Cabdiqani Cabdullahi Hilowle (Jeenyo) oo booqasho ku tegay garoomada kubadda cagta ee ku yaala magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa tilmaamay in ay xoogga saarayaan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa garoomada kubadda cagta ee labadaasi magaalo ku yaala.

Cabdiqani (Jeenyo) oo ka qeybgalay daawashada mid kamid ah ciyaaraha heerka koowaad ee ka dhacday garoonka kubadda cagta ee xaafadda Horseed, kaasi oo u dhexeysay kooxaha Sahan iyo Horseed ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha xirirka kubadda cagta ee Jowhar Guuleed Cabdi Guuleed iyo Xoghayaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Hilowle.

Wasiiirka Dhallinyarada ee Hirshabeelle ayaa Warbaahinta u sheegay  in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dayactiri doono garoomada kubadda cagta ah, isla markaana loo sameyn doono fadhi ay dadka u soo daawasho taga ku fariistaan.

Dhanka kale Wasiiirka Dhallinyarada, Dhaqancelinta iyo Cayaaraha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa kormeer ku tegay xarun lagu dhaqan celinayo dhallinyaro ka soo goostay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo ujeedkiisu ahayd u kuurgelidda xaalada nololeed ee dhallinyaradaasi.

Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa haatan ka socda tartan horyaalka heerka koowaad, taasoo ay ka qeybgalayaan 8 koox oo heerka koowaad ah.