Masar oo si kulul u cambaareysay weererkii Maleeshiyada Shabaab ay ku qaadeen Deegaanak Buulo-Guduud

Date:

Muqdisho(SONNA) Dowladda dalka Masar ayaa si kulul u cambaareysay talaabadii maleeshiyada Shabaab ay ku weerareen Xero ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Buulo-Guduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar ayaa la sheegey in Xukuumadda Qaahira, ay siweyn u dhaleeceynayso, weerarkaasi oo maleeshiyaadka Shabaab ku qaadeen ciidamada Dowladda eek u sugan Jubbada Hoose.

Bayaanka ay soo saartey Dowladda Masar ayaa lagu muujiyay in Masar ay ixtiraamayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Masar, islamarkaana ay garab istaagayso shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Arrimahani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/llaahi Farmaajo iyo wefdi uu  hogaaminayay ay booqasho rasmi ah ku tagay dalkaasi Masar, halkaasi oo ay heshiisyo kula soo galeen madaxda dalkaasi.

Xiriirka dhanka diblomaasiyadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar ayaa ah mid soo jireen ah,waxaa sii xoojinaya Soomaaliya oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo xaruntoodi ku taalo magaalaad Qaahira ee Caasimadda dalkaasi Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha dalka oo Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan kula qaatay dalka Japan Madaxda hay’adda (JICA )

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xubno ka tirsan BFS oo sheegay in lagu dhibaateeyay Nairobi

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa ay ka xun tahay...

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo Masaajid Cali Gadud kula hadleyn dadka degaanka ah

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan,...