Ku dhawaad 8 dhalinyaro Soomaali ah oo Mareykanka lagu dilay Bilihii u danbeeyey

Date:

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee kunool dalka Mareykanka,kadib markii kooxo loo yaqaano Gangs ama Qowleysato ay ka abuurmeen dalkaasi,kuwaasi oo isugu jira Soomaali,Ajaanib Mareykan ah iyo kuwo kale oo soo galooti ah.

Ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa siyaabo kaladuwan loogu dilay magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Mareykanka,dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey,waxaana la aaminsanyihiin in kooxahaasi Qowleysatada ah ay dilalkaasi burcadnimada laxiriira ay geysanayaan.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeedee  magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed uu soo wajahay culeysweyn oo ay ku keeneen dilalalkaasi oo sii xoogeysanayo.

“Waxaa horey dhib ugu qabi jirnay dhalinyaro ka hooseysay 20 jir kuwaasi oo aan waxbarasho haysan oo bulshadu dhibaataynayay, balse hadda kuwaan waa kuwo ka waa weyn,waxay waa Qowleysato isugu jirta dhalinyaro Soomaali ah,Kuwo Mareykanka u dhashey iyo kuwo kale,ilaa 8 qof ayaa bilihii ugu dambeeyey la dilay,Bishii June, 3 qof ayaa ladilay, July wiil ayaa ladilay August, 2 wiil marka waa dhibaato xoogan.

Soomaalida kunool gobolkaasi Ohio ayaa kulamo la yeeshey Booliska si looga hortago dhibaatooyinkaasi,balse waxaa adag in la helo xogo ku saabsan sida ay wax u dhacayaan, sababo la xiriira waalidiinta oo ka cabsi qaba in hadii ay farta ku fiiqaan kooxcahasi ay dhibaato la kulmi karaan.

Sababaha ugu weyn oo keentey in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan falalkaasi Qowleysatanimada ah ayaa kamid ah, Waalidiinta oo inta badan Caruurto la joogin,waalidka oo kala Maqan iyo deegaanada qaarkood oo aan wanaagsanayn, Soomaalida ayaa walaac xoogan ka qaba arrintaasi.

Xigasho: VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...