Home Blog Page 1584

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo dareeska ciidanka sita ayaa jooga xuska maalinta Xoogga dalka

0

Munaasad loogu dabaal-daggayo sannad-guurada 57aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ka socota xarunta wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb-galaan madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo  madax kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo  ay wehliyaan Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigg iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga oo dhammantood ku labisank Tuutaha Xoogga daka, ayaa ka qeyb-galaya munaaasadda 1-ka April ee aas-aaska ciidanka Xoogga ee 57-aad, qeybaha Xoogga dalka aaa soo bandhigay Gaaddo kacayaar aad u quruxsan oo ay xusk uga qeyb-galaan.

Sidoo kale munaasbadda waxaa jooga taliyeyaasha kale ee ciidammada Qalabka sida, diblomaasiyiin, wasiirro, xildhibaaanno ka tirsan labada aqal ee Barlamaaka Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo Magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Ayaa u Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Halkan hoose ka akhriso Wareegtada uu madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ku magacaabay wasiirudowlaha cusub

Wareegto Madaxweyne Ujeedo:-Magcaabis Wasiiru Dowle

Kaddib Markuu arkay qodobka 51-aad farqadda 5-aad ee Dastuurka KMG ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Waxaan u magacaabay Maanta oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Ee Dowladda Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha waxa uu u xilsaaranyahay Waajibaadka ku cad Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Sharcigani Wuxuu dhaqan galayaa Marka uu saxiixo Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo oo wadahadal la yeeshay Sheekh Maxamed Bin Zayed

0

Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JamhUuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta soo geba-gebeeyay booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa intii uu joogay Abu Dhabi wuxuu wadahadallo la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradda Abu Dhabi, ahna Ku Xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu ka mahadceliyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Isu-tagga Imaaradka Carabtu la garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed.

Soomaaliya iyo Isu tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya tahay muqaddas oo muhiim u ah amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

Wafdiga uu Madaxweynuhu hoggaaminayay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Yusuf-Garaad Cumar, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdulqaadir Macallin Nuur iyo mas’uuliyiin kale.

R/wasaaraha oo maanta booqday qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo sidoo kale ay daggan yihiin Wasaaradaha Caafimaadka iyo Qorshaynta. Wuxuna u kuur galayay qaab howlleedka shaqo ee Wasaaradahaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyrre ayaa mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee wasaaradaha oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo maamulka , is xog waraysi kaddib waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha wasaradaha inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Ugu danbayn, Mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnaadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan mas’uuliyad gaara.

 

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho oo xilka la wareegay

0

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay, iyadoo munaasabadii uu xilka kula wareegayay ay goob ka ahaayeen Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Maamulka, Agaasimihii hore ee Idaacadda iyo qaar ka mid ah Madax qeybeedyada Radio Muqdisho.

Agaasimihii hore ee Idaacadda Mudane Axmed Faarax Gaatamow ayaa Agaasimaha cusub u sharxay howlaha idaacadda, waxaana uu ku wareejiyay dukuminiyo ka turjumaya dhamaan aqabyadii Idaacada.

Agaasimaha cusub ee Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay, waxaana uu intaa ku daray in uu dar dargelin doono waajibaadka loo idmaday.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-cadaalla ayaa kula dar daarmay Agaasimaha Radio Muqdisho in uu ka soo dhalaallo howlaha loo wakiishay.

 

Xildhibaanada Aqalka sare oo meel mariyay xeer hoosaadka ay ku shaqeyn lahaayeen

0

Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shirkooda maanta waxaa soo xaadiray 35 mudane,  ajanduhu wuxuu ahaa akhrinta, ka doodista iyo ansixinta xeer hoosaadka Aqalka Sare, iyadoo kulanka uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa u mahadceliyay guddiga soo diyaariyay xeer hoosaadka, waxa uu sheegay in howl wanaagsan ay soo qabteen xiligii ay gacanta ku hayeen xeer hoosaadka.

“Anigoo ku hadlaya afka  guddoonka iyo codka mudanayaasha Aqalka Sare waxaan u mahadcelinayaa  guddigii soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare, wax wanaagsan ayay soo qabteen guddiga waqti badan ayay galiyeen ka shaqaynta xeer hoosaadka aan ku shaqaynayno” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Cabdi risaaq Cismaan Jurile oo ka tirsan guddiga soo diyaariyay xeer hoosaadka Aqalka Sare ayaa ka mahadceliyay sida loo meel mariyay xeer hoosaadka aqalka sare.

“Xubno ka mid ah Aqalka Sare ayaa gacan naga siiyay sida howsha naloo xil saaray aan u gudan lahayn, waa Alle mahaddii mar hadduu Alle noo dhameeyay xeerkii aan ku shaqayn lahayn” ayuu yiri Cabdirisaaq Jurile.

Xeer Hoosaadka ayaa akhrintiisa iyo doodiisa waxa ay soo bilaabatay 25-kii Feberaayo, waxa uuna ka kooban yahay 10 cutub iyo 98 qodob.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo la kumay Dhaxalsugaha Abu-Dhabi

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Kulanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal.

Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga  labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaalka dowladdiisa ay ugu jirto la dagaallanka argagaxisada iyo si loo sugo amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay in Soomaalida ay uga mahadcelinayaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradeeda joogtada waxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mudnaan iyo tixgelin siinayaan aragtida wanaagsan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu carabka ku adkeeyay  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga qiray kaalinta wax ku oolka ah iyo midda sokeeyenimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku guulaysto hiigsiga iyo yididiilada ay doonayaan inay gaaraan

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu tilmaamay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ballan-qaadeyso sii socoshada xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, waxa kale oo yiri “Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay is garabtaagi doontaa, taageeri doontaa dadaalka Madaxweyne Farmaajo ee hiigsanaya amniga, deganaanshaha iyo horumarka

Waxaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Macallin Nuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Cali Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha iyo tiro kale oo mas’uuliyiin ah.

Dhanka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa ka qayb galay Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarak  Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose oo Wanla weyn kula kulmay odoyaal iyo saraakiil ciidan

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degmada Wanla weyn ee gobolka, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada kale ee halkaasi ku nool.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigenka Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka kan maamulka degmada iyo qaar ka mid ah saraakiisha amniga, waxaana kulanka looga hadlay sidii bulshada degmada ay uga qeyb qaadan lahaayeen xoojinta amniga iyo xalinta iska hor imaad dhexmaray ciidanka dowladda ee ku sugan Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay ku guuleysteen xalinta ciidamadii dhawaan iska hor imaadka ku dhexmaray degmada, waxaana uu intaa ku daray in qeybihii kulanka ka qeyb galay ay isku afgarteen in markale aysan soo laaban falalka nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa xusay in sidoo kale ay xaliyeen cabashooyin ay qabeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada oo uu sheegay in xilliyada Roobka ay la kulmaan caqabado badan.

Maxamed Cali Cumar Jubba

Maamulka Hobyo oo soo furtay doon afduub loo heystay

0

Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdullaah Axmed Cali, oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya guurtida deegaanka ay soo furteen doon ganacsi oo ay xeebaha Galmudug ku heysteen kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Guddoomiyaha ayaa SONNA u sheegay in iyadoo la adeegsanayo awood ciidan la soo badbaadiyay labo kamid ah shaqaalaha doonta Al Kowsar oo dhalashadoodu tahay Indian iyo doontii afuubka loo heystay.

“Ciidamo si gaar ah u tababaran oo kaashanay odayaasha deegaanka ayaa soo furtay doon u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed iyo laba kamid ah shaqaalihii la socday doontaasi oo dhawaan laga soo afduubtay xeebaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yeman, hadda shaqaalahaasi wey caafimaad qabaan doontiina gacanteena ayay ku jirtaa” ayuu yiri Mudane Cabdullaahi Axmed Cali.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay hadda hu howlan yihiin sidii u soo badbaadin lahaayeen sideed kamid ah shaqaalihii la socday doonta, kuwaas oo burcadbadeeddu hore uga dajiyeen doonta isla markaana lagu hayo dhulka xeebta ah deegaanada Galmudug.

Ugu dambeyntii maamulka degmada Hobyo waxa ay sheegeen in aan la aqbali karin in falal burcad badeednimo la xiriira laga abaabulo deegaankooda, isagoo ugu baaqay burcadbadeedda in ay xorriyaddooda u soo celiyaan muwaadiniinta Hindida ah ee ay afduubka ku heystaan.

Taliyaha cusub ee booliiska oo xilka la wareegay

0

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed Janaraal C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska.

Taliyihii hore Janaraal, Xaamud ayaa ka warbixiyay waxyaabihii uu soo qabsoomay, waxaana uu mahad celiyay Ciidamada Booliska iyo Saraakiisha sida wanaagsan ee ay ula soo shaqeeyeen.

Taliyaha cusub ee Ciidamada Booliska Janaraal C/xakiin Saacid oo horay xilkan u soo qabtay ayaa balan qaaday in halkeeda ka sii wado doono horumarinta ciidamada booliska iyo sidii amniga loo sugi lahaa.

Ugu dambeyn wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa ayaa ku booriyay taliyaha cusub in uu la yimaado wax qabad dhab ah isla markaana uu ka soo dhalaalo howsha culus ee laga sugayo oo ah sugidda amniga dalka.