Home Blog Page 1583

Safaaradda Jabuuti oo gabdhaha agoonta Boondheere u qeybisay dhar ay ku ciidaan

0

Safaaradda Jaabuuti ayaa maanta dhar ay ku ciidaan u qeybisay gabdhaha agoonta ah ee ku jira xarunta agoonta gabdhaha Boondheere ee Muqdisho

Qunsulka safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee  Muqdisho ayaa xarunta xannaanada agoonta Gabdhaha Boondheere  gaarsiiyay dhar ay ku ciidaan gabdhahaasi, si ay farxadda ula qeybsadaan caruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Boodheere ee gobolka Banaadir Seynab Yuusuf Wehliye ayaa sheegtay in dowladda Jabuuti walaalnimada ka sokow ay tahay maciin garab u ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo mahad ballaaran u jeedisay shacabka iyo madaxda dowladda Jabuuti.

Qunsulka  safaardda Jabuuti ee Soomaliya ahna ku simaha xilka safiirka mudane  Sahal Cabdi Yuusuf oo deeqda dharka ah u qeybiyay gabdhaha agoonta ah ayaa tilmaamay in dharkan ay safaaraddu ugu talagashay in ay ku ciidaan boqollaalka gabdhaha ah ee ku jira xaruntaasi.

Waa sanadkii labaad oo safaaradda Jabuuti ay gabdhahaasi agoonta ah u qeybineyso dhar ay ku ciidaan, iyadoo dowladda Jabuuti dib u dhis ballaaran ku sameysay xaruntaasi.

Gabdhaha agoonta ah ayaa xaruntaasi ka hela waxbarasho,  xannaano iyo daryeel dheeraad ah, maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo iyadu aas aastay xaruntaasi soona gaarsiisay heerka ay maanta joogto

 

Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Wasiirka Dhallinyarada ee Jubbaland

0

Wasiirka Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida Wasiirka Dhallinyarda  ee Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Aw Libaax,  oo maanta ku dhaawacmay qaraxii lala eegtay saldhigga Degmada Waaberi, kaasi oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray qaraxaasi

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ehelada, asaxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeysa geerida Marxuum Sheekh Maxamed Yuusuf Aw Libaax, oo caawa ku dhintay Isbitaalka Racep Yayip Erdogan ee degmada Hodan, waxaana ay Alle uga bariday in uu ka waraabiyo Janadii fordowso ahayd.

Qaraxa maanta ka dhacay Saldhigga degmada Waaberi ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo ay ku dhiteen ku dhawaad 10 ruux halka ay u dhaawacmeen tiro kale.

 

Qaraxa ayaa saameeyay dhismayaasha ka ag dhow Saldhiga ee ku yaallay Wadada Maka Al-Mukarama.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta magaalada Kampala kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Uganda.

Kulankan ballaaran waxaa looga gol’lahaa in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay la wadaagaan xogaha ay hayaan, fursadaha ay haystaan iyo caqabadaha ay tabanayaan.

Madaxweynaha ayaa Jaaliayadda uga warbixiyay xaaladaha guud ee uu dalku ku suganyahay, waxaana uu kula dardaarmay Jaaliyadda in ay ka qeyb qalaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in dowladdu ay ku shaqeyneyso rabitaanka shacabka, isla markaana Jaaliyadda looga baahanyahay inay door muuqdo ku yeeshaan dib u dhiska dalka.

7 Qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Saldhigga Boliiska Waabari

0

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyootay, 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii qarax ismiidaamin ahaa lagu qaaday saldhiga Booliska degmada Waabari oo ku yaala Wadada Maka Al-Mukarama.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa gaari nooca Surf loo yaqaano oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay iridka hore ee saldhiga Waabari.

Warar aanu heleyno ayaa sheegaya in qaraxa dadka ku dhaawacmay uu ku jiro Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Aw Libaax, kaasoo dhaawiciisa la sheegayo inuu culus yahay.

Qaraxa ayaa saameeyay dhismayaasha ka ag dhow Saldhiga oo ku yaallay laamiga Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana dadka ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay ay u badnaayeen dad marayay wadada.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhaca.

Qaraxyadan ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada ammaanka ay adkeeyeen amniga Caasimada, iyadoo la xiray waddooyin mara xaafadaha, iyadoo wadada kaliya ee furan ay tahay Laamiga.

WARMURTIYEED KU SAABSAN SAFARKII GUDDIGA DOORASHOOYINKA HEER QARAN AY KU TAGEEN PUNTLAND

0
 Muddada Safarka:         June 20th to 24th, 2017

UJEEDDADA SAFARKA GUDDIGA

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ka duulaya istratijiyadiisa, waxaa uu billaabay safarro iyo kulama uu ku kala bixinaayoDawlad Goboleedyada Soomaaliyeed.  Kulammadan oo salka ku haya la tashiga iyo ka qayb galinta qorshaha shanta sano ah ee Guddiga, ka warbixinta sharciga xisbiyada siyaasada ee dhismaaya, wadashaqaynta Guddiga iyoDawlad Goboleedyada.

Guddigu wuxuu qorsheeyey in uu la kulmo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka; Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka, Golaha Wasiirada, Xildhibaanada,Guddiga doorashooyinka Puntland, Wasaaradda Dastuurka, Ururrada Bulshada iyo Haweenka, waxgaradka Puntland.

SOO DHAWAYNTA IYO LA SHAQAYNTA GUDDIGA

Waxaa Guddiga soo dhawayn iyo sidii lagula shaqayn lahaa la sameeyey Wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda dastuurka.   Madaxdan waxay kala shaqeeyeen Guddiga fulinta qorshe hawleedka sare ku xusan ee Guddiga iyo hagidda iyo isku xirka dhammaan waaxaha iyo hay’adaha dawladda iyo Guddiga.

LA KULANKII MADAXWAYNAHA PUNTLAND

Guddigu waxaa uu kulan heer sare ah la qaatay Madaxwaynaha Puntland oo ay goobjoog ahaayeen Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka.  Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland, waxaa Guddiga ka qayb galay Guddoomiyaha, Ku xigeenka iyo xubno ka tirsan Guddiga.

Madaxwaynaha Puntland ayaa si wanaagsan ugu soo dhaweeyey Guddiga xarunta Madaxtooyadda Puntland. Soo dhoweynta kadib wuxuu Mudane Cabdiweli ka dhegeystey warbixin tifatiran oo dhinacyo badan taabaneysa, waxaana ugu muhiimsanaa:

  • Wixii u qabsoomey Guddiga mudadii uu jirey
  • Caqabadaha horyaala doorashada 2020 iyo sida looga gudbi karo iyo
  • Sida ay muhiim u tahay wadashaqeyn dhex marta Dowla goboleedka Puntland iyo Guddiga

Warbixinta kadib ayaa waxaa Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland si diiran uu u soo dhoweeyey warbixinta Guddiga iyo howsha adagee ay u dhabar adeegen, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Puntland ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqayso Guddiga.  Waxaa kale uu Mudane Cabdiweli Guddiga ku boorriyay in u dhaqmaan una shaqeeyaan inay yihiin Guddi Soomaali oo dhan matala.  Sidoo kale in ay la yimaadaan hufnaan iyo wada shaqayn hufan.  Gaar ahaan hay`adaha ay shaqada kala dhexeyso.

Dr Cabdiweli Gaas wuxuu meesha ka saarey in xisbiyada Siyaasadeed ee abuurmaya aysan ku koobnaan hal deegaan oo kaliya.

Wuxuu ku dhiirra geliyey Guddiga in ay la wadaagaan Wasaaraddaha iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland aqoonta iyo hay`adaha kale ee shaqada la leh wixii dhaqaale ah ee loo qoondeeyay doorashooyinka dalka.

Waxa Madaxwaynaha Puntland muujiyay in ay tahay waajib in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah oo ku dhisan qof iyo cod.   Wuxuu ku boorriyay dawladda dhexe in aay wax kasta ka hormariyaan xooggana saaraansidiidalka looga xoreeyn lahaa si loo helo afti iyo codayn loo qaado dastuurka. Dhanka kale waxaa Cabdiweli Gaas uu xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in Puntland laga qabanayo doorashooyin iyadoo dhawaan la billaabayo u diyaar garowgeedii.

Guddigu wuxuu gacanta u geliyay Madaxwaynaha Puntland Dokumentiyo ay kamid yihiin Qorshaha Howleedka  shanta sano ee Guddiga, Dokumeentiga diwangalinta Xisbiyada, warbixinnadii afarbilood laha ahaa ee sannadkii hore iyo document-ga dhismaha xarunta weyn ee loo dhisaayo Guddiga. Guddoomiyaha Guddiga oo ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u faah faahisay sida ay Guddigu ugu diyaar yihiin hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah 2020 haddii Eebbe idmo.

Degmada Dhahar oo u gudubtay Final-ka tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii lix iyo labaatanaad oo ah wareegga afar dhamaadka ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Shibis VS Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Shibis VS Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Shibis

Tartameyaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen, balse waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxay noqoneysaa labo (2) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Shibis, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka (Final), iyagoo la tartami doonto Warta Nabadda.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo waxaa ku tartamaya kaalinta saddexaad tartamaayasha degmooyinka Kaaraan iyo Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

 

RW Khayre oo kula la dar-daarmay Maamulka Gobolka Benadir adkeynta Amniga Caasimadda

0

Muqdisho, 21 June 2017 –Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galey kulan Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka ayaa madaxda gobolka Banaadir ka dhagaystey qorshayaal la doonayo in lagu hormarinya magaalada Muqdisho si ay ula jaan qaado caasumadaha caalamka sidoo kalena intii uu socdey shirku waxaa lagu falanqeeyey xaalada amaan ee gobolka iyo sidii loo sugey amnaanka caasumada bisha Ramadaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo la dar daarmey maamulka gobolka Benaadir ayaa yiri” waxaan soo jeedinayaa iney si dhow u wada shaqeeyaan ciidanka xasilinta amaanka Muqdisho iyo gudoomiyayaasha gobolka Benadir si loola socdo dhaq-dhaqaaqa kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab maadaama ey shacabka Soomaaliyeed u diyaar garoobayaan farxada maalinta ciida.

“Waxaan aad uga murugeesanahey qarixii shaley ka dhacey degmada Wadajir ee gobolka Benaadir kaasoo lagu dhibaateeyey hooyooyin iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo u shaqeenayey dalkooda,waxaana Rabi uga baryayaa inuu dambigooda dhaafo maadaama ay shahiideen 10-kii dambe ee bisha Ramadaan balse Mas’uulayadiisa waxaa qaadanaya madaxda wadanka oo aan ugu horeeno anaga” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxuu maalmihii ugu dambeeyey wadey kulamo gaar gaara oo uu la yeelanayo laamaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir isagoona kala xaajoonaya sidii loo sii xoojin lahaa xasilinta amaanka Muqdisho.

—–DHAMMAAD—

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Uganda

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kaddib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka heley dhigiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda oo booqashada ay qaadan doono muddo labo cisho ah ayaa inta uu ku sugan Uganda, waxa uu kulan la qaadan doonaan dhigiisa Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaaji Farmaajo ayaa socdaalka uu ku tegay dalka Uganda waxa ay qeyb ka tahay dadaallada ay dowladda ku xoojineyso xiriirka saaxiibtinimo ee gobolka iyo sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka.

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka caawineysa tababarka ciidanka

0

Waraysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Stephen M Schwartz ayaa waxa uu kaga hadlay teegeerada dowladiisu ay siiso Soomaliya .

Danjire Stephen ayaa sheegay in Mareykanku uu taageerayo ciidanka xoogga dalka si Soomaaliya looga cirirbtiro maleeshiyada Al-Shabaab.

Safiirka Mareykanka ayaa sidookale waxa uu ka hadlay taageerada dhinaca adeega bulshada ah ee dowladiisu siiso Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay kordhiyeen sanadihii u dambeeyay .

Safiirka ayaa tilmaamay in Mareykanku uu 300 milyan ku bixiyay gurmadka dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay ayna diyaar u yihiin inay sii kordhiyaan taageerada dhaqaale.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS oo kormeer howleed ku tegay Bangiga Dhexe

0

Muqdisho, 21, June, 2017…… Wasiiru Dowlaha Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Bankiga Dhexe si ay uga qayb qaataan dadajinta mushaarka shaqaalaha ee bisha May, oo Ra’iisul Wasaare kheyr amray in la bixiyo inta aan la gaarin Ciida.

Wasiirada ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise iyo ku xigeenkiisa, waxaan ay ka waraysteen halka ay marayso dadajinta bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo guud ahaan howlaha ka socda Bankiga dhexe.

Kulan kaddib ayaa Wasiirada iyo xisaabiyaha guud la hadleen saxaafadda iyagoo ku aamanay howlwadeenada bankiga sida ya uga go’an tahay mudnaan siinta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in bixinta si joogta ah mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada ay qayb ka tahay balanqaadkii Madaxweynaha, dowladana ilaa hada ay ku guulaystay bixinta mushaaraadka,

“Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in si joogta ah loo helayo mushaaraadka hadana maanta la bilaabayo in Bangi Xisaabeedka uga furan shaqaalaha Bangiyada gaaarka loo leeyahay mushaarkooda bisha May, waxaana ku xigaya bacdul ciid in la diyaariyo mushaarka bisha June, hadii Eebe idmo” ayuu yiri Wasiir Yarisow.