Home Blog Page 1585

Wadada Hormarto Wasaaradda Amniga oo maanta Dib loo Furay

0

Amar ka Soo Baxay  Wasiirka  Amniga   Gudaha   Maxamad Abuukar Isloow Ducaale  ayaa  Lagu  Shaaciyay  in Maanta  Waxii Ka Bilawda  ay Furantahay   Wadada Hormarta   Wasaaradda  Amniga  Gudaha  Ee  Aada  isgooyska  Jubba   Taasi oo In Mudda Ah  Aysan Isticmaalin  Gaadiidka   islamarkaana  Dadweeynaha  Ay Baahi Weey Uqabeen  inay Isticmaalaan  

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in     Talaabadii   ugu  Horeeysay ee  ay Samayay   Wasaaradda Amniga in dib loogu furay wadada Hormarto Wasaaradda Amniga oo xirneyd Mudo aad u dheer.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Amar ku bixiyey in dib loo furo dhamaan wadooyinka Xiran ee ku yaal Gudaha Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeer ku tagey Dekadda Muqdisho

0

Muqdisho, April 10, 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, isla markaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda, maadaama ay dekaddu yeelatay maamul cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka Dekadda, waxa uuna ka xog-wareystay qaabka ay u shaqayso dekaddu, caqabadaha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay dekaddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara musuq maasuq iyo ku takrifal hanti dadweyne.

Mudane Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe lagu wada xisaabtamayo, isagoo carabka ku adkeeyay R/wasaaruhu inaan la aqbali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri falo dhaqaalaha Dowladda.Wuxuna kula dar-daarmay maamulka Cusub in ay derder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekaddu.

—-DHAMMAAD—

Xafladan lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho

0

Xafladan lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho taabid Cabdi Maxamed ayaa waxaa soo qaban qabaabiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

Dhalinyarda kulanka ka hadashay ayaa u bogaadiyay Magacaabista Gudoomiye Taabid Cabdi waxaana ay ugu baaqeeyn inuu la yimaado waxqabad iyaga oo u mahadceliyey Gudoomiyihii hore iyo duqii Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Cumar C/salaam Maxamed  Gudoomiyaha Daladda Dhalinyarada Gobolka Banadir oo ahaa madaxa  qaban qaabiyayaasha kulanka ayaa sheegay inay dhalinyarada ay garab taagan yihiin Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho si uu guto howlaha horyaala.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu wadaa inuu xilka la wareego maalmaha soo aadan waxaana uu sheegay inuu ka shaqeyn doono hormarka Gobolka Banaadir.

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay kulan ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta

0

Kulanka ayaa looga hadlayey sidii loo sameyn lahaaa gole guud oo ay leeyihiin culimada Soomaaliyeed iyo sida ugu haboon ee looga jawaab celinayo fikradaha qaldan ee laga bixinayo diinta islaamka.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka cusub ee wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed waxaa sidoo kale  kulankan goob joog ka ahaa Raisalwasaare ku xigeenka dalka Mudane mahdi Maxamed Guleed.

Culimadii ka qeyb gashay kulanka ayaa si Wadajir ah waxa ay u sheegeen inay diyaar u yihiin la shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya si looga hortago fakradaha cusub iyo kuwii hore looga bartay koxaha Nabad diidka ah ee lagu marin habaabinayo tubta toosan e Shareecada islaamka.

Wasiirka Cusub ee Awqaafta iyo arimaha diinta Iimaan C/llahu Cali ayaa kulanka ka sheegay inay wasaaradu u taagan tahay ka hortaga fakradaha qaldan ee laga bixinayo Diinteena suuban loona baahan yahay inay culimada kala shaqeeyeen.

Raisalwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo kulanka Soo xeray ayaa sheegay in dowladda Soomaliyeed albaabkeedu uu furan yahay marwalba culimadda si si Wadajir ah loogu wajaho afkaarta qaldan ee ay kooxaha nabad diibku iyo kuwa la mid ah adeegsanayaan si ay u marin habaabiyaan dadka Soomaaliyeed.

kulanka waxa kale oo looga hadlay sidii looga soo saari lahaa Bayaan culimada iyo Wasaaradda awqaafta iyo arimaha diinta ee xukuumada Soomaaliya ay u dhan yihiin kooxda cusub ee la magac baxday Asaadicuun bil xaq oo macnaheedu yahay kuwa aan xaqa la gaban kuwaasoo dhawaan looga dhawaaqay waddama ay Soomaaliya ku jirto.

Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda warfaafinta oo maanta xilalkooda la kala wareegay

0

Xilli shalay wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadwaynaha JFS Mudane C/raxman Cumar Cusman (Eng. Yarisow) uu shalay isbadal ku sameeyay waaxyaha wasaaradda ayaa maanta agaasimayaashu waxa ay la kala wareegeen xafiisyada loo magacaabay.

Liibaan Cabdi Cali agaasimaha cusub ee Telefishinta Qaranka ayaa xilka kala wareegay Naasir Xassan Xuseen oo isna waaxda Maamulka iyo qorshaynta kala wareegay C/llahi Sh C/raxmaan Haybe oo loo badalay waaxda Sonna.

C/raxman Sh Yuusuf Al-cadaala oo si KMG loogu magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa waaxda Sonna ku wareejiyay C/llahi Sh C/raxmaan Haybe.

Agaasimayaasha ayaa kormeeray qaabka shaqo ee Waaxyaha Talefishinka, Sonna, iyo xafiisyada kale, waxaana ay shaqaalaha waaxyaha kula dardaarmeen inay shaqadooda u gutaan si hufan.

Agaasimaha cusub ee loo soo magacaabay Radio Muqdisho ayaa isna la filayaa inuu dhawaan xilkiisa la wareego.

Munaasabad lagu abaalmariyey Ciyaartoy iyo haldoorka Soomaalida ayaa lagu qabtay Minnesota

0

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo loogu magac daray habeenkii horimarinta dhalinyarada iyo haldoorka Soomaalida Minnesota ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Munaasabadani oo la qabto sanadkiiba mar ayaa lagu taageeraa dhalinyarada Soomaalida oo da’dooda ay ka yar tahay 16 Sanno, Waxaana Munaasabadani soo buux dhaafiyey shacab taageersan waxqabadka Tababare Aadan Ugaas, Waxaana sidoo kale munaasabadani inta ay socotay lagu bixiyey abaalmarino la siiyey dadka wax ku soo kordhiyey bulshada Soomaalida.

Hadaba Aadan Ugaas oo barnaamijkani soo agaasimay, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la taageero oo la garab istaago dhalinyarada Soomaalida si loo dhiso mustaqbalkooda.

Dhanka kale waxaa abaalmarino la siiyey dadka wax ku soo kordhiyey bulshada Soomaalida waxaana ka mid ahaa Maxamed Xasan Qolof oo ahaa garsoorayashii sida aadka ah loogu aamini jiray ciyaaraha cul culus isla markaana qaatay darajada baajka ee FIFA.

Intaasi ka dib Garsoore Maxamed Xasan Qolof ayaa isagane Abaalmarin Olombikada ah gudoonsiiyey Tababare Aadan Ugaas oo 10-kii sanno ee la soo dhaafay tababar siinayey caruur soomaaliyeed ee dagan gobolka Minnesota.

Dhanka kale dadkii abaalmarinta la siiyey ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdala Bashiir oo ka mid ahaa ardaydii uu macalinka u ahaa Tababare Aadan Ugaas hadana ka soo baxay Jaamac. Si kastaba ha ahaatee jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa fahamsan muhiimada ay leedahay in la hormariyo caruurta Soomaaliyeed ay ula jaanqaadaan jiilka jinkooda ah isla markaana mahadiyey barnaamijka uu wado Tababare Aadan Ugaas.

 

Liban Hussein

Warbaahinta Qaranka

Minneapolis

Faah-faahin kasoo baxaysa qarax Saaka ka dhacay Muqdisho

0

C/qaadir Cusmaan Faarax (Dr.yare) ayaa dhawaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Miino loogu xiray Gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre, ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay geerida marxuumka.

Wuxuuna intaa ku daray guddoomiyaha Xamar Jajab in Dr.yare uu ka tirsanaa Wasaaradda waxbarashada ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray cutubyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Soomaaliya, si ay u sameeyaan baaritaanno.

Faah-faahin kasoo baxaysa qarax Saaka ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho-(SONNA)-C/qaadir Cusmaan Faarax (Dr;yare) ayaa dhawaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Miino loogu xiray Gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre, ayaa Wakaaladda wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay geerida marxuumka.

Wuxuuna intaa ku daray guddoomiyuhu Xamar Jajab in Dr;yare uu ka tirsanaa Wasaaradda waxbarashada ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray cutubyo ka tirsan laamaha ammaanka ee Soomaaliya, si ay u sameeyaan baaritaanno.

Madaxweynaha JFS oo maanta kulamo la qaadanaya Madax ka tirsan Imaaraatka

0

Abu Dabi(SONNA)–Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku sugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in uu maanta la kulmo Madaxda ugu Sareeyso Wadanka Imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kala hadli doono xoojinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay labada dal iskaaga kaashan lahaayeen dhinac amniga dhaqaalaha iyo dhanka arimaha Bulshadda.

Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo oo shalay gaaray Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey dalkaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordho wararka kulamada Madaxweynaha kala Soco wararkeena danbe insha allah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo lagu wado in uu maanta kulamo la qaatay Madaxda Imaaraadka.

0

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku sugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in maanta la kulmo Madaxda ugu Sareeyso Wadanka Imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kala hadli doono xoojinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay labada dal iskaaga kaashan lahaayeen dhinac amniga dhaqaalaha iyo dhanka arimaha Bulshadda.

Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo oo shalay gaaray Wadanka isu taga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyey dalkaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordho wararka kulamada madaxweynaha kala Soco wararkeena danbe insha allah