Home Blog Page 1581

Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre “Waxaan rajaynayaa in farxadda ciiddu ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka Soomaaliyeed”

0

Muqdisho, 24 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee Muslimiinta adduunka ugu hambalyeeyey munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Fidri. Mudane Xasan ayaa farriintan hambalyada ah ugu rajeeyey dadka Soomaaliyeed iney nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

“Waxaan halkaan hambalyo ku aaddan CiiddaFidriga uga soo jeedinayaa shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar.ayuu yiri R.Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidan ay ku soo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda, Isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku ka soo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin..

Mudane Xasan ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay Dawladda ku garab istaagaan dadaalka ay ugu jirto suggidda ammaanka Caasimadda isla markaana ay muujiyaan dulqaad lana shaqeeyaan ciidamadda u taagan sugidda amnigooda. Waxana uu dadkiisa xusuusiyey in danaha ummadeed ee aynu leenahay oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta dawladnimadeena iyo midnimadeena ay u adeegayaan danaha dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, isla-markaana ay dadku qaataan nabadda, wax-wada-yeelashada iyo wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka nabadda diidan inay ka waantoobaan rabshadaha iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, damacoodana ku raadiyaan jidka nabadda, wadahadalka iyo is-dhegeysiga. Mudane Xasan Cali Khayre waxa uu si gaar ah ula hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen kooxaha hubaysan ee baalmarsan qiyamka nabadeed ee diinta Islaamka, waxana uu ku boorriyey inay ka faa’iideystaan waqtiga ka haray cafiska ay Dawladdu u fidisay.

Ciid Mubaarak

DHAMMAAD

Sacuudiga oo fashiliyay weerar lala damacsanaa Masjidka Barakeysan ee Makka

0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay fashiliyeen waxa ay ku tilmaameen argagixiso qorshaynaysay in ay bartilmaameedsadaan misaajidka barakaysan ee Makka.

Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in dhisma uu ku jiray qofka weerarka fulin rabay ay ciidammada isku gadaameen kadibna uu is qarxiyay.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan .

Shan qof oo mintidiin ah oo looga shakisan yahay weerarka ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha .

Malaayiin qof oo muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa isgu soo uruuray magaalada Makka dhamaadka bisha Ramadan si ay u cumreystaan.

Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.

Sacuudi Carabiya ayaa sanooyiinkii u danbeeyay waxa soo maray weeraro is xig-xiga oo ay dad ku dhinteen , qaar badan oo ka mid ah weeraradan waxaa sheegtaay kooxda isku magacaawda Dowlada Islaamka.

Weerarada ayaa waxa inta badan lala bartilmaameedsaday dadka Shiicada ah ee looga tirda badan yahay dalkaasi iyo ciidammada ammaanka.

Bishii July 2016,afar ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday meel u dhaw masaajidka barakaysan ee Madiina.

XIGASHO:- BBC

Qaraxyo ay ku dhinteen dad ka badan 50 Qof oo ka dhacay Dalka Pakistan

0

Laba Qarax oo khasaare xoogan geystay ayaa ka dhacay laba gobol oo ka tirsan dalka Pakistan, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Qaraxyadan ayaa ka kala dhacay gobol ku yaalla Koonfur Galbeed Pakistan oo lagu magacaabo Quetta, iyo gobolka kale ee Balochistan, waxaana loo adeegsaday Gawaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Inta la ogyahay Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhimatay dad ka badan 50 Qof, halka dhaawucuna uu ka badan yahay 100 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee tagay goobta uu Qaraxa ka dhacay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay goob mashquul badan oo dadka ay ka iibsanayeen waxyaabaha loogu diyaar garoobo Ciida, taasi oo sababtay in dadweynaha ay dhigaan banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan weerarkan.

Dadka ku waxyeeloobay Qaraxydan oo aad u badan ayaa sababtay in Helicopter-o lagu daabulo dadka dhaawacyadooda halista ay yihiin, si loo gaarsiiyo isbitaalada waa weyn.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano lagu raadinayo kooxdii ka dambeysay weerarkan, iyaga oo sidoo kale sheegay in ay ka cabsi qabaan khasaaraha ka dhashay Qaraxyadan in ay sii kordhaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Yoweri Museveni oo kulan gaar ah wada yeeshay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Kampala. Madaxweynayaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale xusay kaalinta aan marnaba la ilaawi karin ee ay Uganda ka geysatay nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa dhankiisa bogaadiyay hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaalka dheeriga ee ay kula dagaallamayaan musuqmaasuqa, nabadgalyo xumada iyo faqriga. Wuxuu ballan qaaday in dowladdiisu ay taageero walaaltinimo la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxyaabaha lagu lafo guray kulankan ayaa waxaa kamid ahaa in dowladda Uganda ay taageerto qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo uu haatan Guddoomiye u yahay Madaxweyne Museveni.

Waxaa la isla soo qaaday maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtaa xabsiyada dalkan iyo sidii ay dowladda Uganda dib ugu eegi lahayd kiisaska loo haysto maxaabiistaas, xaaladaha cakiran ee ka jira gobolka, gaar ahaan Koonfurta Sudan iyo muran xuduudeedka soo cusboonaaday ee dowladaha Jabuuti iyo Eriteriya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kulankan ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed-Khayr Cabdi iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir.

Duqa Muqdisho & wasiirka Warfaafinta oo soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

0

Munaasabadda Xiritaanka Tartan Cilmiyeedka waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka, Warfaafinta, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, agaasimaha Radio Muqdisho & agaasimaha SNTV.

C/fataax Daahir Jeyte agaasimaha Radio Muqdisho, ayaa sheegay in guddiga tartanka ay masuuliyiinta wasaaradda iyo maamulka gobolka Benaadir u soo jeedinayaan in aqoontii lagu tartamay laga diyaariyo Buug, maadaama uu yahay Taariikh ayna wax badan  ka faa’idi doonan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Jiilka berri.

agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali, ayaa boggaadiyey degmada Warta-nabadda ee tartankaan markii labaad oo xigta ku guuleysatay, sidoo kale degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayuu sheegay in ay muujiyeen dedaal aad u badan, isla markaana ay uga mahadcelinayaan sidii hamsamida lahayd ee ay tatranka uga qeybteen, kuna ammaanay natiijada ay kaalinta labaad ku galeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa labada degmo ee tartankii dhammaadka caawa ku ammaanay isdhexgalka iyo shaqada adag ee  ay u soo dhabar adeeggeen, waxa uu sheegay in tartrankaan uu socda sannadkii Toddobaad isla markaana uu qeyb weyn ka qaato isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka oo dhan, taasina ay tahay shaqada dhabta ah ee wasaaradsa Warfaafinta ayna sii wadi doonaan doorka Wacyigelinta ee bulshada gudaha iyo dibedda ku dhaqan.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuunta Dadweyne Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa hambalyo u jeediyey degmada Warta-nabadda ee ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka sannadkii labaad.

Wasiirka ayaa yiri “doorka wacyigelinta ee wasaaradda Warfaafinta waa midka isku keenna bulshada Soomaaliyeed, waxaan boggaadinayaa dhammaan degmooyinkii tartanka ka qeyb-galay, sidoo kale howl-wadeenna warbaahinta Qaranka ee u soo dhabar adeegay soddonkii maalmood & habeen  iyo diyaarintii ka horreysay ee tartanka, waxaan maamulka gobolka Benaadir uga mahadcelinayaa sida uu mar walba  u garab taagan yahay warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan warbaahinta Qaranka, annagana waxa  naga go’an inaan si joogta ah u soo bandhigno horumarka iyo guulaha gobolka Benaadir.

ugu dambeyn munaasabadda waxaa soo xiray guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo yiri ” waxaan hambalyo leeyahay degmada Warta-nabadda oo guul lagu faani karo soo hoydey, sidoo kale walaalahood degmada Dhahar waxa ay iyaguna muujiyeen dedaal iyo fir-fircooni Soomaalinimo ay ku jirto, halkaas in ay ka sii wadaan dedaalkooda ayaan ku dhiiragelinayaa”.

Duqa Muqdisho ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed dhacdooyinkii Amni darro ee Muqdisho ka dhacay toddbaadkaan dhibaatadii ka soo gaartay, waxa uu mar kale ugu baaqay shacabka caasimadda in ay sii laba-laabaan garab istaagidda ciidammada ku howlan sugidda amnigooda, maamulka gobolka Benaadirna uusan ka daali doonin sidii loo dardargelin lahaa nabadda iyo xasillinta Muqdisho.

Guddoomiye Thabit, ayaa sheegay in uu xiran yahay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagalinayey sannadkii Lixaad oo is xiga.

 

 

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleystay markii 2aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu dambeeyay ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Dhahar VS Warta Nabadda oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar VS Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’al, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqoneysaa labo (2) dhibcood.

Warta Nabadda

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay Tartamayaasha Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Warta Nabadda waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay caawa tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaana ay noqotay Degmadii ugu horeysay ee difaacata Tartanka, maadaama ay ku guuleysteen sanadkii tegay.

Dhahar ayaa gashay kaalinta labaad, halka kaalinta saddexaad ee tartanka soo tiigsatay tartamayaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir.

Munaasbadda Xiritaanka

Munaasabadda Xiritaanka Tartan Cilmiyeedka waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka, Warfaafinta, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, agaasimaha Radio Muqdisho & agaasimeha SNTV.

C/fataax Daahir Jeyte agaasimaha Radio Muqdisho, ayaa sheegay in guddiga tartanka ay masuuliyiinta wasaaradda iyo maamulka gobolka Benaadir u soo jeedinayaa in aqoontii lagu tartamay laga diyaariyo Buug, maadaama uu yahay Taariikh ayna ka faa’idi doonan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Jiilka berri.

agaasimaha Telefishinka Qaranka Liibaan Cabdi Cali, ayaa boggaadiyey degmada Warta-nabadda ee tartanka markii labaad oo xigta ku guuleysatay, sidoo kale degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ayuu sheegay in ay muujiyeen dedaal aad u badan, isla markaana ay uga mahadcelinayaa sidii hamsamida lahayd ee ay tatranka uga qeybtaan, kuna ammaanay natiijada ay kaalinta labaad ee ay soo galeen.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, C/raxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala ayaa labada degmo ee tartankii dhammaadka caawa ku ammaanay isdhexgalka iyo shaqada ay ee ay u soo dhabar adeeggeen, waxa uu sheegay in tartrankaan uu socda sannadkii Lixaad isla markaana uu qeyb weyn ka qaado isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka oo dhan, taasina ay tahay shaqada dhabta ah ee wasaaradsa Warfaafinta ayna sii wadi doonaan doorka Wacyigelinta ee bulshada gudaha iyo dibedda ku dhaqan.

Wasiirka Warfaafinta & Hannuunta Dadweyne Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa hambalyo u jeediyey degmada Warta-nabadda ee ku guuleysatay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka sannadkii labaad.

Wasiirka ayaa yiri “doorka wacyigelinta ee wasaaradda Warfaafinta waa midka isku keenna bulshada Soomaaliyeed, waxaan boggaadinayaa dhammaan degmooyinkii tartanka ka qeyb-galay, sidoo kale howl-wadeenna warbaahinta Qaranka ee u soo dhabar adeegay soddonkii maalmood iyo diyaarintii ka horreysay ee tartanka, waxaan maamulka gobolka Benaadir uga mahadcelinayaa sida ay mar walba uu u garab taagan yahay warbaahinta Soomaaliyeed gaar ahaan warbaahinta Qaranka, annagana waxa  naga go’an inaan si joogta ah u soo bandhigno horumarka iyo guulaha gobolka Benaadir.

ugu dambeyn munaasabadda waxaa soo xiray guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo yiri ” waxaan hambalyo u jeedinayaa degmada Warta-nabadda oo guul lagu faani karo soo hoydey, sidoo kale walaalahood degmada Dhahar waxa ay iyaguna muujiyeen dedaal iyo fir-fircooni Soomaalinimo ay ku jirto, halkaasna ay ka sii wadaan dedaalkooda”.

Duqa Muqdisho ayaa uga tacsiyeeyey shacabka Soomaaliyeed dhacdooyinkii Amni darro ee Muqdisho ka dhacay dhibaatadii ka soo gaartay shacabka Soomaaliyeed, waxa uu mar kale ugu baaqay shacabka caasimadda in ay sii laba-laabaan garab istaagidda ciidammada ku howlan sugidda amnigooda, maamulka gobolka Benaadirna uusan ka daali doonin sidii loo dardargelin lahaa nabadda iyo xasillinta Muqdisho.

Guddoomiye Thabit, ayaa sheegay in uu xiran yahay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagalinayey sannadkii Lixaad oo is xiga.

 

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay Janaasadii Sh. Maxamed Yusuf Awlibaax.

0

Muqdisho, 23 June 2017—Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Awlibax oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha Jubbaland.

Salaada Janaasaada ayaa ka dhacday Masjid Shuhaddaa ee Madaxtooyada, waxaana ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda yo Xildhibaanada labada aqal.

Ma’suuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la kulmay qaar kamid ah ehelka marxuumka iyo Wasiiro ka tirsan Jubbaland, isagoo tilmaamay in Awlibaax uu ahaa shaqsi ka baxay qaranka Soomaaliyeed. isla markaana tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed. wuxuna xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C,laahi Farmaajo uu tacsi taa lamid ah u dirayo ehelka marxuumka.

Marxuum Awlibaax oo ku geeriyooday weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ka geysteen shalay saldhigga degmada Waaberi ayaa lagu aasay Isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho.

—-DHAMMAAD—-

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay xubnaha maamulka Gobolka Sh/Dhexe

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa lagu dhameystiray Xubnaha Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ee Heer Gobol, iyadoo Madaxweynaha Hirshabeelle uu horey u magacaabay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Mudane Axmed Meyre Makaraan, waxaana gabi ahaanba la dhameystiray maamulka intiisa kale.

Sidoo kale Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magacaabay Maamulka Magaalada Jowhar ee Xaruta Gobolka Shabeelaha dhexe, waxaana Xilalkii laga qaday Dhamaan Xubnaha Maamulka Degmada uu ugu horeeyo Guddoomiyihii Degmada Jowhar.

Halkan Hoose ka akhriso

Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Gudaha DSF

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa, kaas oo saaka subax nimadii ka soo kici timay magaalada Gaalkacayo.

Kahor kulanka ayaa waxaa duleedka magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Wasiirka iyo weftigiisa masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal kan degmada Garoowe, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, aqoon yahano iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaalada Garoowe.

Soo dhoweyn kadib Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa siwada jira ula hadlay bulsha magaalada Garoowe, waxaana ay  si isku mida uga hadleen muhiimada ay leedahay kawada shaqaynta amniga iyo is dhexgalka bulshadda Soomaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha Puntland Mudane. Axmed Karaash ayaa sheegay in shacabka Puntland markasta diyaar u yihiin is dhexgalka shacabka soomaaliyeed iyo sidii laysaga kaashanlahaa sugida amaanka Dalka, waxaana uu sidoo kale xushay in dawladda Puntland diyaar u tahay kawada shaqaynta waxkasta oo masiir u ah horumarka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guddaha DFS iyo dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya Mudane. Cabdi faarax Saciid Juxa oo shacabka magaalada Garoowe uga mahad celiyey soo dhoweynta diiran ee ay ku qabileen maanta  isaga iyo weftigiisa ayaa kubooriyey shacabka Puntland inay iska kaashadaan nabada iyo xasiloonida ay Puntland  ku caanbaxday, isla markaana ay markasta diyaar u ahaadaan sidii ay cadawgooda meel uga soo wada jeesan lahaayeen.

 

PRESIDENT FARMAAJO’S SPEECH AT THE REFUGEE SOLIDARITY SUMMIT, KAMPALA-UGANDA

0

Excellences and Distinguished delegates

Let me start by thanking H.E Yoweri Museveni, President of the Republic of Uganda for hosting the Uganda Solidarity Summit for Refugees.

I would also like to thank H.E Antonio Guteres, the United Nations Secretary General for co-hosting this summit and his commitments to the wellbeing of refugees everywhere.

Earlier today I met with successful Somali businessmen and businesswomen in Kampala who told me the freedoms and liberties that Somali refugees enjoy in Uganda. The freedom to engage in business, own property and develop themselves as well as contribute to the economy of this great nation

This once again proves that Somalis are resilient and entrepreneurial by nature. It is not a common occurrence to see refugees in a camp work so tirelessly and develop themselves to the point of becoming successful businessmen and businesswomen and contribute to the economy of the host nation

It also proves that our brothers in Uganda are both welcoming and hospitable. If Uganda had not granted our refuges the freedom of movement, right to own land, right to seek employment and to establish businesses, access to public services including Education and Health, and ease to get all the necessary permits and other documents, the Somali businessmen and businesswomen I met today and many others from across Africa would not have had the opportunity to develop themselves.

But not only that, Uganda is, as we all know, one of the troop contributing countries that form part of the Amisom peacekeeping force. Ugandan troops make daily sacrifices for the safety and security of our people. We are immensely indebted to Uganda for the unconditional support

Ladies and Gentlemen:

Uganda hosts over one million refugees, among them close to fifty thousand Somalis

We acknowledge that hosting one million refugees while ensuring hosting communities are hospitable and friendly is not easy. However, Uganda is living up to its international obligations, even with the ongoing influx of more refugees
We must also acknowledge that it will be difficult for Uganda to continue its progressive refugee policies with the absence of a robust support from the international community.

We therefore urge the international community to support Uganda’s efforts to meet the immediate humanitarian needs of refugees and long-term needs of both refugees and communities hosting them.

Uganda’s progressive refugee laws provide a perfect example that where the opportunity to integrate is provided, refugees can potentially make a turnaround in life. Somali refugees have proved to the world that they have the skills to become economically self-reliant.

I ask refugee-hosting countries to grant access to the same social services that their people enjoy, and give refugees the chance to develop themselves.

Ladies and Gentlemen:

Somalia is, and has been making progress. Today Somalis everywhere have huge expectations from my administration, I intend to fulfill the pledges I made to the Somali people that we will overcome the enormous challenges we are facing and restore Somalia’s glory, I am convinced that Somalis have what it takes to make that happen.

Thank you.