Wasiiru Dowlaha xafiiska R/Wasaaraha oo Shir Caalami ah uga qeyb galaya Dalka Shiinaha

Date:

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F.S ayaa magaalada Orso ee dalka Shiinaha uga qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madax ka socotay 120 dal  oo looga hadlaayo la dagaalanka nabadguurka dunida.

Kulankaasi oo ah kii 13aad,waxaa kaloo  ka qeybgalay in ka badasn 30-hey’adood ,iyadoo 2-dii sanoba mar Qaramada  Midoobay ay diyaariso kulankaasi.

Kulankaan oo bilowday 6-dii Bishan ayaa Maalinta barri ah la soo gabagabeen doonaa ,waxaa  looga dooday sida ugu haboon ee wax looga qaban karo nabadguurka ku yimaada dhulka.

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F oo ka hadlay kulankaasi ayaa xaqiijiyay in dhibaatooyinka ka heysta abaaraha ku soo noqnoqday Soomalya ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha oo uu tilmaamay in xilligaan lagu guuleystay joojinta adeegaasi.

Wasiiirku wuxuu qiray in Dawladda  cusub ay u heelan tahay  sidii arrimaha nabaad guurka wax looga qaban lahaa isagoo intaa raaciyay in ay socdaan olole dhir abuuris ah si ayuu yiri loo badbaadiyo nolol dhaqameedka reer miyiga.

Intii uu  socday kulankaasi Wasiirku wuxuu si gaar gaar ah ula kulmay madax ka kala socday Shiinah, Kanada, Turkey, Ethiopia, Koofur Afrika, Estonia iyo kuwa kale  oo ka socday hayadaha caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...