Jowhar oo lagu qabtay Siminaar la xiriira baahinta nidaamka Dowladdaha hoose

Date:

Siminaarkan oo ku saabsanaa sidii bulshada loo gaarsiin lahaa nidaamka dowladaha Hoose, isla markaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool deegaannada Hirshabeelle ayaa maanta la soo gabo gabeeyay, iyadoo diiradda lagu saaray sidii bulshada loo fahamsiin lahaa nidaamka dowladaha Hoose.

 Guddoomie ku-xigeenka arrimaha bulshada ee Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in sameynta goleyaasha deegaanka ay tahay mid muhiim  u ah nidaamka dowladnimo, isagoo xusay inay waxbadan ka barteen inta uu siminaarka socday.

Sheekh Xuseen Cismaan mar uu ka hadlayay arrinta ku aadan dhismaha goleyaasha deegaanka ayaa sheegay inay noqon doonaan kuwa iyaga dhexdooda iska soo dooranaya, isla markaana aysan jiri doonin qof kor laga keenayo.

Hirgelinta nidaamka dowladaha Hoose ayaa ah qorshe ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukumadda Soomaaliya ku dooneyso inay la dhameytiro hanaanka Federaalka ee ay qaadatay dowladda, si maamul goboleedyada looga hirgeliyo goleyasha deeegaanka oo ay noqoto mid ay iska soo doortaan dadka qofka ay rabaan in u matalo golaha deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...