Wasiiru Dowlaha xafiiska R/Wasaaraha oo Shir Caalami ah uga qeyb galaya Shiinaha.

Date:

China(SONNA)…Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F.S Mudane C/laahi Xaamud ayaa magaalada Orso ee dalka Shiinaha uga qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madax ka socotay 120 dal  oo looga hadlaayo la dagaalanka nabadguurka dunida.

Kulankaasi oo ah kii 13aad,waxaa kaloo  ka qeybgalay in ka badasn 30-hey’adood ,iyadoo 2-dii sanoba mar Qaramada  Midoobay ay diyaariso kulankaasi.

Kulankaan oo bilowday 6-dii Bishan ayaa Maalinta barri ah la soo gabagabeen doonaa ,waxaa  looga dooday sida ugu haboon ee wax looga qaban karo nabadguurka ku yimaada dhulka.

Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F C/laahi Xaamud oo ka hadlay kulankaasi ayaa xaqiijiyay in dhibaatooyinka ka heysta abaaraha ku soo noqnoqday Soomalya ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha oo uu tilmaamay in xilligaan lagu guuleystay joojinta adeegaasi.

Wasiiirku wuxuu qiray in Dawladda  cusub ay u heelan tahay  sidii arrimaha nabaad guurka wax looga qaban lahaa isagoo intaa raaciyay in ay socdaan olole dhir abuuris ah si ayuu yiri loo badbaadiyo nolol dhaqameedka reer miyiga.

Intii uu  socday kulankaasi Wasiirku wuxuu si gaar gaar ah ula kulmay madax ka kala socday Shiinah, Kanada, Turkey, Ethiopia, Koofur Afrika, Estonia iyo kuwa kale  oo ka socday hayadaha caalamiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shacabka Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah...

Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray...