Madaxweyna Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gaaray Boosaaso

Date:

Madaxweyna Maamulka  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Deegaanada Puntlad  kadib gudashada Rukniga diiniga ah ee Xajka.

 Madaxweynaha iyo weftigiisa oo kaso dagay Garoonka magaalada Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa waxaa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha magaaladaasi, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiisha ciidamada Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada  Puntland, aqoon yahano iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaah Maamulka Puntland ayaa ugu horayn ka warbixiyey socdaalkiisii dalka sucuudiga iyo dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo uu soo maray, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay dalka Sucuudiga u tageen gudashada waajibaadka Xajka.

“Muddo sadex isbuuc ka badan waxaan jirney dalka Sucuudiga Arabia iyo dalka Imaaraadka oo aanu soosocod-kayagii soo marnay, dalka Sacuudi Arabiya waxaanu u tagnay waxay ahayd gudashadii waajibaadka Xajka, si fiican bayna runtii noogu soo dhammaatay dalka iyo dadkana waan usoo ducaynay, Illahayna waxaan ka rajaynaynaa inuu anagana naga aqbalo gudashada Xajka, wixii duco ah ee aanu usoo niri dalka iyo dadkaba iyana waxaan rajaynaynaa in Alle naga aqbalo” ayuu yiri Madaxweyna Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in isaga iyo wefti uu hogaaminayo ay soo mareen dalka Imaaraadka Carabta,  halkaasi oo ay u tageen arrimo la xidhiidha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Maamulka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka iyo masuuliyiinta Maamulka  Puntlandba inay Illaashadaan nabadda, xasiloonida, horumarka, kala danbaynta iyo midnimadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....