Home Blog Page 1580

Wasiirka Dhalinyarada Oo Muqdisho Kusoo Dhaweysay Madaxweynaha CAF

0

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan halkaan idiinkugu soo gubdineynaa sawirrada Wasiirka dhalinyarada iyo cayaarraha dowladda federaalka Soomaaliya oo muqdisho kusoo dhaweysay Madaxweynaha Xiriirka kubadda cagta ee Afrika Ahmed Ahmed .

Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Turkiga iyo shacabkiisa

0

War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay dowladda iyo shacbiga Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka  soo hooyeen aftidii dhinaca dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi ,taas oo u horseedeysa in uu ku hogaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan”ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheega Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib ,qiimo leh oo kamid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya,taas oo aaan u aragno in ay xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah.ee u dhaxeeya labada dowladood.

Ugu dambeyn xukuumadda iyo shacabka dalka Soomaaliya waxa ay u ajeeyeen  shacabka Turkiga oo doortay wadada cusub ee dowladnimada ,horumar iyo barwaaqo

Shirkii u dhaxeyay dowlada dhexe iyo dowlad gobolleedyada dalka oo la soo gabo gabeyay lagana soo saaray warmurtiyeed

0

Kulanka Wadatashiga Madaxda Qaran iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

 

Abriil 15 -16, 2017 Muqdisho

  Madaxda Dawladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay Abriil 15-16, 2017. Waxaa kulanka shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xashi Cabdi.

 

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray abaaraha ka taagan dalka, dib u habaynta hannaanka guud ee heerarka kala duwan ee hay’adaha amniga Qaranka, la dagaallanka kooxaha nabad-diidka ah iyo dhammaan ururrada aragagixisada caalamiga ah. Waxaa kale oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

  1. Madaxda ayaa walaac ka muujisay xaaladda abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan, keentayna barakac baahsan.
  1. Madaxdu waxa ay bogaadiyeen dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba iyo beesha caalamkuba.
  1. Madaxdu waxa ay garwaaqsatay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, waxaana la isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo abaaraha soo noqnoqday.
  1. Madaxdu waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlad Goboleedyada.
  1. Madaxdu, iyaga oo tixgalinaya xasilloonida dalka iyo mabda’a dib-u-heshiisiinta, waxa ay dhiirrigelinayaan wadahadalka Dawlad-goboleedka Galmudug iyo Ahlu-sunna-Waljamaaca.
  1. Madaxdu waxa ay isku raaceen siyaasadda amniga qaranka iyo hannaanka loo marayo hirgelintiisa, taasoo ay garwadeen ka noqonayaan Golaha Amniga Qaranka.
  1. Madaxdu waxa ay ansixiyeen qaab-dhismeedka cusub ee Golaha Amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay Madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.
  1. Madaxdu waxa ay sidoo kale go’aamiyeen dhismaha goleyaasha amni ee heer Dawlad-goboleed, oo ay guddoomiyeyaal u yihiin madaxwaynayaasha Dowlad-goboleedyadu (mid kasta).
  1. Madaxdu waxa ay isla garteen in si degdeg ah loo sameeyo qorshe hawgal ciidan oo midaysan, kaasoo lagu furayo waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka dalka iyo xaqiijinta gaarsiinta gaargaarka dadka abaaraha la tabaalaysan.
  1. Madaxdu waxa ay isla garteen in si dhakhso ah loo bilaabo, loona dardargeliyo qorshaha hannaanka geeddi-socodka doorashada 2020ka.
  1. Madaxdu waxa ay isku raaceen in kor loo qaado koboca dhaqaalaha, dakhliga, Shaqa abuurka, dhiirri-gelinta maalgashiga iyo ganacsiga iyo weliba horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
  1. Madaxdu waxaa kale oo ay isku raaceen in muhiimad gaar ah la siiyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyada oo loo adeegsanayo habab casri ah oo lagu cirib tirayo.
  1. Madaxdu waxa ay soo dhaweeyeen qorshaha horumarinta qaran (NDP) iyo mudnaantiisa, waxayse isku raaceen in la sameeyo tiro koobka dhabta ah. Waxaa kale oo la isla gartay heshiisyada iskaashiga cusub (New Partnership Agreement).
  1. Madaxdu waxa ay rajaynaysaa in beesha caalamku taageeraan go’aamada iyo qorsheyaasha ay dawladda Soomaaliya mudnaanta gaarka ah siinayso.
  1. Ugu dambayn, waxa ay madaxdu uga mahadcelinaysaa beesha caalamka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay umadda Soomaaliyeed.

                        

 

 

 

Wasiirka Warfaafinta JFS oo kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda

0

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa maanta kulan la xiriiray habsami u socodsiinta  howlaha warfaafinta la  qaatay shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta ee XFS, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa  sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaaradda iyo shaqaalaha ay yeeshaan kulan wadatashi ah si loo dar-dargaliyo shaqada Wasaaradda ay u heyso Umadda Soomaalieed.

Uganbeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa shaqaalaha Wasaaradda  ugu baaqay  in shaqadooda  ay dar-dargaliyaan ,isagoona balanqaaday in xuquuqdooda ay joogteen doonaan.

C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala oo ah  Agaasimaha Guud ee kmg Wasaaradda Warfaafinta aya ku ammaanay shaqaalaha wasaaadda howlkarnimada iyo daacadda ay u yihiin shaqadooda,isagoo xusay in saacado badan ku jiraan howlaha ay u hayaan umaada,wuxuuna ugu baaqay n ay halkaasi ka sii wqadaan adeegyada lama huraanka ah ee ay ka sugayaan dadka iyo dalka.

 

Madaxweynaha CAF oo soo gaaray Muqdisho

0

Waxaa soo gaaray magaaladda Muqdisho 57-sanno jirka dhawaan loo doortay inuu hoggaamiyo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo CAF Mr Ahmed Ahmed.

Garoonka dayaaradaha dalka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid tahay wasiirka Wasaarrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab.

Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika, ayaa lagu waddaa inuu soo kormeero goobbo muhiim u ah cayaaraha sida Garoomada Cayaaraha ee ku yaalla dalka.

Tani waxa ay noqoneysaa booqasho taariikhi ah, waxanna ay u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo.

Mr:- Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar, ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

Dalka Imaaraadka Carabta oo bilaabay olole lagu taageerayo dadka la ildaran abaaraha ee Soomaaliya

0

Madaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin C/lla Al-nuceymi ayaa sheegay in la bilaaay olole lagu uruurinaayo kalmooyin dhaqaale oo loogu talagalay malaayiin  dad ah oo ay ku habsadeen abaaraha ka jira gudaha Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay fulinta amar ka soo baxay madaxweynaha Imaaraadka Carabta sheekh khalifa bin Zayid Aala nahyaan, kaas oo sheegaya in la uruuriyo lacago kaalmo ah oo lagu gargaaro dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.

adaxa Golaha saree e Hey’adda Samofalka dalka Imaraadka ayaa xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmooyin dhaqaale loogu diri doono dadka Soomaaliyeed,iyadoo laga duulayo saaxiibtinimada qotoda dheer ee u dhaxeysa labada dal.

Dhinaca kale Duqa magaalada Abuu Dabi Cuweyda Murshid Almarar ayaa isna ka dhawaajiyay in barnaamoj ceelal qodis ah ay ka bilaabayaan gudaha dalka Soomaliya,si ayuu yiri ay wax uga taraan dhibaatooyinka biniaadanimo eek u soo noqnoqday dadka Soomaaliyeed

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

0

Maxamed Xashi Carabeey Madaxweyne Kuxigeenka GALMUDUG  ayaa kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Turkiga Ufadhiya Somalia Waxayna Kawada hadleen Sidii Dowlada Turkiga GALMUDUG ugala shaqayan Laheed Kabayaasha Hormarka sida waxbarshada Cafimaadka iyo Biyaha.

Safiirka ayaa u balanqaaday Madaxweyne kuxigeenka in uu Garab siin doono isla markaan Dowladiisa ay ka qeyb qaadan doonto hormudka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Madaxda dowlad gobolleedyada oo warbixin ka dhageystay Guddiga Gurmadka Abaaraha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, , Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay warbixino la xiriira wax yaabihii u qabsoomay ay siiyeen madaxda.

Sheekh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka abaaraha ayaa tilmaamay in mudadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysay, wuxuna si gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku ammaanay Guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmo shisheeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka turjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

“Si looga tabaabusheysto inay soo laabtaan abaaraha, xukuumadu waxay abuuri doontaa mashruucyo lagu horumarinayo beeraha iyo wax soo saarka, sidoo kalena waxay sameyn doontaa biyo xireeno, si looga faa’iideysto xilliga jiilaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay markii uu soo dhamaaday kulanka.

Madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo Xidigle Faa’isa u balan qaaday Caafimaad Dibadda ah

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane maxamed C/laahi Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Xidigle Faa’isa C/rashiid oo u baahan gar gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo R/wasaaraha ayaa u balan qaaday Faa’sa in la gayn doono wadan kasta oo ay ka helayso caafimaad.

Xidigle Faa’sa ayaa aad ugu mahadcelisay Madaxda dalka, waxayna sheegtay inay ku Faraxsantahay in maanta Madaxweynaha iyo R/wasaaraha ay balan qaadaan in Wadanka dibadiisa loo qaadi doono ay u hesho caafimaad taam ah.

Qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda dowladda oo tababbar uga furmay Muqdisho

0

Tababbarkaan Tayeynta shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa ka qaybgelaya in ka badan 100 Shaqaale oo ka kala socda qaar ka mida hay’adaha Dawladda, waxaana uu soconayaa muddo shan cisho, iyadoo ay si Wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Xiriiriyaha  Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi ayaa sheegay in tabbarkan uu yahay mid lagu xoojinayo aqoonta shaqaalaha, ayna joogteyn doonaan siminaarada nuucaani oo kale ah.

Wasiirudawlaha Wasaaradda Waxbaarashada hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabddulle Jaabir ayaa sheegay in Wasaaraddu ay door muhiim ah ka qaadan doonto tayaynta iyo sare u qaadidda aqoonta shaqaalaha hay’adaha dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oo furay tababarka ayaa kula dardaarmay ka qaybgalayaasha in ay ka faa’iideystaan tababbarka muddada shanta cisho ah ee uu socon doono.

tababarada nuucaani oo kale ayaa ah kuwa dhiiri gelin u noqon kara shaqaalaha hay’adaha dowladda,