Ra’iisul Wasaare Khayre oo boggaadiyey Carwada Buugaagta ee Muqdisho lagu qabtay

Date:

Muqdisho, 14 September 2017 –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qeyb galay Bandhigga Caalamiga ee Buugaagta ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo halkaas ka iib saday buugaag ay qoreen dad kala duwan oo dhalinyaro u badan, wuxuuna ku dhiiragaliyey iney sii wadaan wax qorista.

Mudane khayre oo khudbad u jeediyey dadkii ka soo qeyb galay bandhiggan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ku jiraan dad leh hal abuurka ay aqoontooda ku gaarsiin karaan dadkooda. Wuxuna ammaan ballaaran u jeediyey ka soo qeyb galayaasha iyo qaban qaabiya-yaasha carwada.

Dadka ayaa iibsanayay buugaagta kala duwan ee lagu soo lagu soo bandhigay carwada buugaagta, waxayna isugu jiraan kuwa taabanayay qisooyin gaar ah, sheekooyin, taariikh, suugaan iyo arrimaha qoyska , sidoo kale waxaa buugaagta ka mid ahaa kuwa ku qornaa afka English-ka oo ka hadlayay xaalada dalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...