Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Gothenburg ee dalka Sweden
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeyb galaya shir Madaxeedka Midowga Afrika
Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya & Maser oo Addis Ababa ku kulmay
Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Maser ayaa kulan ku wada yeeshay magaalada Addis Ababa, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dowladood iyo arrimo kale o muhiim ah.
Yuusuf Garaad Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Saamix Shukri wasiirka Arrimaha Dibedda Maser kulankooda waxa uu dhacay inta lagu guda jiray shirka wasiirrada Arrimaha Dibedda dowlaha Africa oo ka dhacay magaalada Addis Ababa, labada wasiir wada hadalkooda waxa ay xoogga ku saareen sidii loo soo celin lahaa iskaashigii labada dal u dhaxeeyey ee dhinacyada Ganacsiga, horumarinta Kalluumeysiga, isdhexgalka ganacsatada labada dalka iyo sidii dowladda Maser u xoojin lahayd arrimaha Waxbarashada oo ay Soomaaliya ka taageerto.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa dowladda Maser uga mahadceliyey sida ay uga go’antahay taageeridda waxbarashada iyo horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, waxa uu sheegay in si dhaqsi ah loo howlgelin doono Ganacsigii dhoofinta Xoolaha Soomaaliya loo Iib geyn jiray dalka Maser.
Ra’iisul wasaare Kheyre oo Addis Ababa shirka Midowga Africa uga qeyb-galaya
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo noqonaya safarkii labaad oo uu ku tago muddo bil gudahood.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka qeyb galaya shir ay leeyihiin Midowga Afrika, kaasoo looga hadlayo arrimo kala duwan.
Shirka Midowga Afrika ayaa sanadkiiba labo mar la qabto sida bilaha Janaayo iyo July, iyadoo sida caadada ah shir madaxeedka uu ka dhaco magaalada Addis Ababa, halka shirka labaad uu magaalo kale ka dhaco.
Hase ahaatee shirka July ee Midowga Afrika ayaa lagu waday in lagu qabto magaalada Kigali ee dalka Rwanda, balse loo soo wareejiyay Addis Ababa.
Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Afrika iyo bajadka uu ku shaqeynayo
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ku aaday Addis Ababa ayaa noqonaya kii labaad uu ku tago dalkaas, sidoo kale waa safarkii saddexaad ee uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay dhamaadkii bishii February.
Somali President: We will relaunch talks with Somaliland
President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Mohamed Abdullahi Farmajo said his government would begin talks with Somaliland, SONNA reported.
Speaking at the 57th Anniversary of Our Independence Day of 1st July at local government house, President said that his government is committed to relaunch talks with northwest regions(Somaliland) as soon as possible.
The President described that the unity is indispensable, therefore, he hoped the both sides would be reunited together again.
By Mohamed Osman “Black Cobra”
Tahriibayaal dooni kula qalibmatay badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Libiya
Hey’adda qaabilsan arrimaha qaxootiga ee aduunka IOM ayaa sheegtay in xeebaha dalka Liibiya ay ku dhinteen in ka badan 60 qof kuwaas oo aduun yar oo wateen kula qalibantay.
Hey’addu waxaa ay sheegtay in dadkan ay wateen doon ka sameysan wax yaabo baakado ah taasna ay keentay inay dagto dadka ayaana ahaa kuwo tahriib doon ah oo doonayey in ay galaan dhanka dalalka Yurub.
10 kamida dadkaas ayaa lasheegay in uu badbaadiyey markab agmarayey sidaasna lagu ogaaday inay jiraan dad badan oo ku dhibntay xeebaha dalka liibiya.
Weli waxaan cadeyn dalka ay dadkaan asal ahaan ka soo jeedaan balse waxaa loo badaniyaa inay ka soo jeedaan dalalka bariga africa.
Inta badan xeebta u dhaxeysay dalalka liibiya iyo talyaaniga ayaa waxaa ku tahriiba dad badan oo ka soo jeeda qaaradda africa kuwaas oo isaga baxaya dalalkoooda .
Soomaalida gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo Xusay 1-da Luulyo
Kumanaan Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay xaflad lagu maamuusayay Sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay markii uu dalka Soomaaliya ka xoroobay gumeestihii goboladda kala haystay taas oo ka dhacday magaalada Columbus Ohio.
Qaramadda Midoobay oo dhintay Kharashkii lagu bixin jiray nabad ilaalinta.
Qaramada Midoobay ayaa isku raacday dhimista ku dhawaad lix boqol oo milyan oo doolar oo ah miisaaniyadda sannadlaha ah ee hawlgaladda nabad ilaalinta.
Mareykanka oo ah taburacaha ugu badan ee miisaaniyada nabad ilaalinta ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, laakiin wuxuu ku baaqay in la sameeyo dhimis kale oo dheeraad ah.
Miisaaniyada hoos loo dhigay ee 7.3 bilyan oo doolar ayaa waxaa isku af-gartay Golaha loo dhan yahay iyadoo lagu maalgalin doono 14 hawlgallo nabad illaalin oo laga wado daafaha aduunka.
Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in dadaal kasta loo sameeyey in lagu fuliyo socodsiinta nabadda inkastoo miisaaniyadda hoos loo dhigay.
Wasiirka Arimaha Dibada Qadar oo si kulul ugu horyimid dalabkii loo soo jeediyey
Wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa sheegay in dalkiisu diiday dalabaadka ay ku soo eedeeyeen dhawr dal oo Carbeed, laakiin wuxu intaa ku daray in ay diyaar u yihiin wadahadal jawi caafimaad qaba lagu kulmo.
Iyadoo ay maalin keli ahi ka harsantahay mudadii ay u qabteen dalalkaas oo Sucuudiga iyo Imaraadka Carabtu ka mid yihiin, ayaa Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani, wuxuu ku celiyey in Qatar aanay aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah.
maanta oo Isniin ah ayey ku eg tahay ballantii goodiga ahayd ee ay dalalka Carbeed u qabteen inay kaga jawaab celiso liiska ay ku qoranyihiin arimaha loo gudbiyey.
Hase ahaatee ilaa hadda, Qatar si cad umay muujinin in ay diyaar u tahay in ay fuliso arimahaa laga dalbday. Waxaanu wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi sheegay in dalabaadka loo soo gudbiyey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xidhay habkii lagu wada hadli lahaa, waxa keliya ee u bannaanina yahay in ay Qatar ku gacan saydho.
In kasta oo ay hadallo isku mid ah oo ka soo yeedhayey madaxda caalamku ku baaqayeen in la isku tanaasulo, ayaa waxa muuqata in aan ilaa hadda halkii la isku seeganaa waxba laga dhaqaaqin.
Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitter-ka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar ee ay ka mid yihiin in ay joojiso maal gelinta argagixisadu ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin.
Laakiin Qatar waxay sheegtay in saddex iyo tobanka qodob ay dhaafsiisanyihiin dalabkaa argagixiso kalkaalka ah oo ay halis gelinayaan jiritaanka iyo madaxbannanida dalkeeda.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxkale oo xalay Shacab badan kula dabaal degay Beerta Nabada.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay Shacab Farabadan kula dabaal degay beerta Nabadda oo ka mid ah meelah ay isugu yimaadaan Bulshadda Soomaaliyeed.
Intii uu socday dabaal dega oo ahaa mid lagu xusaayay 1-da Luulyo ayaa Mas’uuliyiintii ka qeyb galay waxa ay shacabka ugu hambalyeeyeen Farxada Maalinta Xoriyadda Soomaaliya Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen in ay dowladda kala shaqeeyaan xaqiijinta Amniga Muqdisho.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo ka mid ah Mas’uuliyiintii ka qeyb galay dabaal dega ayaa Mas’uuliyiinta Beerta Nabadda ugu baaqay in ay Shacabka ka joojiyaan lacagaha laga qaado maadaama ay tahay goob dadweyne.
























