Home Blog Page 1577

Arday ka qalin jebisay Jaamacadda Jamhuuriya oo xaflad loogu qabtay Muqdisho

0

Munaasabad loogu dabaaldagayay qalinjabinta arday tiradoodu gaareyso 281 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Jamhuuriya ee culuumta iyo Teknoolajiyada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka sare ee Jaamacadda Jamhuuriya, Waalidiin, Bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigeenka golaha sare ee Jaamacadda Jamhuuriya Cusmaan Cali Xalane ayaa ugu hambalyeeyay ardada qalinjabineysay, maamulka, macalimiinta iyo howlwadeennada Jaamacadda guusha weyn ee la gaaray, isaga oo hoosta ka xariiqay in ujeeddada loo aasaasay Jaamacadda ay tahay soo saaridda Arday tayadoodu sareyso.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya Maxamuud Axmed Jimcaale oo la dardaarmay ardayda qalinjabineysay ayaa u sheegay in guusha dhabta ah la gaari doono marka waxa ay ardaydu barteen ay uga faa’ideeyaan mujtamaca Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay bahda Waxbarashada in ay ku dadaalaan sare u qaadista tayada tacliinta sare ee dalka.

Qaar ka mid ah ardadii qalin jabineysay oo dareenkooda cabiray ayaa muujiyay in ay ku faraxsanyihiin miradhalka go’aankii ay gaareen afar sano kahor.

Maxaa ka soo baxay kulankii R’iisul Wasaare Khayre iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta?

0

Muqdisho(SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlaha ka socda Wasaaradda, Waaxyaha kala duwan sida ay u shaqeynayaan iyo dowr ka Wacyi galinta ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa aad u amaanay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta, isagoona bogadiyay in la sii dardar galiyo Wacyi galinta bulshada, Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si weyn u garab taagan tahay Warbaahinta Dowladda oo kaalin muhiim  ah ka qaadaneysa Horumarka Dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Raiisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Jabuuti oo cambaaraysay Tijaabadii Gantaalka Nugliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

0

Jabuuti-(SONNA)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si kulul u cambaareysay tijaabadii Gantaalka Nugliyeerka aheyd oo ay dhawaan tijaabisay Kuuriyada Waqooyi,taasoo beesha caalamka ay si kulul uga hadashay.

Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha Dibadda ee Dowladda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Tijaabadan Nugliyeerka ah ay ka horimanayso Qaraarkii Golaha amaanka, liddina ay ku tahay nabadgelyada dowladaha Gobolka iyo kan caalamka guud ahaanba.

Sida ay soo warisay wakaaladda Wararka ee jabuuti,ayaa waxaa kaloo bayaankan ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda jabuuti loogu baaqay Kuuriyada waqooyi inay ixtiraamto heshiiskii mamnuucidda  tijaabooyinka nugliyeerka ee Caalamka.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyay Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar  Cismaan Yariisow ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlaha ka socda Wasaaradda, Waaxyaha kala duwan sida ay u shaqeynayaan iyo dowr ka Wacyi galinta ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa aad u amaanay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta, isagoona bogadiyay in la sii dardar galiyo Wacyi galinta bulshada, Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si weyn u garab taagan tahay Warbaahinta Dowladda oo kaalin muhiim  ah ka qaadaneysa Horumarka Dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Angela Merkel “Turkiga Meelna ugama banaana Midowga Yurub”

0

Berliin-(SONNA)- Ra’iisalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo ka qaybgashay dood Telifishinka oo dhex martay iyada iyo ninka loollanka adag kala dhexeeyo doorashooyinka soo socda ee xisbiga Hantiwadaagga, Martin Schulz ayaa ballan qaaday inay joojin doonto sii socoshada wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Merkel waxay ku adkaysatay in haddii ay doorashada soo socota ku guulaysato ay ku shaqayn doonto  waajibnimada in aan turkiga waligii xubin ka noqon midowga Yurub, arinkaasna kala hadli doonto saaxiibadeeda midowga yurub si mowqif midaysan looga qaato, loona xadido mudada kama danbaysta ah ee wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Illaa haddaMa jirto wax jawaab ah  ee dhinaca Turkiga oo ku saabsan Mowqifka Cusub ee Angela Merkel oo u muuqda hanjabaad sii kala fogayn karta Berliin iyo Ankara.

Xiriirka labadan dal ka dhexeeya ayaa mugdi sii galayay, waxayna muddooyinkaan danbe is dhaafsanayeen hadallo qallafsan oo dhinacba dhinaca kale ku eedaynayay.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab dayib Ordogan ayaa bishii tagtay ku timaamay madaxda Xisbiga xukuma jarmalka ee CDU inay yihiin Cadowga Turkiga, isagoo ugu baaqay codbixiyayaasha Jarmalka ee asalkoodu turkiga yahay in aysan u codayn Xisbiga Angela Merkel.

Doorashadaan ka dhici doonta dalka Jarmalka ayaa dadka codaynta xaqa u leh waxaa ka mid ah afar Milyan oo qof oo asalkoodu Turki yahay, kuwaasi oo natiijada doorashada saamayn ku yeelan kara.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed oo Kulan la qaatay Jaaliyadda Minneapolis

0

Muqdisho(SONNA)Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Mudane Axmed Cali Daahir iyo Xog-hayaha guud ee Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Kulan wada tashi iyo xog waran ah la yeeshey  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Minneapolis ee Gobolka  Minnesota ee Dalka Mareykanka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka shirarka ee Abuubakar Al Sadiiq ee Magaalada Minneapolis, iyadoo su’aalo lagu waydiiyey mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Axmed Cali Daahir ayaa ka warbixiyay xaaladda Dalka Soomaaliya uu marayo, isagoo u sheegay Qurba Joogta Soomaaliyeed in laga doonayo  in ay si weyn uga dhex muuqdaan Horumarka dalka.

“Dalka Soomaaliya haatan waxaa kajirta Dowlad u taagan sidii loo horumarin lahaa dalka,isbedelo badan ayaa jira iyo rajoouin,balse waxaa looga baahanyahay Qurba Joogta Soomaaliyeed sidii kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalkooda Hooyo”, Ayuu Yir DR Axmed CAli Daahir.

Xildhibaan Sadiiq warfaa oo ah Xog-hayaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,si loogu guuleysto xaqiijinta Amniga iyo ka hortaga dhagaraha Caddowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Wariyaheena Minnesota ee Mareykanka Liibaan Xuseen.

Tababbar loo furey ergada soo xuleysa golaha deegaanka Xudur

0

Xuddur-Bakool-Doorashada golaha deegaanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa muddooyinkan halkaas ka socotay, shalay magaalada Xudur waxaa ka furmey tababbar loo furey 150 ergo oo soo xulaya xubnaha golaha deegaanka degmadaas.

Tababbarkan ayaa socon doona Lix beri, waxaana ergadaas laga soo xuley 10 qabiil oo degta degmada Xudur.

Barnaamijkan lagu dhisayo golaha deegaanka qaar kamid ah degmooyinka dalka ayaa waxaa maalgelinaysa Qaramada Midoobay, waxaase fulinaya dhowr hey’addood oo ay kamid tahay CRD.

Degmada Xudur, ayaa lagu bilaabay barnaamijkan dhismaha goliyaasha deegaanada, xilka guddoomiyaha degmada Xudur ayaa waxaa u taagan in ka badan 10 musharax oo uu ku jiro kan hadda haya xilkaas.

Musharaxiinta u taagan xilkan ayaa intooda ugu badan ah dhalinyarada wax soo baratay iyadoo guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo xilkaas soo hayay ilaa 2000 oo mar kale y taagan yahay

Ka farxin carruur mise fikrad qaldan ku ababin ?

0

Waalidiinta ayaa mas’uuliyad weyn iska saara sidii ay ubadkooda ay ugaga farxin lahaayeen si gaara xiliyada ciidaha ‘Soon Fur & Ciidul-Adxa’, oo ah labada ciidood ee uga weyn bulshada Soomaaliyeed ee Muslim-ka ah u dabaal degaan, balse waxaa ka dhasha khatar dhaw oo muuqan karta iyo mid mustaqbal oo saameyn xun yeelan karta.

Dhamaan agabka ay carruurta ku ciyaaraan ayaa leh khatar, fursado niyad dhis iyo ka farxin ah, mid maaweelo iyo ciyaaro kala duwan, waana ay u wada baahan yihiin balse waxaa muhiim ah in bulshada is-weydiisa waxyaabaha ka dhalan kara.

Sawirka-1-aad: Carruur ku ciiday dhulka Al-Shabaab maamusha

Waxaa sawirka idinkaga muuqda carruur sidata hub caag ka samaysan, waxana uu qaabkooda u muuqdaa in yaraantoodaba lagu ababinayo dagaalka fikriga ah ee ay kooxda Al-Shabaab ku jirta, kaasi oo ay culimada ku sheegeen in uu yahay mid khaldan oo diin raad ku lahayn, sidaas darteedna ay carruurtan laga yaabo in ay ku bar-baaraan oo ay maraan wadada ay kooxdaasi ku joogto oo ah dagaal, xabbad, dil iyo mustaqbal xumo oo ka fog raaxo, nolol adduun oo is fahan leh iyo nabbad gelyeyn ku dhisan iyo mid Aakhiro u tabaabshi qaadadkeeda.

Sawirka-2aad: Carruur wakhti ku qaadanaysa meelaha ay dawlada Soomaaliya maamusha.

Carruurtan ayaa sidoo kale aad loogu iibiyaa oo qaata hubka caaga ah oo halistiisa leh,balse waxaa ay u dheer tahay in loo damaashad geeyo meelo ay ganacsato Soomaaliyeed ay maal-geshi ku sameeyeen oo loogu tala-galay in xilliga ciidaha ay carruurta wakhti ku qaataan halkaas oo ganacsataduna ka sameeyaan lacag badan.

Carruurtan ayaa iga ku dhiiran in ay ridaan rasaasta ka dhacda hubkaas(Bistoolad, Baaruuda & Qori) waxayna isugu ridaan mid mid ama koox-koox iyaga dhexdooda ah, waxaana ka dhalata khasaaro ah in ay dadweynaha ka nixiyaan, in ay iyaga indhaha iska tuuraan, ama halis kale oo dhinaca amniga ah wajahaan kadib marka ciidanka amaanka ka shakiyaan dhawaqa hubkaasi.

Waxaa sidoo kale ay carruurtan khatar ka wajahaan badda, waxaana la saara doomo aan la lahayn (Safety jackets) jaakadaha badbaadada haddii ay leeyihiina aan damaanad haysan sida uu ku waramaya C/qaadir Maxamed Cadde oo isaga ka tirsan Wakaaladda SONNA oo ay indhihiisa qabteen arrintan.

Khatar dhinaca amaanka

Tifaftiraha Wakaaladda SONNA, C/raxman Kanafa ayaa qaba in jiilkan Soomaaliyeed ee labada daan kala jooga ay yihiin kuwa u jihaysan hal jaanib(dhinac) oo ah in ay noqdaan askar, ha noqdeen kuwa Shabaab ama kuwa maleeshiyo oo dagaal la deris ah.

Waxaa xaqiiq ah oo dhacday in carruur badan ay naftooda geliyeen khatar kadib markii baaruuda ay kharxiyeen, waana halis weligeed baaqi noqon doonta haddii aan loo helin xal lagu xakamayn kara agabka ay carruurta ku ciyaaraan.

Xalka arrintan

Alaabta ay carruurta ku ciyaaraan ayaa ka soo dega dekaddaha ay dawladda Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada dalka gacanta ku haya, waxaana sahal ah in loo jeesto wax ka qabashada waxa ka soo dega ee khatar-ta ku ah jiilka Soomaaliyeed,waxaana ay dawladda kala hadli kartaa ganacsatada iyo culimada oo yeelanaya door wacyi gelineed oo ku aadan khatar-ta ay leeyihiin waxyaabaha qaar ee carruurteen loo soo dhoofiyo.

Waxaa kale oo ay dawladda sameyn kartaa in canshuurta ku kordhisa kaliya agabkaas ay carruurta khatar u horseedi kara iyadoon la mamnuucin waana hab ay dawladaha wax u uga qabtaan badeedacaha qaar ee aan dalka faa’idada u lahayn ee lagala soo dego dalka.

Geba-gebo  

Waxaa ila quman in waalidka ay door feejignaan leh ka qaataan arrintan, ganacsataduna gartaan in aysan noo keenin agab aan carruurta waddanka ay inooga keenaan ku ciyaarin oo ay fiirsan dano dhaqaale, balse door ku yeeshaan dhaqanka suuban ee dhalaankeena, waxaan qabaa in carruurta aad looga farxiyo balse xad yeelato heerka la gaarsiinayo ka farxinta carruurta.

Waa inaan ku ababinin wadddo khaldan oo mustaqbalkooda xumayn kara.

W/Q: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

Tifatiraha Q. English-ka Wakaaladda SONNA

E-mail: Cobrasonna@gmail.com

Angela Merkel “Turkiga Meelna ugama banaana Midowga Yurub”

0

Ra’iisalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo ka qaybgashay dood Telifishinka oo dhex martay iyada iyo ninka loollanka adag kala dhexeeyo doorashooyinka soo socda ee xisbiga Hantiwadaagga, Martin Schulz ayaa ballan qaaday inay joojin doonto sii socoshada wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Merkel waxay ku adkaysatay in haddii ay doorashada soo socota ku guulaysato ay ku shaqayn doonto  waajibnimada in aan turkiga waligii xubin ka noqon midowga Yurub, arinkaasna kala hadli doonto saaxiibadeeda midowga yurub si mowqif midaysan looga qaato, loona xadido mudada kama danbaysta ah ee wadahadalada Turkiga iyo Midowga Yurub.

Illaa haddaMa jirto wax jawaab ah  ee dhinaca Turkiga oo ku saabsan Mowqifka Cusub ee Angela Merkel oo u muuqda hanjabaad sii kala fogayn karta Berliin iyo Ankara.

Xiriirka labadan dal ka dhexeeya ayaa mugdi sii galayay, waxayna muddooyinkaan danbe is dhaafsanayeen hadallo qallafsan oo dhinacba dhinaca kale ku eedaynayay.

Madaxwaynaha dalka Turkiga Rajab dayib Ordogan ayaa bishii tagtay ku timaamay madaxda Xisbiga xukuma jarmalka ee CDU inay yihiin Cadowga Turkiga, isagoo ugu baaqay codbixiyayaasha Jarmalka ee asalkoodu turkiga yahay in aysan u codayn Xisbiga Angela Merkel.

Doorashadaan ka dhici doonta dalka Jarmalka ayaa dadka codaynta xaqa u leh waxaa ka mid ah afar Milyan oo qof oo asalkoodu Turki yahay, kuwaasi oo natiijada doorashada saamayn ku yeelan kara.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed oo Kulan la qaatay Jaaliyadda Minneapolis

0

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliyeed Mudane Axmed Cali Daahir iyo Xog-hayaha guud ee Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Kulan wada tashi iyo xog waran ah la yeeshey  Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Minneapolis ee Gobolka  Minnesota ee Dalka Mareykanka.