Home Blog Page 1577

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo khudbad ka jeediyey Bar. TEDx Muqdisho

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, hiigsigeyga waa in Muqdisho ay noqoto mid ka md ah magaalooyinka adduunka ugu horreeya, waxaan dhiiragelinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga shaqeeya Iskaa Wax u Qabso.

Waxaan u mahacelinayaa dadka dedaallada Muqdisho lagu dhisayo sameeyey ee bilaabay, waxaana u istaagi doonnaa dhammaanteen sidii aan uga wada qeyb-qaadan lahayn dhismaha caasimaddeenna Somaaliyeed.

Barnaamijka Iskaa Wax uq Qabso, waxaa lagu dhisay caasimadaha dalalka Suuriya iyo UK, kuwaas oo horey ugu bururay dagaalladii Sokeeyey ee dalka ka soo dhacay, waxa  uu intaa raaciyey in ay sii dhiiragelin doonaan howshaan oo Muqdisho aad muhiim ugu ah.

Wasiirrada Warfaafinta Destuurka guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb-galaya Bar. TEDx Muqdisho

0

Wasiirka Warfaafinta, wasiirka Destuurka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ka qeyb-galaya Barnaamijka TEDx Muqdisho oo ah barnaamij isu keenna bulshada, siyaasiiyiinta, aqoonyahannada, abwaannada, Dhaqaatiirta, dhalinyarada, Haweenka iyo fikir curiyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ka bilaabanaya goor dhow Muqdisho, kaas oo ay soo agaasintay Ilwad Elman.

Barnaamijkaan oo sannadle ah, sannadkaan waxa cinwaan u ah Iskaa wax u qabso, Ilwaad Elman oo madax ka ah barnaamijka TEDx Muqdisho, ayaa furtay barnaamijka, waxa ay sheegtay in u jeedada ay tahay sidii dadweynaha loo dareensiin lahaa dib u soo laabashada Muqdisho dhinac walba, si dagaaladii burburiyey dalka loogu badelo horumar iyo wax wada qabsi.

”Iskaa wax u qabso waxaan u doorannay in uu yahay Cinwaanka ugu habboon sannadkaan, waxaan aaminsahay in ay muhiim tahay dhiiragelinta hal u dhiggaas, waxaan kaloo aaminsanahay in dadka Soomaalida ah ay diyaar u  yihiin isku tashi iyo horumarinta dalkooda.”  ayeey tiri Ilwad Eman.

Waxa ay u mahadceliyey Telefishinka Qaranka, Basiir Peace iyo inta gacan ka geysatay in barnaamijkaan TEDx Muqdisho sannadkii afaraad lagu qabto Muqdisho.

.

 

LIVE uga daawo goor dhow SNTV barnaamijka TEDx Muqdisho

0

Barnaamijka TEDx Muqdisho oo ah barnaamij isu keenna bulshada, siyaasiiyiinta, aqoonyahannada, abwaannada, dhalinyarada, Haweenka iyo fikir curiyeyaasha Soomaaliyeed ayaa ka bilaabanaya goor dhow Muqdisho, kaas oo ay soo agaasintay Ilwad Elman.

Barnaamijkaan oo sannadle ah, sannadkaan waxa cinwaan u ah Iskaa wax u qabso, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen dadka isku dayey in ay soo kordhiyaan fikirado cusub,  dhinacyada ganacsiga, siyaasadda, amniga iyo horumarinta dalka.

Barmaamikaan waxa uu si gaar ah u xambaaran yahay dagaalladii sokeeye ee Soomaliya ka dhacay kaddib isbadellada dalka ka jira, isla markaana waxa uu dhiiragelinayaa oo uu soo bandhigayaa shaqsiyaadkii ku guuleystay fikradaha ay dalka ku soo kordhiyeen.

Dhallinyaro Tartan xifdinta Qur’aanka uga qeyb galay Kuwait oo shahaadooyin la guddoonsiiyay

0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh  ayaa munaasibad casho iyo sagootin ah ugu sameeyay xarunta safaaradda Wiilal Soomaaliyeed oo tartan Quraan xifdin ah oo la qabto sanadkiiba mar uga qayb galay wadanka Kuwait.

Dhallinyarada Soomaalida ah ee ka qayb galay tartanka isla markaana kaalimo muhiim ah ka galay ayaa waxaa ay kala ahaayeen

1:Axmed Burhaan Maxamed oo Soomaalida Mareykanka ka socday

2:Cabdirisaaq Geedi Xaashi oo Soomaaliya ka socdey

3:Cumar Maxamed Mukhtaar oo isna matalayay Soomaalida  Norway ku dhaqan.

Munaasibada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait, Qunsulka, mas’uuliyiin iyo culimaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhamaantood u muujiyay farxad dhallinyaradaas .

Munaasabadda waxaa ka hadlley Madaxa Culimada Soomaalida ee Kuwait Sheekh Maxamuud Xaji wuxuuna ka warbixiyey tartanka ay ka qayb galeen  kaalimaha ay kalla gallen iyo  guusha ay u soohoyeen guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isagoo baraarujiyay dhallinta tartanka ka qayb gashay .

Qunsulka Safaarada Soomaaliya ee Kuwait Mudane Abiib Muusa Faarax ayaa dhankiisa bogaadiyey guusha ay u soo hoyeen wiilashaani bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay tahay mid taariikhda u gashay.

Safiirka safaaradda Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdiqaadir Amiin Sheekh oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay in guusha ay u soo hooyatay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna ku amaanay dedaalka balaaran ee ay sameeyeen.

Mudane Cabdiqaadir Amiin Sheekh iyo mas’uuliyiinta kale ee safaaradda ayaa Shahaadooyin guddoonsiiyay dhallinyarada tartanka ka qayb galay, waxaana ka qayb galay tartankaan quraan aqriska ah culimo ka kala socotay ilaa 63 dal oo dunida ah.

 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay dalka Mareykanka

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayo dhaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay magaalada Washington ee Caasimadda Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA  ayaa sheegay in u jeeddada shirka ay u tageen tahay ka qeybgalka sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka oo sanadkasta qabta labo shir, waxaana  la isku xogwareystaa in dowlad waliba waxa ay tabaneyso laga wareysto.

Wasiir Beyle ayaa hadalkiisa ku daray “Sanduuqa lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa labo shir qabta, waxaa shir adduunka oo dhan ay isugu timaado, oo ay kala hadasho waxa ay tabanayaan, isla markaana ay u ogolaato inay qaataan deymo horleh”

Mudane Beyle ayaa sheegay in  Adduunka uu aad u xiseeynayo dawladda cusub ee Soomaaliya waxaana uu tilmaamay  in waxyaabo badan ay ka wada hadleen sidii  Dawladda Soomaaliya looga taakuleen lahaa xaga dhaqaalaha.

“Waxaan kala hadalnay sidii dhanka dhaqaalaha ay nooga caawin lahaayeen, iyagoo naga cosaday inaan xoojino dhanka amniga, waxaan kaloo ka  wada hadalnay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda

Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud ka kala socoto 200 dal.

Ra’iisul wasaaraha JFS oo sheegay in Dowladda ay ku shaqeyneyso Aragtida shacabka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga  Gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho ayaa boqolaal shacabka xeebta Liido kula damaashaaday, si uu dareensiiyo in dowladda  ka go’an tahay inay la qaybsato   shacabkeeda  xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin isla markaana  waxa uu ka  dhageysanayey  fikirkooda ku aadan  qaabka ay doonayaan  in dalkeena  lagu hogaamiyo.

Mudane Xasan Cali kheyre  Ra’iisul Wasaaraha  dalka ayaa  shacabkii ku sugnaa  xeebta  oo  u badnaa dhallinyaro  ayaa mid mid u waydiiyey  sida ay doonayaan in ay dowladdu u shaqayso isla markaana dalkeena horumar uu ku gaari karo, isagoo u dareeensiiyey in dowladda ay ku shaqayneyso  aragtida wanaagsan ee  bulshada

Ganacsato  xeebta ku  haysta  ganacsiga yar  ayuu Ra’iisul waasaare Kheyre  ku dhiiri gelinayey inay  shaqadooda wataan , kala xogwareystay  hadii ay jirto caqabado  haysta  oo ka hor imaanaya  in ay siiwataan ganacsigooda .

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  oo xeebta Liido kula hadlay dadkii uu kula kulmay xeebta  ayaa tilmaamay in Xukumadda ay ku shaqayneyso  rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed , si looga miro dhalliyo halbeega Xukumadda ee karti iyo hufnan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa afaafka hore  ee Tiyaaratarka Qaranka waxa uu kula kulmay  dad naafo ah oo  xilligaasi hor fadhiyey laaamiga,  isagoo  la qaybsanayey daruufta  haysata oo sababtay  in  qaraxda  ay  fariistaan waana uu ka farxiyey.

Eng. Yarisow “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaaraha ee dalka ka socda”

0

Wasiirka Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii maanta ay kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino ay kooxaha argagaxisada ah ugu talo galeen inay ku hor-istaagaan gurmadkaas. Qaraxa miinada ay argagaxisadu doonayeen inay ku dilaan saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaa waxaa nasiib wanaag ah in uu EEBBE ka bad-baadiyey oo aysan jirin wax khasaare ah ama dhaawac ah. Gaarigii ayaa halkaas ku gubtay, dadkii saarnaana waa ay bad-baadeen dhammaantood.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, halka kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab ay iyagana mudnaan koowaad ka dhigteen is-hortaaga in shacabkaas tabaaleysan loo gurmado. Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah.”

Eng. Yarisow ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey “Dowladda Federaalka waxaa ka go’an in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, oo falalka noocan oo kale ahna ay nagu sii dhiirigelinayaan inaan geesinimo ka sii qaadno annagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed oo aan labo-jibaarno howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah.”
DHAMAAD

Tababbar ku saabsan tayaynta shaqaalaha dowladda oo la soo gabo gabeeyay

0

Tababbarkaan Tayeynta shaqaalaha Dawladda ayaa waxaa ka qaybgelay inka badan 100 Shaqaale oo ka kala socday qaar ka mid ah Hay’adaha Dawladda, kaasi oo socday muddo Shan maalmood ah, iyadoo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Dawladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa tilmaamay Jaamaddu ay kaalin fiican ka qaadatay tababbarkan, isagoo intaa ku daray in qiimeyn lagu sameyn doono dadkii ka faa’iideystay tababbarka.

Xiriiriyaha Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda Cumar Maxamed Cabdi ayaa sheegay in tababbarkan uu door muhiim ah ka qaadan doono kobcinta aqoonta shaqaalaha dowladda, ayna joogteyn doonaan tababbarada nuucaani ah.

Madaxa Mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dawladda ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xasan Cabdullaahi Diiriye ayaa tilmaamay faa’idada ku jirta in gudaha Soomaaliya lagu bixiyo tababbarkan oo ku sheegay

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada C/siis Saalax Carmaan oo ka soo qaybgalay tababbarka ayaa sheegay in siminaarkan oo furmay 15-kii bishan ay tahay wax aad u weyn loogu farxo, waxaana uu kula dar daarmay inay ku dabaqaan howlaha loo idmaday.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac oosoo xiray tababbarka ayaa ku bogaadiyay ka qaybgalayaasha in ay ugu faa’ideeyaan Shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan fursadan, waxaana uu intaa ku daray inay sameynayaan nidaam shaqaalaha dowladda lagu tababarayo.

Xoolahaaga ama xirfadaada ayaa loo qaadanaya lacagaha waxbarashada Iskuulada Zimbabwe

0

Mogadishu(SONNA)-Waalidiinta reer Zimbabwe ee aanay awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha iskuulada lagu bixiyo(School fees) waxa ay ku bixin karaan xoolahooda sida ariga-kan cad iyo idaha ama shaqooyin kale ayey u qabanayaan iskuulada ay carruurtooda wax uga barto.

Wasiirka Waxbarashada Zimbabwe, Lazarus Dokora ayaa u sheegay wargayska ‘Sunday Mail’ oo dawlada taabacsan  in ay iskuulada meel uun ku dheganaanayn marka ay timaado dalabka lacagta waxbarasho ee waalidka laga doonayo.

“Waa in ay aqbalaan iskuulada xoolo kaliya maahee ee ay sidoo kale ay adeegyada iyo xirfadahooda ay ku bedeshaan oo u  qaataan lacagta waxbarashada ‘School fees’, haddii bulshada uu ku jira qof wax dhisaya waa in iyada ama isaga la siiyaa fursad uu uga shaqeeyo iskuulka loona qaato lacagta waxbarasha ee carruurtiisa”, sidaas waxaa laga soo xigtay Wasiirka Waxbarashada dalkaasi.

Mas’uul ka tirsan wasaarada ayaa ku sifeeyay hadalka Wasiirka in dadka ku dhaqan miyiga ay xoolaha ay iskaga bixin karaan lacagaha waxbarashada halka kuwa magaalada ku dhaqan ay ku bedelanayaan xirfadahooda oo ay u shaqaynayaan iskuulada.

Baarlaman Zimbabwe ayaa todobaadkan ku soo kordhay Bangiyada dalkaasi sharci u ogolaanaya kuwa wax ka amaahsanaya in ay diiwan gashan karaan hantida dhaq-dhaqaaqda sida gaadiidka, mashinada sida ay BBC-da Qaybteeda ganacsiga ku waramayso.

Zimbabwe ayaa ka jirta xaalad aad u daran oo dhinaca dhaqaalaha ah waxaana safaf dhaadheer oo saacado qaato loo galaa in Bangiyada lagala soo baxo lacago ‘Cash’ ah waxana dadka dhaliila dawlada ay sheegayaan in ay jirto maalgeshi la’aan iyo shaqo la’aan.

Arrinta waxa ay noqotay sheeko aad looga hadal hayo gudaha dalkaas oo baraha bulshada sida Twitter-ka ayaa looga faanoolanayaa, waxaana dalkaasi ka taliya Madaxweyne, Ruber Mugabe oo dhalinta Africa ka samaysa hadalo maad ah.

Zimbabwe waxaa maalintii shalay ay u dabaal degtay sannad guuradii 37-aad ee ka soo wareegatay xiligii uu dalkaasi madax-banaanida uu qaatay.

Waxa Tarjumay oo isku duway:

Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

SONNA-Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo daah furay xafiis cusub oo lagu maareynayo arrimaha gargaarka

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliso Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta si wada jir ah u daah furtay xarunta Qaranka iskudabaridka Arrimaha gargaarka, kaasi oo ujeedkiisuyahay nidaamka lagu hagaajinayo xiriirka iyo isu-duwida hay’adaha gargaarka iyo dowladda.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Warfaafinta, Caafimaadka, Xildhibaanno, safiiro iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha samafalka.

Qaar ka mid ah Wakiilada Hay’adaha Samafalka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta xafiiskan cusub, si loo maareeyo deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirada Turkiga iyo Masar ee Soomaaliya u jooga ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay xafiiska cusub, waxaana ay balan qaadeen inay dhankooda gacan ka geysan doonaan sidii deeqaha loo marsiin lahaa xafiiskaasi.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed sheegtay in xafiiskan uu yahay mid lagu maareynayo deeqaha loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed, si aysan u dhicin is bar baryaac

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fawziya Abiikar Nuur ayaa tilmaamtay in ka Wasaarad ahaan ay isgarab taagi doonaan xafiiskan cusub, ayna diyaar u yihiin inay howlwadeenno caafimaad u diraan meelaha dadka ku soo barkacay si loogu sameeyo adeegyo caafimaad.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cumar Cabdiraxmaan Yariisow ayaa soo dhaweeyay hirgelinta xafiiskan, isla markaana looga fadhiyo inuu maareeyo deeqaha loogu talagalay shacabka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta loo dhisay Wasaaraddu ay tahay inay odo-rasto abaaraha iyo waxyaabaha sababay musiibooyinka, iyadoo looga fadhiyo in Wasaaraddu ay keento qorshe looga hortagi karo abaaraha ragaadiyay dalka, isagoo xusay in xafiiska cusub uu wax badan ku soo kordhin doono arrimaha maareynta gargaarka.