Soomaalidu waa ku caan Dimuqraadiyadda iyo martigalinta (FAALLO)

Date:

Soomaalidu hadda ma bilaabin habka dimuqraadiga waa ay ku soo dhaqmi jirtay laga soo bilaabo markii ay xorriyadda qaatay, waayo waxaa lagi kala bixi jiray hab dooradhooyin ah, islmarkaana mar walba ayay horsed u aheyd Wadamada Qaaradda Afrika, mana dhicin abid doorasho lagu murmo ama xil ka degista madaxdu diiddo.

Shalay ayaa laga xusay Dunida maalinta Caalamiga ah ee Dimoqraadiyadda adduunaka, sidaasi awgeed ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Mareykanka waxaa ay ugu hambalyeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aadan horumarinta hanaanka dimoqraadiyadeed ee ku aadan dhismaha hay’adaha Dowladda,iyo qaabkii ay u dhacday doorashadii dalka ka dhacay dabayaaqadii 2016-kii.

Warkan qoraalka ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibaddda ee Mareykanka ayaa lagu yiri” Mareykanka waxaa uu ku dhiiro gelinayaa dowladda Soomaaliya in ay sii wado dadaalkeedi ku aadan horumarinta sharciyada muhiimka u ah dalka,kuwaasi oo horseedaya in doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020-ka.

Waxaa kamid ah waxyaabaha ay ka dhawaajisay Dowladda Mareykanka dib u eegista Dastuurka Dalka iyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha Dowladda,kuwaasi oo u adeegaya bulshada Soomaaliyeed.

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya qalalaaso muddo sanado ah ka jiray,wadada dimoqraadiyadda in la qaado waa wax adag,waxaan ku boorinaynaa dhamaan hogaamiyaasha Soomaalida in ay ka wada shaqeeyaan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar iyo dhanka Dimoqraadiyadda ah iyo Dowlad nimada”, Ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay Soomaaliya sidii ay mar kale cageheed isugu taagi lahayd,islamarkaana nabad iyo xasilooni waarta ka dhalata geyiga Soomaaliya.

Dhinaca kale Soomaaliya muddooyinkaan dambe waxay ku tilaabsaneysan horumar dhinacyo badan taabanaya, waxaana ka mid ah dhinaca Dalxiiska, ma is dhahaysay Soomaaliya ayaa Dalxiis loogu imaan karaa?, waa dhacdaa oo hadda waxaa socda dadaalo lagu horumarin lahaa adeegyada looga baahana yahay goobaha loo tabashle tago, taasina waxaa kuu caddeynaysa in dhawaan shirka looga hadlaayay arrimaha Dalxiiska ayaa Dalka Soomaaliya loogu ogolaaday inay noqoto xubintii 159-aad ee xubnaha ka ah Hey’adda Dalxiiska adduunka, kaasi oo ka dhacay sannadka Magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha, islmarkaana looga arrinsaday arrimaha dalxiiska caalamka iyo sida loo horumarin karo.

Shirkan oo ay Soomaalidu ka qeybgashay ayaa abadii sannoba mar la qabtaa, tallaabadasi ayaa ah guul taariikhi ah u soo hotay Soomaaliya oo si rasmi ah uga mid noqotay 159-ka dal ee hey’adda Dalxiiska dunida ku mideysan, waxaana guushaan ka soo shaqeysay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo si xeyladeysan uga shaqeysay arrintan, kana gadday caalamka in Soomaaliya ay diyaar u tahay iskaashiga Dalxiiska, kuna wanaagsan tahay in loo soo dalxiistago.

Soomaaliya ayaa buuxisay dhammaan sharuudaha looga baahnaa, kuwaasoo laga dooday ayna difaacayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Warfaafinta oo uu ka mid yahay latliyaha dhinaca Dalxiiska Yaasir Baafo kaddib Soomaaliya ayaa heshay cod Akhlabiyad leh, iyadoo noqotay waddanka 159-aad ee ku biira hey’addan, waxaana uga horreeyey Waddamada Cameron iyo waddamada Carabta iyo Africa qaarkood, halka Falastiin ay soo buuxin weydey sharuudaha Dalxiisnimo.

Qorshahan ayaa ka mid ah barnaamijka Nabad iyo Nolo ee Xukuumadda oo ka turjumaya in Dalxiisku uu qeyb weyn ka soo qaadan doono kaabayaasha iyo kobaca dhaqaalaha dalka oo dhan.

Yaasir Maxamed Baafo La taliyaha dhinaca Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa khudbad uu ka jeediyey shirka caalamiga ah ee Dalxiiska waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay ka soo kabatay burburkii iyo dagaalladii sokeeye, una badeshay horumar, dib u dhis, kobac dhaqaale iyo midnimo, taasoo uu ku tilmaamay in fursad buuxda ay u siineyso dalka in loo soo dalxiis tago, Soomaaliduna ay yihiin dad ku horreeya martigelinta iyo soo dhoweynta.

Yaasri ayaa khudbaddiisa ku soo hadal qaadey oo yiri “haddaba ii ogollaada in aan idin xasuusiyo Soomaaliyada dhabta ah ee 1991-kii ka hor, Soomaaliya waxay ahayd waddan ka mid ah wadamada Afrika ugu awoodda weyn, dowlad wanaag, dal nadiif iyo doog ah, nabad ah, taariikh leh iyo khayraadka dalxiiska oo dhabiici ah kuna faanto dalkeeda, oo Soomaaliya xiligaas dunida ayaa looga imaan jiray” sidaas ay ahaataba Soomaaliya dalxiiskeeda ma guurin weli khayraadkii waa inoo sidoodii dadkuna waxay ku dalxiisaan si raaxo iyo ixtiraam leh.

Horraantii Bishii June Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa booqdey xarunta Dalxiiska caalamka ee Madrid oo ka tirsan dalka Spain, isagoo ku soo qanciyey masuuliyiinta hey’adda Dalxiiska in fursadda Soomaaliya u baahan tahay la siiyo, isla markaana ku soo bandhigay Kheyraadka dhinaca Dhulka, Badda iyo magaalooyin ee ay Soomaaliya heysato, kuwaas oo ay uga horreyso dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Haddaba Soomaalidu waa ku caan Dimuqraadiyadda iyo martigalinta waayo dhaqan ahaan Dadka Soomaaliyeed waa Qowmiyad ku fiican dhanka martigalinta iyo soo dhaweynta martida.

W.D.C/laahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...