Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka bilabatay Jowhar

Date:

Jowhar(SONNA)–Magalada jowhar ayaa si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Madaxweyne ee maamulka Hirshabeelle, kaasi oo ay ku taratamayaan Musharxiin dhowr ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee maamulkaasi,iyadoo ay u taagan yihiin doorashadaasi ilaa 8 musharax, kuwaasi oo dhawaan baarlamaanku uu dhageystay waxqabadka musharaxkasta.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada nabad geliyada sugaya ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada iyo xaruunta ay ka dhacayso doorashada.

Waxaa ka qeybgalaya doorashada mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,Guddiga Doorashooyinka,iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay u dhacayso doorahsada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlay goobta ay doorashadu ka dhacayso ayaa sheegay inay kor-joogta ka yihiin doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay Musharax gaar ah wadato, isagoo xusay in aanay jirin Musharax ay si gaar ah u taageersan yihiin.

“Anagu doorashada wax faragelin ah kuma heynno, waxaanxe ka nahay kor-joogto, Musharax ay dowladda wadato ma jirto”ayuu yiri Wasiir. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in 8-da Musharax ciddii soo baxday ay ka rajeynayaan inay isu doono dadka reer Hirshabeelle, ka dowlad ahaan ay xasiloonida, nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta ay kala shaqeyn doonaan Musharaxii guuleysta.
Musharaxiinta ka qeybqaadanaya taratankaasi ayaa magacyadoodu kala yihiin:-

1- Daahir Cabdulle Cawaale
2- C/raxmaan Xasan Caddow
3- Yuusuf Axmed Hagar
4- Maxamed Caruush Diirow
5- C/naasir Maxamed Shirwac
6- Cabdi Faarax Laqanyo,
7- Maxamed Cabdi Waare
8- C/kariin Cali Nuur
Kala soco halkaan wixii warar ah eek u soo kordha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...