Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka bilabatay Jowhar

Date:

Jowhar(SONNA)–Magalada jowhar ayaa si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Madaxweyne ee maamulka Hirshabeelle, kaasi oo ay ku taratamayaan Musharxiin dhowr ah.

Mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee maamulkaasi,iyadoo ay u taagan yihiin doorashadaasi ilaa 8 musharax, kuwaasi oo dhawaan baarlamaanku uu dhageystay waxqabadka musharaxkasta.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ciidamada nabad geliyada sugaya ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada iyo xaruunta ay ka dhacayso doorashada.

Waxaa ka qeybgalaya doorashada mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,Guddiga Doorashooyinka,iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo u kuurgalaya qaabka ay u dhacayso doorahsada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo ka hadlay goobta ay doorashadu ka dhacayso ayaa sheegay inay kor-joogta ka yihiin doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, wuxuuna meesha ka saaray wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay Musharax gaar ah wadato, isagoo xusay in aanay jirin Musharax ay si gaar ah u taageersan yihiin.

“Anagu doorashada wax faragelin ah kuma heynno, waxaanxe ka nahay kor-joogto, Musharax ay dowladda wadato ma jirto”ayuu yiri Wasiir. Wuxuuna hoosta ka xariiqay in 8-da Musharax ciddii soo baxday ay ka rajeynayaan inay isu doono dadka reer Hirshabeelle, ka dowlad ahaan ay xasiloonida, nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta ay kala shaqeyn doonaan Musharaxii guuleysta.
Musharaxiinta ka qeybqaadanaya taratankaasi ayaa magacyadoodu kala yihiin:-

1- Daahir Cabdulle Cawaale
2- C/raxmaan Xasan Caddow
3- Yuusuf Axmed Hagar
4- Maxamed Caruush Diirow
5- C/naasir Maxamed Shirwac
6- Cabdi Faarax Laqanyo,
7- Maxamed Cabdi Waare
8- C/kariin Cali Nuur
Kala soco halkaan wixii warar ah eek u soo kordha

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...