Home Blog Page 1579

Dowladda Federaalka oo dhiirigelineysa Bandhigga TEDxMogadishu 2017

0

Mogadishu, 19 April 2017 – Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Hay’ada TEDxMogadishu ayaa soo dhoweeyey isla markaasna dhiirigeliyey Bandhiga TEDxMogadishu oo maalinta Khamiista 20ka April 2017 laguna qaban doono Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “TEDxMogadishu waxey ku ammaananyihiin doorkooda ay bulshada ku gaarsiinayaan horumarka dalka ka jira oo ay marwalba ku soo bandhigaan sawiro, barnaamijyo, farshaxan, sawir gacmeed iyo sida ay marwalba uga shaqeeyaan isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Federaalku waxey aad u soo dhoweyneysaa Bandhiga TEDxMogadishu ee sanadkan oo ay mowduuc uga dhigeen Iskaa Wax U Qabso si bulshada loogu dhiirigeliyo inay dalkooda dhistaan.”

Caasimadda Muqdisho ayaa ah mid dib u soo bilicday oo bulshada Soomaaliyeed ay ku muujiyeen sida ay wax u qabsan karaan, oo dhalinyarada, ganacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu ay maalin walba door ka qaataan quruxda iyo bilicda Muqdisho iyo gobollada kale.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaalidu waa dad ku fiican ganacsiga, is-dhexgalka, is-kaalmeynta iyo gancsi-wadaaga oo keentay in shacabku ay dalkooda dib u dhistaan. Waxaana farxad ah in TEDxMogadishu ay sanadkan 2017 mowduuca ay xusheen uu noqday Iskaa Wax U Qabso oo Soomaalida taariikh weyn ku leh, ahaana mashruucii dalka lagu soo dhisay oo ay bulshadu si hagar la’aan ah uga wada qeybqaateen. Maantana waxaa la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa barnaamijkaas Iskaa Wax U Qabso.”

Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa si toos (live) ah u soo tabin doona bandhiga TEDxMogadishu, Khamiista 20ka April 2017, iyadoo qof walbana laga codsanayo inuu kaalin ka qaato sidii quruxda iyo horumarka dalka ka jira loo gaarsiin lahaa caalamka si fikirka laga qabo Soomaaliya loo saxo. Soomaaliya Soomaali baa iska leh, sidaas daraadeed qof kale kuuma qabanayo howshaada oo ah soo celinta sharafta iyo karaamada ummada Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha
media@moi.gov.so ama sidiqfaarax@gmail.com

Kulan looga hadlayay Tayaynta hay'adaha Dowladda oo lagu qabtay Muqdisho+ Sawirro

0

Muqdisho-(SONNA)- Kulanka oo looga hadlayey Mashruuca Tayeynta hay’adaha dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka waxaa ka qayb galay wasiiro katirsan xukuumadda Federaalka ah, agaasimayaal, madaxda guddiga shaqaalaha rayidka xubno matalayey Bankiga dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska  ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay xafiiska Wasiirka koowaad ayaa dhinacyada ka qayb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu ka soo bilowday mashruuca Tayaynta Hay’adaha dowladda, hadafka laga leeyahay iyo doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qayb galay kulanka.

Wasiiru- dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaN uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca tayaynta hay’adaha dowladda.

Hadafka ugu wayn ee mashruuca tayaynta Hay’adaha dowladda ayaa ku salaysan sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan hay’adaha dowladda , sida uu mar kale sheegay Mudane Cabdullaahi Xaamud wasiiru dowlaha xafiiska Raiisul wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada hay’adaha dowladda.

Kulan looga hadlaayey Tayeynta Hay’addaha Dowlada oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho

0

Kulanka oo looga hadlayey Mashruuca Tayeynta hay’adaha dowladda oo uu maal galinayo Bankiga Aduunka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka ah, Agaasimeyaal, Madaxda Guddiga Shaqaalaha Rayidka xubno matalayey Bankiga Dhexe iyo masuuliyiin ka socday xafiiska  Ra’iisul wasaaraha.

Mashruuca oo isku dabaridkiisu uu leeyahay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyada ka qeyb galay lala wadaagay xog ku saabsan halka uu kasoo bilowday mashruuca Tayeynta Hay’adaha Dowladda, hadafka laga leeyahay iyo doorka ay ku yeelanayaan dhinacyada ka qeyb galay kulanka.

Wasiiru Dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdullahi Xaamud ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka uu yahay wargalin iyo xog la wadaagis Wasiirada cusub oo door ku leh mashruuca tayeynta Hay’adaha Dowladda.

Hadafka ugu weyn ee mashruuca tayeynta Hay’adaha dowladda ayaa ku saleysan Sare u qaadista iyo horumarinta howlaha ay hayaan Hey’adaha Dowladda , sida uu mar kale sheegay Mudane Cabdullaahi Xaamud Wasiiru Dowlaha xafiiska Raiisul Wasaaraha.

Dowladda Soomaaliya oo xiligan ku howlan dar dar galinta howlaha qaranka ayaa wada qorshayaal kaalin ka qaadanaya dhismaha iyo sare u qaadista shaqada hay’adaha dowladda.

Kulan looga hadlaayey tayeyta Waxbarashada Dalka oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

0

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa  tayeynta waxbarashada Dalka ayaa waxaa  Magaaladda Muqdisho ay ku yeeshay  Wasaaradda Waxbarashada  iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah iyo Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleeedyada,waxaana kulanka soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Federaalka ah.

Kulanka ayaa qeybtiisa hore looga hadlay kulamo wada tashi oo horey wasaarada waxbarashada ee dowladda Soomaaliya ay ugu  qabatay qeybaha waxbarashada ee Dowladda Goboleedyada ,waxaana wasiirada waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada ay ka hadleen aragtidooda kulankan iyo sida ay la tahay in waxbarashada dalka lagu horumarin karo.

Wasiiru Dowlada Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud C/lle ‘’Jaabiri iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay horumarinta waxbarashada dalka islamarkaana looga baahanyahay Dowladda Goboleedyada in ay ku dadaalaan horumarinta waxbarashada deegaanadooda.

Wasiirka Arimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisinta ee Dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ ayaa kula dardaarmay Madaxda waxbarashada ee Dowlada Dhexe iyo Dowlad goboleedyada in la sameeyo Xarumo dowladeed,iyadoo laga tala gelinaayo Daladaha waxbarashada maadaamaa ay door muhiim ah ku leeyihiin horumarinta waxbarashada ee dalka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in ujeedka uu yahay in ubadka Soomaaliyeed uu helo waxbarasho tayeysan.

Hooyo iyo labadeeda Carruur ah oo gaajo ugu geeriyooday Gobolka Mudug

0

Deeganka Hilme ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramaa in Hooyo iyo labo carruur ah oo ay dhashay ugu geeriyoodeen gaajo iyo haraad, kaddib markii ay saameysay abaarta halkaasi ka jirta.

Cali Aadan Dheere Guddoomiyaha deegaanka Hilme ayaa sheegay in biyo la’aan ay ka jirto deegaanka iyo deegaannada ku xeeran, waxaana uu intaa raaciyay in fuustidii biyaha ay ka joogto 180kun, taasi oo maalmihii dhawaa la waayay.

“Saddex qof ayaa dhintay, waana hooyo iyo labadeena carruur ah, gaajo iyo haraad ayay u dhinteen, baraakadihii ay biyaha ka cabi jireen waa ay jabeen, mana jiraan meel ay dadka xoolo dhaqato aadaan, maadaama ay xoolihii ka dhamaadeen” ayuu yiri Cali Aadan.

Inta la xaqiijiyay labadii todobaad ee la soo dhaafay dadka u dhintay abaarta ka jirta gobolka Mudug awgeed waxa ay gaarayaan 16 qof.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray Hanaanka shaqo ee qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda

0

Muqdisho, Abriil 18.2017——-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha, isaga oo kormeeray Hannaanka shaqo ee hay’addahaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u galay xafiisyada Wasaaradaha Warfaafinta, Wasaaradda Kalluumeysiga, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Haweenka iyo xaquuqul insaanka, waxa uuna mid mid u wareystay agaasime waaxeedyada, waxa uuna ka wareystay horumarka iyo caqbadaha howlaha shaqada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday Xafiisyada Wasaaradda Haweenka, isaga oo ku kulmay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda haweenka Samra Ibraahim Cumar iyo agaasimaha Guud ee Wasaarada xilli ay ku howlanaayeen howlaha Wasaarada.

“Sababta aan sida kediska ah idiinkugu soo booqday waxay tahay inaan hubiyo Hannaanka shaqada ee Wasaaradahan, waxaana si joogto ah booqasho ugu imaan doonaa dhamaan xarumaha Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee fulinta” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.

Intii uu ku guda jiray kormeerkan howleed, Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tagay xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha, isaga oo xafiiskiisa ugu galay Wasiirka Warfaafinta Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo xilligaasi ku jiray howlihiisa shaqo, waxaana uu si guud u kormeeray qeybaha kale ee xafiisyada Wasaaradda.

“Shaqaalaha Wasaaradaha waxaa laga rabaa inay kordhiyaan wax soo saarkooda iyo howlohooda shaqo, Xukuumadeyduna waxay ku dadaaleysaa inay helaan xaquuqdooda iyo agabka shaqada si loogu sahlo Hannaanka shaqada.

—-DHAMMAAD—-

Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika oo la sagootiyay

0

Xildhibaanno, mas’uuliyiinta xiriirkada kala duwan ee cayaaraha ayaa maanta sagootiyay Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika Axmed Axmed, kaasi oo shalay soo gaaray Muqdisho, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dowadda.

 Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa sheegay in maanta ay garoonka Aadan Cadde ay ka sii sagootiyeen wafdi uu hogaaminayay

“Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Afrika, runtii 16-ka bishii hore ayaa la doortay, waxaana uu balan qaaday in safarkiisa ugu horeeya uu ku imaanayo Muqdisho, runtiina waa uu ka dhabeeyay, haddana waxaan ka sagootinayeynaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Cayaaraha.

Madaxweynaha kubbadda cagta Qaaradda Afrika ayaa kormeeray garoomada kubada cagta sida, garoonka kubadda cagta ee Jaamacadaha, Kan Muqdisho oo fariisin u ah ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo Benaadir.

Tani waxa ay noqoneysaa booqasho taariikhi ah, waxanna ay u gogol xaareysaa booqashadda madaxweynaha FIFA oo isna lagu waddo inuu yimaado Soomaaliya bilaha soo socdo.

Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxanna uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.

Xubnaha Barlamaanka ee Aqalka sare ayaa kulan la yeeshay guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka

0

Xubnaha baarlamaanka ee Aqalka sare ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, kaas oo ku saabsanaa soo gudbinta warbixin sanadeedka guddiga.

Mudaniyaasha baarlamaanka Aqalka sare oo kulanka joogay ayaa su’aalo ku aadan shaqada guddiga iyo warbixinta ay soo gudbiyeen weydiiyeen guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka mudane Khaliif C/kariim Maxamed, ayaa ugu jawaabay su’aalaha ay weydiiyeen mudaniyaasha Aqalka sare.

Ugu dambeyntii mudane Cabdi Xaashi C/laahi, oo ah guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka jamhuuriyadda Soomaaliya oo kulanka shir guddoominayay ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga madaxa banaan sida ay ula wadaageen warbixinada ku aadan arimaha xuduudaha iyo hanaanka federaalka.

 

Facebook recognized SNTV facebook account and will include in the presentation at Facebook annual conference.

0

Mogadishu, 17 April 2017 – Somali National TV (SNTV) has received a formal request from Facebook to use one of SNTV social media videos in a presentation at Facebook annual conference.

HE Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Minister of Information of the Federal Republic of Somalia said “The Federal Government of Somalia appreciates the key role that our Somali National TV (SNTV) and its social media accounts play to our citizens and indeed to our world citizens. SNTV is very grateful and honored to have received this formal request from Facebook. This shows the importance of social media in Somali contexts and beyond. Somalis are an oral society, therefore, media plays a pivotal role to the development of the society.”

Facebook is having their F8 developer conference on April 18th and 19th, where they’ll be announcing new products and educating developers and publishers on how to best use Facebook’s tools. Facebook said “We would love to potentially show assets that include your [SNTV] brand during our conference.”

Facebook further requested from SNTV to agree and have all rights required to allow FB to use the

Asset: Presidential Inauguration Video, https://www.facebook.com/sntvnews/videos/1352957151431740/

Facebook may show SNTV asset in the content and experience of F8 in the following ways:
• Shown during a relevant conference session or keynote (the session may also be live streamed, and will be recorded and made available externally)
• As part of a demo station for products at the conference
• Featured in F8-related marketing and promotional content

Conference Dates: April 18th & 19th
Audience: developers, publishers, and tech press attending or live-streaming Facebook’s F8 conference

Please tune in to follow the event via social media accounts.

END

Maalinta dhir beerista Qaranka oo la xusay

0

Munaasabad kooban oo lagu xusayay maalinta dhir beerista qaranka oo maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Xanaanada  Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa agaasimaha guud ee wasaarada iyo agaasime waaxeedyada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa, Dr. Maxamed Cumar Nuur, ayaa ka hadlay muhiimada dhirta ay noolaha u leedahay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo beeraha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka imaan karto jerista dhirta.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo daaqa ee dowladda Soomaaliya, C/kariim Khaliif Dalac, ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan ololaha dhir beerista soomaaliyeed ,wuxuuna sheegay in qof walba looga baahanyahay in gurigiisa uu dhir ku beero.

Sanad walba laga bilaabo 10,ka bisha afaraad waxaa guud ahaan dalka laga xusaa todobaadka dhir beerista qaranka ,iyadoo marka la gaaro 17,ka April,na la qabto munaasabad lagu xusayo maalmahaas dhir beerista qaranka.