Maxamed Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Date:

Waxaa soo gaba gabowday doorashada Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ee ka socotay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe oo ay ku tartamayeen 8 Musharax.

Tartan adag kadib oo dhexmaray musharaxiinta waxaa wareegii saddexaad usoo gudbay labo Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Waare oo helay 44  iyo Daahir Cabudlle Cawaalle oo helay 20 Cod

Maxamed Cabdi Waare ayaa  ku guuleystay doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle kaasi oo helay 74 Cod halka musharaxii la tarmayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 Cod, sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Maamulka Cismaan Barre.

Madaxweynaha cusub ee hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa doorashadii tan ka horeysay ee lagu dhisay Maamulka hirshabeelle ka galay kaalinta labaad, waana markii labaad ee uu tartamo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...