Booliska Ingiriiska oo qabtay nin lagu tuhunsan yahay Qaraxii London

Date:

London(SONNA)-Ciidamada ammaanka Ingiriiska ayaa qabtay Nin dhallinyaro ah oo da’diisu ay tahay 18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay Qarax lala beegsaday mid ka mid ah tareenada mara dhulka hoostiisa, ee magaalada London.

Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa Xarun ay Booliska leeyihiin, waxaana ku socda baaritaan, sida ay sheegeen, laamaha ammaanka.

Booliska ayaa sheegay in qabashada Ninkaan ay suuragashay markii ay wareysteen Goobjoogayaal islamarkaana ay baahiyeen Sawiradda iyo Muuqaalada Rag uu ka mid yahay Ninka la qabtay.

Ma jirto wax dhimasho ah oo lasoo wariyay hase ahaatee, 30 Qof ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi oo shalay lala eegtay tareenka.

Hay’adaha ammaanka Ingiriiska ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta iyo suggida ammaanka, kadib markii ay sheegeen in ay dhici karaan Weeraro kale oo araggaixiso.

Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarkan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...