Booliska Ingiriiska oo qabtay nin lagu tuhunsan yahay Qaraxii London

Date:

London(SONNA)-Ciidamada ammaanka Ingiriiska ayaa qabtay Nin dhallinyaro ah oo da’diisu ay tahay 18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay Qarax lala beegsaday mid ka mid ah tareenada mara dhulka hoostiisa, ee magaalada London.

Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa Xarun ay Booliska leeyihiin, waxaana ku socda baaritaan, sida ay sheegeen, laamaha ammaanka.

Booliska ayaa sheegay in qabashada Ninkaan ay suuragashay markii ay wareysteen Goobjoogayaal islamarkaana ay baahiyeen Sawiradda iyo Muuqaalada Rag uu ka mid yahay Ninka la qabtay.

Ma jirto wax dhimasho ah oo lasoo wariyay hase ahaatee, 30 Qof ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi oo shalay lala eegtay tareenka.

Hay’adaha ammaanka Ingiriiska ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta iyo suggida ammaanka, kadib markii ay sheegeen in ay dhici karaan Weeraro kale oo araggaixiso.

Kooxda la baxday Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarkan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...